07/02/2026
Wakaaladda Xaqiijinta Tayada Xirfadaha (CoC) waa wakaalad dowli ah oo u xilsaaran xaqiijinta tayada iyo kartida xirfadlayaasha kala duwan. Wakaaladdu waxay bixisaa shahaadooyin heer qaran ah, kuwaas oo la siiyo xirfadle kasta oo ku guulaysta imtixaanka xaqiijinta tayada, kadib marka si buuxda loo xaqiijiyo kartidiisa dhinacyada Aqoonta (Knowledge), Xirfadda (Skill) iyo Dabeecadda Shaqo (Attitude).
Shaqooyinka Ay Wakaaladdu Qabato
1. Wakaaladdu waxay qiimeyn iyo xaqiijin ku samaysaa xirfadlayaasha ka soo baxa:
➢ Kuliyadaha Xirfadaha iyo Farsamada (Polytechnic & TVET Colleges)
➢ Kuliyadaha Culuumta Caafimaadka (Health Science Colleges)
➢ Tababarrada gaagaaban ee lagu kobciyo xirfadaha gaarka ah
➢ Xirfadlayaasha heer hoose iyo heer dhexe ee ka shaqeeya shirkadaha iyo warshadaha
➢ Macallimiinta kuliyadaha, ka hor inta aysan bilaabin waxbaridda
2. Soo Saarista Agabka Qiimaynta (Assessment Tool Development)
Marka laga soo tago imtixaaminta iyo xaqiijinta, Wakaaladdu waxay: Diyaarisaa agabka qiimaynta xirfadlayaasha heerarka kala duwan (hoose, dhexe iyo sare) waxay Sameysaa agabka qiimaynta ee xirfadlayaasha dhammeystay tababarrada gaagaaban
3. Aqoonsiga Dadka Leh Khibrad Shaqo (RPL – Recognition of Prior Learning)
Wakaaladdu waxay fursad siisaa dadka leh xirfado ay iskood u barteen, balse aan soo marin waxbarasho rasmi ah, sida:• Xirfadlayaasha dhismaha, korontada, tolmaha, farsamada alxanka, makaanikada, iyo xirfado kale, Marka la xaqiijiyo kartidooda, haddii ay ku guulaystaan imtixaanka xaqiijinta tayada, waxaa la siiyaa shahaado qaran
4. Xaqiijinta Goobaha Qiimaynta, Wakaaladdu waxay hubisaa in:• Goobaha qiimaynta iyo xarumaha TVET in ay haystaan qalab ku filan, Manhajka waxbarasho in uu la jaanqaadayo baahida suuqa shaqada ee casriga ah
5. Soo Xulista Qiimeeyayaasha Wakaaladdu waxay soo xushaa:•Qiimeeyayaal tayo leh oo leh aqoon, khibrad iyo anshax shaqo, Kuwaas oo xaqiijiya xirfadlayaasha ka soo baxa kuliyadaha iyo xarumaha tababarka
6. Bixinta Shahaadooyinka Qaran, Wakaaladdu waxay bixisaa shahaadooyin kala duwan, oo ay ka mid yihiin:•
➢ National Qualification Certificate – Xirfadlayaasha dhammeystay tababarrada dhaadheer
➢ Competence Certificate – Xirfadlayaasha dhammeystay tababarrada gaagaaban
➢ Assessment Center Certificate – Goobaha qiimaynta
➢ Assessors Accreditation Certificate – Qiimeeyayaasha qaada imtixaanka xaqiijinta tayada
7. Samaynta Cilmi-baadhisyo Kala Duwan, Wakaaladdu waxay fulisaa:•
➢ Cilmi-baadhisyo la xidhiidha geeddi-socodka qiimaynta
➢ Daraasado lagu ogaanayo caqabadaha iyo gal-daloollada ka jira tayada waxbarashada iyo xirfadaha