08/08/2025
Golaha Xisbiga Barwaaqo ayaa dejiyay toddoba qodob oo si buuxda loogu wajahayo isku dayada ugu dambeeya ee cadowga. Qodobadaas waxay kala yihiin:
1. In la sameeyo dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah kooxaha hubeysan ee doorta inay si nabad ah u halgamaan, si ay fursad ugu helaan xal nabadeed oo lagu dhammeeyo is-mariwaaga jira.
2. In si adag loo hirgeliyo tallaabooyinka lagu xaqiijinayo sareynta sharciga, iyadoo lagula xisaabtamayo kuwa diida nabadda kuna hawlan burburinta shacabka iyo hantida dalka.
3. In si waafaqsan awoodda dalka looga jawaabo cabashooyinka shacabka ee la xiriira maamul-wanaagga, caddaaladda iyo dhaqaalaha, iyadoo la tixgelinayo heerarka kala duwan ee ay kasoo jeedaan.
4. In shacabka si joogto ah loo gaarsiiyo xogta saxda ah, isla markaana si cad loo fashiliyo wararka beenta ah iyo marin-habaabinta.
5. In si toos ah loola dagaallamo hoggaanada iyo adeeg-bixiyeyaasha ku sifoobay anshax-xumo, musuqmaasuq iyo hawl-gudasho la’aan, kuwaas oo ku sugan hay’adaha kala duwan ee dowladda.
6. In la dardargeliyo shaqooyinka horumarineed ee ka socda dhinacyada beeraha, warshadaha wax-soo-saarka, dalxiiska, macdanta iyo tiknoolajiyadda casriga ah (ICT), isla markaana hal-abuurada la bilaabay loo beddelo natiijo muuqata, iyadoo la xaqiijinayo ka-qaybgalka shacabka si isbeddel muuqda looga hirgeliyo magaalada iyo miyiga.
7. In danaha qaran ee dalka Itoobiya laga ilaaliyo lagana difaaco dhanka diblomaasiyadda, iyadoo la adeegsanaayo dhammaan fursadaha jira.