05/04/2026
Dhagaxbuur — Madaxweynaha DDS, ayaa xadhigga ka jaray sayladda casriga ah ee xoolaha magaalada Dhagaxbuur, mashruuc ay ku baxday in ka badan 63 milyan oo birr.
Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, Wasiirka Wasaarradda Ganacsiga JDFI, Dr. Kaasahun Goofe Iyo Wasiirka Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada, Cabdiqaadir Iimaan (P.hD) ayaa daah-furay mashruuca sayladda xoolaha ee magaalada Dhagaxbuur, xarunta gobolka Jarar.
Sayladdan casriga ah oo ay ku baxday in ka badan 63 milyan oo birr, kuna fadhida dhul dhan 37,500 m² (150m × 250m), ayaa si weyn u xoojin doonta ganacsiga xoolaha magaalada, maadaama xooluhu laf-dhabar u yihiin dhaqaalaha bulshada deegaanka. Sayladdan ayaana faa’iido weyn u yeelan doonta ganacsatada xoolaha iyo xoolo-dhaqatada gobolka.
Mashruucan oo uu dhagax-dhigay Madaxweynuhu 3-dii bishii June 2025 G.c, ayaa kharashka ku baxay waxaa bixisay Wasaaradda Ganacsiga ee Dowladda Federaalka, gaar ahaan mashruuca DRIVE oo uu dhaqaalihiisa bixiyo Bangiga Adduunku.
Ugu dambayn, sayladdan ayaa la filayaa inay noqoto xarun ganacsi oo muhiim ah, isla markaana door weyn ka qaadan doonta koboca ganacsiga xoolaha ee magaalada iyo gobolka. Bulshada magaalada ayaana si weyn usoo dhaweeyay mashruucani.
Wakaaladda Horumarinta iyo Maamulka Guryaha DDS