06/04/2026
Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 06/04/2026 ka qabsoomay xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee DDS soojeedinta & qiimaynta warbixinta waxqabadka xafiiska ee 9ka Bilood.
Waxaa warbixinta loo jeedinaayay Gudiga Gaar ah ee Xafiiska Baarlamaanka u Qaabilsan Dabagalka Kharashaadka Dawlada(PAC).
Intii ay socotay soojeedinta warbixinta ayaa waxaa diirada la saaray qodobo muhiim ah oo ay kamidyihiin gaadhida yoolashii qorshaysnaa iyo qabsoomida shaqooyinkii loo asteeyey in ay ku qabsoomaan 9ka billod ee SM 2018 T.I,caqabadaha lalakulmay iyo tabcooyinkii loo maareeyey.
Soojeedinta kadib,xubnaha gudiga dabagalka kharashaadka dawlada(PAC) ayaa ugu h**eyn mahadnaq iyo bogaadin u soojeediyey xafiiska iyaga oo sheegay in xafiisku dadaal ka sameeyey gudashada wajibaadkiisa shaqo.
Intaa kadib gudiga ayaa su'aalo,talo-bixino iyo tilmaamo wax-ku ool ah u soojeediyey xubnaha gudiga maareynta xafiiska hanti-dhawrka guud ee uu hormuudka u yahay hanti-dhawraha guud.
Ugu danbayn kulanka ayaa ku soo idlaaday guul iyadoona la isla qaatay in la xoojiyo xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeya xafiiska Hanti-dhawrka Guud iyo Gudiga "PAC".