23/10/2025
BAYAAMIN XOGEED!!
Jaamacada Jigjiga ayaa bulshada deegaanka iyo bahwadaagteeda u xaqiijinaysaa in xogaha ku aadan ardayda lagu xareynayo Jaamacadda ee dasalka 8-aad aay ka fog yihiin xaqiiqada oo aay abuur yihiin.
Fariinta Jaamacadda ayaana udhignayd sidan hoose:
Jigjiga waxay si cad u wargelinaysaa bulshada, ardayda, waalidiinta iyo daneeyayaasha kale in wararka lagu faafiyey baraha bulshada ee sheegaya in Jaamacadda Jigjiga heerkeeda waxbarasho hoos loo dhigayo ay yihiin warar aan sal iyo raad toona lahayn.
Jaamacadda Jigjiga waxaa dhidibbada loo taagay bishii Maarso 2007, iyadoo ku dhisan Xeerka Waxbarashada Sare ee Federaalka, Xeer Lr. 650/2009, kaas oo nidaamiya jaamacadaha dawladda ee dalka. Tan iyo aasaaskeedii, Jaamacaddu waxay qaranka u soo saartay in ka badan 50,000 qalin-jabiye oo ka hawlgala daafaha dalka iyo dibaddiisaba. Hadda, Jaamacaddu waxay hoy u tahay 7,213 arday oo dhigta heerka koobaad ee jaamacadeed (regular undergraduate), 405 arday oo heerka sare ah (regular postgraduate), iyo ku dhowaad 9,000 arday oo barta barnaamijyada looxjiidka ah (extension programs); ardaydaas oo wax ka kala barata 61da waaxood ee undergraduate ka iyo 50 ka waaxood ee postgraduate ka. Intaas waxaa dheer oo sidoo kale ay jamaacaddu sannadkan dalbatay inay qayb ka noqdaan ardayda jaamacadda in ka badan 1000 arday oo heerka sare ah iyo caddad gaadhaya 2000 oo heerka koobaad ah. Waxaa xusid mudan oo aan intan ku jirin ardayda dugsiyada ee kabista loo sameeyo.
Intaa kaddib, sida la wada ogsoon yahay waxay wasaaradda waxbarashada qaranku dhismaha xarumo hoy ka billawday dhammaan deegaannada dalka. hase ahaate hawlo dhisme oo ka socda qaybo ka mid ah xarumahaas oo ay ku jirto tan magaalada Jigjiga oo horraan loo dhagax dhigay, waxay wasaaraddu ka dalbatay 4 jaamacadood oo kala ah Jigjiga, Gambela, Uda Bultum iyo Wachemo inay martigaliyaan ardayda loogu talagalay inay qayb ka ahaadan dugsiyadan hoyga ah ee wasaaradda, sidaasna ay jamaacaddu ku marti galin doonto ardaydaas, hadii la isla qaato, muddada uu dhammaanayo dhismuhu.
Iyadoo la tix raacayo xeerka xoggaha been abuurka ah ee 1185/2020 iyo xeerka warbaahinta ee 1238/2021 ee qaranka, waxaan xasuusinayna dhammaan cidda ku hawlan faafinta wararka been abuurka ah iyo xogaha aan jirin in hay’adaha amniga dalka, deegaanka, iyo jaamacadduba ay si dhaw ula socdaan, tallaabooyin ku habboonna qaadi doono.