29/05/2025
ASC, marka h**e waxaan halkan ka sallaamaynaa guud ahaan shacabka Deegaanka Soomaalida, sallaan kadib;
Shalay oo ay taariikhdu ahay 28/5/2025, wuxuu kulan dhexmaray qayb kamid ah xisbiyada mucaaradka Deegaanka Soomaalida iyo Madaxwaynaha DDS, waxaana kulankooda ay ku sheegeen inay illaa afar qodob isla qaateen. Qodobbada ay sheegeen isla qaateen, marar badan ayaa h**e looga wada-hadlay, wax natiijo ahna lagama gaadhin.
Tusaale ahaan Wada-xajoodka Qaran (National Dialogue); Waxa nasiib darro ah in maanta la yidhaahdo waxaa laga wada-hadalay Wada-xajoodka Qaran oo uu dhamaaday Ajande ururintiisii dhamaan deegaannada dalka, marka laga reebo Deegaanka Tigrayga.
Xisbiyada mucaaradka oo aan ogayn sidii loogu bah-dilay, looguna diiday inay qaataan kaalintoodii ay xaqa u lahaayeen ee uu usoo qoondeeyay Guddida Wada-xajoodka Qaran (National Dialogue Commission Committee), maxaa waqtigan lagala hadlayaa, mar ku-dhowaad sannad ka hor la gudbiyey ajandihii Deegaanka Soomaalida iyadoo aan waxba laga weydiinin xisbiyada mucaaradka.
Haddaba, xisbiga SFP, waxa uu soo jeedinayaa arrimahan:
1. Xisbiga SFP waxa uu kula talinayaa xisbiyada mucaaradka ee Deegaanka Soomaalida, in aanay qaadannin mas’uuliyadda arrin aanay waxba ka ogeyn, wax talo iyo tilmaan ahna aanay ku lahayn oo waqti h**e la meelmarsaday.
2. Xisbiga SFP uma muuqato, in Deegaanka Soomaalida ay ka dhici doonto doorasho xor iyo xalaal ah, sababtoo ah waxa uu raadkeedii muuqdaa, sidii ay u dhacday iyo sidii loo maareeyeyna aynu ogeyn doorashadii h**e. Kaliya, waxa ay rajo iman doontaa haddii isbeddel dhab ahi ka dhaco Deegaanka Soomaalida, waxaananu soo jeedinaynaa in la abuuro saaxad horseedi karta doorasho ka duwan tii aynu h**e u aragnay.
FIIRO GAAR AH:
Xisbiga SFP, waxa uu caddaynayaa in aanu ka qayb-gelin kulankii shalay ka qabsoomay Madaxtooyada, sababtoo ah waxa noo muuqatay in aanay jirin wax dan ummadeed ah oo lagaga hadlay kulankaas, iyadoo waqtigan ay ahayd in mudnaanta la siiyo, sidii wax loogu qaban lahaa shacabka la daalaa-dhacaya abaaraha, biyo la’aanta, sicir-bararka, baahiyaha caafimaad, jidad la’aanta, shaqo la’aanta dhallinyarada, IWM.
Wabillaahi Towfiiq.