26/06/2022
Komishinka Baadhista iyo Qaabilaadda Cabashooyinka Deegaanka ayaa tababar u qabtay xubnaha guddiga cabashooyinka ee ka aas-aasan xafiisyada Deegaanka.
Tababarkan oo ay ka soo qeyb-galeen xubnaha guddiga cabashooyinka ee ka aas-aasan xafiisyada heer deegaan ayaa lagu qaadanayaa qaabshaqeedka guddiga iyo habraaca bayaanka xafisku ku aas-aasan yahay. Waxaana ka mid ah cashirrada ay ku qaadan doonaan tababarkan inta uu socdo; qaabka cabashooyinka loo qaabilayo, ka go'aan qadashada cabashooyinka iyo sidii fahan buuxa looga qaadan lahaa noocyada cabashada la qaabilayo. Waxaana cashirrada tababarkan bixinaya agaasinnada komishinka.
Marwo Ifraax Maxammuud, Komishinneerka Komishinka Qaabilaadda iyo Xallinta Cabashooyinka Deegaanka ayaa sheegtay in guddigan yahay mid loo aas-aasay sidii wax looga qaban lahaa cabashada bulshada ee ka jirta xafiisyada Deegaanka, si adeeg-bixinta bulshada la siinayo u noqoto mid ku salaysan cadcaddaan iyo isla xisaabtan.