18/09/2025
Golaha Fulinta Deegaanka oo uu Shir gudoominayay Madaxweynaha Deegaanka Mudane Mustafe M.Cumar Ayaa Maanta Ansixiyay Qaabdhismeed Cusub oo ay yeelanayaan qaar kamid ah Shirkadaha DDS.
Qaabdhismeedkan Cusub Ayaa Shirkadaha lagu Mideeyay waxaa kamida Shirkadda Dhismaha Hawlaha Biyaha iyo Qodista DDS, Shirkada Dhismaha Jidadka DDS iyo Qaybta Dhismaha Ee Wakaaladda Guriyaynta DDS taas oo laga dhigay hal Shirkad oo Hadda kadib loogu yeedhidoono Shirkadda Dhismaha DDS
( Somali Construction Coorporation).
Dhanka kale Waxaa la balaadhiyay Qaabdhismeedkii h**e Ee Shirkadda Daraasaadka, Naqshadaynta iyo Dabagalka Mashaariicda taas oo noqotay Shirkadda Hawlaha Engineeriyadda Ee DDS Sidoo kale Waxaa iyadana la Ansixiyay Shirkad Cusub oo kusoo koradhay qaabdhismeedka Shirkadaha Dawladda taas oo ka Shaqayndoonta Shaqooyinka macdanta (Shirkadda Macdanta DDS).
Hawshan oo in mudo ah ay Diyaarinteeda iyo Daraasaadkeeda waday Wakaaalada Dabagalka iyo Taakulaynta Shirkadaha Horumarinta Dawladda Ee DDS ayaa si rasmi ah Maanta ay u ansixiyeen Golaha fullinta DDS.