28/04/2025
Xisb**a Barwaaqo wuxuu qiimeeyay xaaladda amni, siyaasadeed, iyo dhaqaale ee xili xaadirkan Dalka ka jira.
Wuxuu boggaadiyay horumarka balaadhan ee ka jira dhanka siyaasadda oo uu ugu h**eeyo hirgalinta nidaam fadaraali ah oo dhab oo Deegaanaddu ay u madax banaan yihiin arimahooda maamul. Waxaa kale oo guulaha siyaasadeed kamid ah abuuridda xisbi middaysan oo suuragaliyay in la isku wadi karo xorriyadda qowmiyadaha iyo midnimadda iyo Wadajirka dalka.
Waxaa sidoo kale la isla qaatay muhiimadda furfuraanta dhaqaalaha iyo xorreynta sarifka lacagaha adag oo leh kufaa kac balse ah sida kaliya ee dalku kor ugu qaadi karo kaydka lacagaha adag ee muhiimka u ah dhaqaalaha dalka. Waxaa la bogaadiyay guulaha dhanka waxsoosaarka beeraha, macdanta, iyo koboca waxsoosaarka la dhoofiyo. Waxaa la isla meel dhigay guulaha biloowga ah ee dhanka Horumarinta Magaalooyinka oo bilicda ka muuqata caasimadda dalka ay makhraati u tahay.
Dhanka amniga waxaa hoosta laga xariiqay badbaadintii dalka laga badbaadiyay qawlaysatadii damacday inay Xukunka dib u qabsato, iyo fashilinta xooggaga xagjirka ah ee Deegaanadda qaar ka waday qalalaase iyo iska horkeen shacabka ah. Waxaa kale oo la bogaadiyay tayaynta iyo casriyeenta hay’adaha aminga ee dalka.
Waxaa guulahaas la gaadhay iyadoo lala tacaalayo duruufo adag oo isugu jira kuwa dabiici ah (sida abaaro, COVID), kuwo colaadeed, iyo hardan geopolitics oo mandaqada iyo dunidaba ka socday, saameeyayna dhaqaalaha dunida iyo dalkaba.
Waxaa kale oo la qiimeeyay Isbadalka dhanka xeeladaha minjaxaabinta ee ay la yimaadeen xooggaga ku fikiraya inay burburiyaan nidaamka maanta jira ee ku yimid Isbadalkii 2018ka. 7dii sano ee Isbadalka waxaa xooggaga isbadal-diidka xeelad u aheyd iska horkeenka qowmiyadaha iyo diimaha kala duwan, dagaal toos ah iyo jabhadeeyn. Waxay hadda ku qanceen in ayna hadafkooda ku gaadhi karin xabad oo kaliya. Waxaa markaa hadda xeelad cusub u ah inay abaabulan kacdoon shacab. Si taasi ugu meelmarto waxay go’aansadeen in ay