18/06/2021
Sidii kor loogu qaadi lahaa TIRADA IYO TAYADA wax soo saarka beeraha iyo kheyraadka dabiicaga ah waxay ay dawladu xooga saartay istiraatijiyadda loo yaqaano ADLI ( AGRICULTURAL Development leading industrial ) oo ah mid hanka saaraya Horumrinta Beeraha iyo Kheyraadka Dabiiciga ah oo noqon doona asaaska warshadaha
Hadaba Dawladu waxay diirada saartey khasabna noqotey in wax laga badalo qaabka dhaqashada Khayraadka dabiiciga ah iyo Falida beeraha ee dalkeena toos oo kor uqaadi doonta TIRADA IYO TAYADA wax soo saarka khayraadka ah iyo beeraha si mustaqvalka kor loogu qaado dhaqaalaha wadan
Istiraajiyada horumarineed si looga midho dhaliyo jihooyinka laqaatey waxaa ka mid Aasaasida kuliyadaha Farsamada iyo Xirfadaha Gacanta ee khayraadka dabiiciga iyo beeraha (ATVET)
UJEDOOYINKA LOO AAS AASAY XARUMAHA TABABARADA
Waxaa ka mid aha
▪︎in la helo sugnaan shiiyaha (food security) loona tirtiro baahida cunada beeraleyduna noqoto ku marka h**e kafaala qaada baahiya dhanka cunada BULSHADA DALKA
Marka xigana
▪︎ in la abuuro Beeraley leh xirfad iyo aqoon sareeysa ugana faa,iideysta kheyraadka Dabiiciga habka ugu haboon, isticnaali kara farsamoyinka casriga ah (Technology), soona saari kara waxsoo saar ka tartami kara suuqa caalamka, lehna aqoon dheerad ah oo dhanka suuqa ah, kana soo hoyiya waxsooo saarkaas faa,iidoyin
▪︎In habka iyo farsamooyinka casriga ah la la jaan qaadsiyo CIMILO-GOBOLEEDKA deeganka iyo kor loo qaado dhaqaalaha dalka ayadoo loo horseedayo Xoolodhaqatada iyo Beeraleyda in ay isticmalaan farsamoyinka iyo teknolojiyada casriga ah iyo in ay ku saleeyaan waxsoo saarkooda Suuqa caalamka si ay kor ugu qadaan Dakhligooda taaso u horseedaysa Dalka koboc dhaaqaale
Qeybaha xiga ..