23/08/2019
HALGANKA NOLOSHA
Marka h**e qofku waa in uu iswaydiiyaa maxaa tahay adi? Qof noocee ah ayaa tahay? Sidee unooshahay? Maxaa dadka kale kaga duwantahay? Ma qof wanaagsan baatahay mise qof xun? Sidee isku tihiin socdaalka nolosha? Waa kuma qofka aad rabto in aad noqoto?
Maxaa naftaada ka badali kartaa? Su'aalahaas iyo kuwo kale oo badan ayaan rabnaa in aan iswaydiino.
Haddaba waxaa lagaa rabaa in aad tiraahdo ani waxaan ahay ruux nolosha kaga jira dabaqad hoose, waxaana ahay ruux aan bulshada ku lahayn sucmad, waxaan ahay ruux aan lahayn karti, waxaan ahay ruux nacay nolosha iyo sida aan u noolahay. Waayo soomaalidu waxay dhahaan "Habacsani heer kuma gayso". Taas oo ay ula jeedaan qof isagu isnacay cidna ma gayn karto darajo uusan lahayn, mana ka dhigi karto halyay iyo ruux lagu hirto. Balse deegaanka iyo meesha aad ku nooshahay waxay saamayn ku yeelan kartaa hab nololeedkaaga sababtoo ah haddaad ku nooshahay deegaan lagu bahdilo dadka waxaad noqon qof bahdilan oo fakar iyo hal abuurtoona lahayn. Balse haddaad joogto bay'o lagaa ixtiraamo, qadarin, qiimo, magac iyo maamuus ku leedahay waxaad noqon qof leh han sare kana gudba mar xalad kasta oo noloshaada ku ah lid iyo caqabad. Waxaadna ugudbi marxalad aad usaraysa oo aan lagaarin abid.Waxaad dhahdaa ani waxaan ahay ruux aan bulshada kaga jirin baal dahab ah, aysan cidna itirsan, haddaan joogana aan lay magacaabin haddaan tagana aan lay soocelin haddaan maqanahayna aanlaytabin. Asii aan maanta rabo in aan iska beddalo dhaqankaa oo aan noqdo qof bulshada ka dhex muuqda leh magac iyo maamuus
haybad iyo sharaf.Waxaana jeclahay in laygu yeero halyaygii dunida, markii lay arkana in fadhiga layga kaco, markii aan maqanahayna lay tabo oo lay raadsho, markii aan tagana lay soocesho. Soomaalidu waa iyaga dhaha "Meesha ka muuqo ama ka maqnow", waa in aad tahay qof meel walba aad joogto laga ixtiraamo adna ixtiraama dadka kula nool iyo kan kuu ah cadawga iyo kan kuu ah cadawga iyo kan kuu ah saaxiibka.
Fadlan Page.ka Like Saaro Kuna Xirnoow