Xafiiska Maamulka Degmada God-god

Directions

Xafiiska Maamulka Degmada God-god Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Xafiiska Maamulka Degmada God-god, Government Official, God-god, Jijiga.

Shirkada isgaadhsinta ee Ehio-telecom ayaa uqaybisay buugaa iyo Qalimaan 170 arday oo kamid ah ardayda dhigata Dugsiyada...
25/09/2026

Shirkada isgaadhsinta ee Ehio-telecom ayaa uqaybisay buugaa iyo Qalimaan 170 arday oo kamid ah ardayda dhigata Dugsiyada Dhexe ee Degmada God-god.

Ardaydan oo ubilawday Sanad dugsiyedka cusub ee 2019 aya helay Buugagti ay wax kubaranlahayen Sanad dugsiyeedka 2019.

Waxaan ooga mahade celinayna shirkada Ethi-telecom garab istaga ay usameyen Ardayda Danyarta ah.

Dhamaan qabaleeyada degmada God-god waxaa ka Bilaabmay Shirarka Wacyigalinta bulshada Qaybaheeda kala duwan.Shirarkan iy...
16/09/2026

Dhamaan qabaleeyada degmada God-god waxaa ka Bilaabmay Shirarka Wacyigalinta bulshada Qaybaheeda kala duwan.

Shirarkan iyo wacyigalinta aya waxay soco doonan mudo 20 bari ah iyado loo kuur-galayo Xaaladaha ay kunolyihin Bulshada iyo Baahiyaha kajira Qabaleeyada.

Qodobada wacyigalinta waxa kamid ah
* Adkaynta Amniga
* Kor-uqadida Dakhliga
* Qaadashada Aqoonsiga Qaranka(Fayda)
* Kor-uqaadida Goobaha adeeg-bixinta
* Jiilka waxbarashada
* Dalag iyo daryeel
* Dhaqo o dheefso

15/09/2026

Government official

πŸ“’ OGEYSIIS – BAAHIDA 3 MACALLIN πŸ“’πŸ« DUGSIGA SARE EE UGAAS HARUUN UGAAS DACAR(Dugsiga Sare ee Degmada God-God)Waxaa la oge...
04/09/2026

πŸ“’ OGEYSIIS – BAAHIDA 3 MACALLIN πŸ“’
🏫 DUGSIGA SARE EE UGAAS HARUUN UGAAS DACAR
(Dugsiga Sare ee Degmada God-God)
Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan macallimiinta aqoonta, kartida iyo khibradda u leh maadooyinka hoos ku xusan in Dugsiga Sare ee Ugaas Haruun Ugaas Dacar uu u baahan yahay 3 Macallin, kuwaas oo kala ah:
πŸ‘¨β€πŸ« MAADOYINKA LOO BAAHAN YAHAY
πŸ“ Xisaab (Mathematics) – 1 Macallin
πŸ‡¬πŸ‡§ English – 1 Macallin
🧬 Biology – 1 Macallin
πŸŽ“ Fasallada: 9aad ilaa 12aad
πŸ“ Goobta: Degmada God-God, Gobolka Afdheer
πŸ“‹ SHURUUDAHA LAGA RABO MACALLIMIINTA
βœ… In uu haysto Degree/Bachelor’s Degree oo ku saabsan maadada uu dhigayo.
βœ… In uu leeyahay khibrad macallinnimo oo 4–5 sano ama ka badan.
βœ… In uu si wanaagsan ugu hadli karo Af-Soomaali iyo English.
βœ… In uu leeyahay karti iyo waayo-aragnimo ku filan baridda ardayda fasallada 9aad–12aad.
βœ… In uusan lahayn wax balwad ah.
πŸ’° MUSHAARKA
40,000 Birr bishii πŸ’΅
🏠 Guriga dagi lahayeen oo bilaash loo diyaarinayo
πŸ“ž CIDDA LA XIRIIRAYA
+251 923 908 666
+251 91 128 2221
+251915452209
πŸ“’ Fadlan la wadaag ogeysiiskan qof kasta oo buuxin kara shuruudaha.
🏫 Dugsiga Sare ee Ugaas Haruun Ugaas Dacar
Degmada God-God – Gobolka Afdheer

waxaa galabta la soo xidhay qiimeyntii iskaashiyada iyo qoysaska Xisbiga barwaaqo ee degmada God-God oo socotay Mudo 3 m...
22/06/2026

waxaa galabta la soo xidhay qiimeyntii iskaashiyada iyo qoysaska Xisbiga barwaaqo ee degmada God-God oo socotay Mudo 3 maalmood ah.
πŸ”Š Gunaanadkii waxaan iskaashiyada & qoysaska lagula dardaarmay qodobadan hoos ku xusan
🟩 In wax laga barto qiimeyntii aan soo marnay dhanka adagna la sii xoojiyo dhanka jilicsan wax laga badalo.
🟩 Dardargalinta adeeg bixinta & saacadaha shaqada
🟩 Ka shaqaynta nabadgalyada iyo
🟩 Joogtayta qabashada shirarka iskaashiyada & qoysaska xisbiga barwaaqo.

Waxaa Magalaada Aato ee Gobolka Bakool nooga qabsoomay Shirarki wacyigalinta Amniga ee xuduuda Degmoyinka God-god iyo Aa...
29/05/2026

Waxaa Magalaada Aato ee Gobolka Bakool nooga qabsoomay Shirarki wacyigalinta Amniga ee xuduuda Degmoyinka God-god iyo Aato.

Shirka waxaa kasoqaybgalay Masuliyinta Ciidamada Qaranka labada dhinac maamulada degmoyinka Aato iyo God-god iyo Shacabka Magaalada Aato.

Waxaana la isla qaatay in Lagawada shaqeeyo Amniga iyo Hormarka Deeganka.

Degmada Aato ee gobolka BakoolWaxaa Maanta Magaalada Aato nooga qabsomay shirki Amniga ee degmoyinka God-god iyo Aato.Sh...
18/04/2026

Degmada Aato ee gobolka Bakool

Waxaa Maanta Magaalada Aato nooga qabsomay shirki Amniga ee degmoyinka God-god iyo Aato.
Shirkan waxa kaso qaybgalay hay,adaha Kala duwan ee Amniga sida Ciidamada Qaranka labada dal iyo ciidanka Policeka deeganka soomalida.

Shirkan aya lagu gorfeeyay Adkaynta Nabadgalyada Xuduuda iyo wada shaqynta Maamulada iyo Hay,adaha Amniga ee Labada dhinac.

Waxaa maanta madasha kulamada Hoolka shiraka degmada God-God ka qabsoomay kulan ay yeesheen xubnaha iskaashiga Xisbiga  ...
31/03/2026

Waxaa maanta madasha kulamada Hoolka shiraka degmada God-God ka qabsoomay kulan ay yeesheen xubnaha iskaashiga Xisbiga Barwaaqo iyo Qoysaska xisbiga barwaaqo degmada God-God

Kulankan oo uu hoggaaminayay madaxa Arrimaha Xisbiga Barwaaqo, Mudane Jaamac cabdi muhumed iyo madaxa Arrimaha Siyaasada mudane maxamed Qaasin , ayaa diiradda lagu saarayey qodobo muhiim ah oo kor u qaadaya hufnaanta iyo waxqabadka shaqada.

Kuwaas oo ay kamid ahaayeen:
1. Warbixinta waxqabadka Xisbiga Barwaaqo ee 9-ka bilood ee S.M 2018 T.I (Conference).
2. Adkaynta shaqa-galka xafiiska iyo dardargalinta howlaha socda.
3. Dhaadhicinta jihooyinka iyo go’aamadii ka soo baxay shirkii xubnaha sare ee Xisbiga Barwaaqo.
4. Dardar-galinta shaqooyinka iskaashiyada iyo qoysaska Xisbiga.

Intii kulanku socday, qodobadan ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay loona dhaadhiciyay xubnaha kala duwan ee qaabdhismeedyada Xisbiga Barwaaqo ee degmada, iyadoo la isla qaatay in la xoojiyo wada-shaqaynta, isla xisaabtanka, iyo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada xafiisyada.

Hambalyo Dhamaan Hogaminta degmada God-god ee Lamagacabay iyo Kuwa la isku badalayba.Aaha idinku asturo Masuliyada.
26/03/2026

Hambalyo Dhamaan Hogaminta degmada God-god ee Lamagacabay iyo Kuwa la isku badalayba.
Aaha idinku asturo Masuliyada.

Waxaa si Habsami leh usocdo Biyo-dhanka Loo samaynayo Dadka abaaraysan ee kudhaqan Degmada God-god.Biyo-dhankan waxa isk...
23/03/2026

Waxaa si Habsami leh usocdo Biyo-dhanka Loo samaynayo Dadka abaaraysan ee kudhaqan Degmada God-god.

Biyo-dhankan waxa iska kaashaday Maamulka degmada God-god,Dhalinyaro, Ganacsato iyo Xubna kale oo si iskood ah isku abaabulau si ay u garab-istaagan Dadka walaalahod ah Ee Biyo la,aanta ah.

Alla Waxaan kabaryayna In uu Nagu arsaaqo Raxmadisa Dhamaan Musliminta.

Address

God-god
Jijiga

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiiska Maamulka Degmada God-god posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share