05/10/2022
Tababar ku saabsan maamulka iyo maaraynta guud ee warshadaha gaar ahaan dhanka maaliyada, xogta, iyo hawlgalada warshadaha, ayaa ka qabsoomay madasha kulamada ee ramaas hotel.
Tababarkan oo uu soo agaasimay Xafiiska maalgalinta Iyo Warshadaha DDS gaar ahaan waaxda hormarinta warshadaha ayaa waxa ka soo qaybgalay 60 xubnood oo ka kala socday warshadaha ka jira deegaanka xubnahan ayaa fahan guud laga siiyay qodabadan kala ah
-Maamulka iyo maaraynta warshadaha. - Noocyada kala duwan ee loo nidaamiyo lacagaha iyo xisaabaadka warshadaha.
-Ganacsiga iyo bay,ada
-Suuq gaynta waxsoosaarka warshadaha
- Hawlgalada warshadaha (industry operations)
-Sida loo diyaariyo qorshe ganacsi (business plan for industry)
Xubnaha tababarka qaatay waxay ka dhaxli doonaan tababarkan in ay Kor u qaadaan nidaamka maamul ee wax soo saarka warshadaha ay ka yimaadeen iyo in ay fahmaan nidaamka iyo shuruucda tayada warshadaha ee dalka .
Inay fahan guud ka helaan shaqooyinka
kala duwan ee warshadaha iyo maarayntooda iyo Inay kor u qaadaan nidaamka suuq gaynta waxsoosaarkooda warshadaha
Waaxda xidhiidha dadwaynaha