Abwaan Qaryaan Dhoodaan

Abwaan Qaryaan Dhoodaan Waxaan halkan idinka ogaysiinayaa in boggan cusub ee QARYAN DHODAN uu wax cusub oo xiiso leh idinku so kordhin doona hadu alle idmo ,
wll wiil/gabadh like

Waa taariikhihii iyo gabayadii abwaankii weynaa ee loogu magacadaray sanadihii 1940-90 wll adoo ku soo darsanaya ra'yi iyo wax alaale wixii aad ka hayso oo taariikh ah ama sheeko ah nagu soo biiri nooguna soo diri adigoo na tixgelinaya PAGEKAN cusub eee Qaryaan dhodan waxaad noo tahay muhiim hadii aad tahay taariikh yahan qofkasta oo soomaali ah waa u furan yahay waana ka dhex hadli karaa had

ay tahay waano iyo talo isku soo biirinba ,. Waxaan idinka digayaa walaalayal in aad iska ilaalisaan ama aad dhawrtaan nashaxa iyo edaabta boggan cusub waayo waa qaali oo waxaa ku qoron ABWAANKII ABWAANADA SOOMAALIYEED qaryaanka kana ileeli waxii dhib iyo xumaato u keeni kara adigana waa sharaftaada ee la soco . Mahasanidiin by Cubayd jig-jiga

Tix gammuuran oo gaaban oo caynka lagu giijayWaxaan arar gadaanka ugu sudhi amaan u guud saariSuubaan galgalineed kolkuu...
18/09/2015

Tix gammuuran oo gaaban oo caynka lagu giijay
Waxaan arar gadaanka ugu sudhi amaan u guud saari
Suubaan galgalineed kolkuu marayo geeleenu
Waa say awrtu ugu guuxdo ooy halo u goojaane
“Dhoodaan waa adiib weyn, waa nin naqdiya waxa jira, gabaygiisuna ma laha waxa loo yaqaan ‘laqsiga’ sida naago ammaanka iyo jacaylka. Waa nin ka hadla dhibaatada jirta sida khiyaamada, axdi ka baxa, caddaalad la aanta, is gumaysiga, iwm. Wuxuu gabaygiisa ku muujiyaa in axdi ama ballanqaad la galay laga baxay. Waa abwaan weyn oo adeegsada qaabka balaaqiga… Ma qabo inuu jiray abwaan aragtidiisa oo kale lahaa oo maanso ku cabbiray naqdigiisa, mid h**e iyo mid hadda noolba. Waxaase ku dhaw dhaw Sayid Maxamed Cabdille Xasan.” [1] Sidaa waxaa yidhi Professor Faarax Dhaameel.
“Miisaanka gabayga Dhoodaan, iyo lafta iyo luddiisa waxaan ku tilmaami karaa inuu yahay kan ugu sarreeya ee gabayga Soomaalida. Intaa waxaa dheer waddaniyad uu ka daacad yahay” [2] Sidaa waxaa yidhi Halabuur Cabdullaahi Baddal Cabdi Qamaan.
“When dealing with weighty social and historical circumstances, Abdillahi Dhodan’s command of
Somali language and poetic insight is in the same league as the legendary poets, such as Ragge Ugas and Qamaan Bulhan.” [3] Sidaa waxaa yidhi Axmed Ismaaciil Xuseen (Xudaydi.) Hadalkaa waxaa si aan rasmi ahayn loogu tarjumi karaa "marka laga hadlayo waayaha bulshada iyo kuwa taariikhiga ah ee miisaanka leh, Cabdullaahi Dhoodaan kartidiisa xagga luuqadda iyo xirib-dheeridiisa xagga gabayga ahi waxay la heer tahay midda gabayaagii h**e sida Raage Ugaas iyo Qamaan Bulxan."
“Dhoodaan ma aha dadka gabayga laga keeno ee waa ilhaan markii uu wax tabo ama dareen ku dhasho gabya” [4] Sidaa waxaa yidhi Muxumed Baaruud Guraase.
“Gabayga Dhoodaan tolkay wuu ku ciil baxaa ee wax kuma qaato” [5] Sidaa waxaa yidhi halabuur Cabdi Sheekh Biixi.
Yuusuf-dheere Maxamed Sugaal oo ah gabayaa caan ah ayaa gabay mariyey: Faylasuuf ka weyn ma dhalan, faxalkii Dhoodaan e . Gabay kale Yuusuf-dheere waa kii ku lahaa kadib markii uu taxay magacyada ragga gabayadooda Soomaalidu ugu jeceshahay: sano nool abwaan baa murtida laga ishaartaaye, eeggana waxaa laga tabshaa adiyo Dhoodaane (adi wuxuu ujeedaa Hal-abuur Cabdi Sheekh Biixi)
Maxamuud Cabdi Kaadheeri waa kii lahaa isagoo u digaya nin isku dhereriyey Macallinka asii Kaadheeri ugu muuqday nimaan Cabdullaahi Dhoodaan la heer ahayn:
Boqorkaan dhacaynee murtida baarqabkii gabayga
Billaddeeda wiilkii hantiyey barrihii suugaanta
Haddaad beer adaygaaga tidhi waan u bixi maanta
Naf aad birqooshaad siddaa ood budkaw qodiyee
Is biimaynta qaarkeedna waa kuu baraarnimo e
Ma gaadhaayo bayd aad furtaa Boqorka Dhoodaane
Anaan baratamaynaa haddaad wax is bidaysaaye
Billaawuhu markuu kugu dhaciyo baaska daba jooga
Barkad-naxa barriiqada siddii bilista how yeedhin?
Isaguba, waa Dhoodaane, waa kii lahaa:
Gurdan raaca googaatamoow gaabsadaan odhane
Gocorkiyo ardaa-niijiyoow hooy gabaan idhiye
Halkay gumacyadaydu u socdaan waa gun iyo baare
Af gurrani hadduu goob yidhaa wuu guracayaaye
Annaguna waxaanu leeyahay, Cabdullaahi Macallin Dhoodaan wuxuu ugu horreeyaa halabuurka Soomaaliyeed kuwii tegay iyo kuwa casrigan ahba. Aragtidayda, Sayid Maxamed Cabdille Xasan ma ahee, ilama aha inuu jirro hal-abuur la miisaan ah Cabdullaahi Dhoodaan. Waxaa la odhan karaa wuxuu gaadhay fidha ugu sarreysa ee halbeegga gabayga. Sidoo kale wuxuu yahay xeeldheere dhaqanka iyo afka Soomaaliyeed, taariikhda iyo sooyaalka ummaddeena iyo Geeska Afrikaba. Waxaa intaa waheliya waddaniyad niyad ka ah iyo gumaysi iyo gardarro nacayb dhalamad ah. Wuxuu ka mid ahaa dhalintii u guntatay aasaaskii iyo abaabulkii xisbigii Nasru-Laahi. Xisbigani wuxuu ahaa dhaqdhaqaaq madax banaani doon ah oo ka unkamay gobolka Soomaali Galbeed. Xawliga iyo xarbahu haba kala duwanaado e, nus-qarnigii tegay wuxuu si aan kala hadh lahayn ugu hawlanaa halgankaa.
Gabayada Cabdullaahi Dhoodaan mid walba kaligii ayaa buugag laga qorri karaa. Gabay walba oo uu tiriyo abwaanku waxaa si gaar ah uga dhexmuuqda xeeldheeri, murti wacni, eray xulasho, xariifnimo, macno iyo tarkiib yaab leh oo cid lala simaa aysan jirin. Carroqaadkiisu waa ugub, murtidiisuna waa agan, sida uu isba sheegay: gabay aan abuuraa hadduu aniga ii muuqdo, waxaan dooni meel ugub ahayd inaan abbaaraaye.
Markasta oo aad gabay uu tiriyey dhagaysato ama akhriso, waxaad is leedahay gabay kan u dhigma waligii cid tirisay lama sheegin. Haddiise aad isla fadhigaa ku dhagaysato gabayga kaa xiga ee ay isku cajalka ku duuban yihiin, waxaad si dhib yar markiiba u iloobaysaa kii aad dhagaysatay daqiiqado ka hor oo aad kan dambe u qiraysaa inuu yahay gabaygii ugu cuslaa ee aad waligaa maqasho. Sababtu ma aha in adiga, dhagaystooy, ay xulashadaadu liidato amaba aadan aqoon hoose u lahayn kala sooca maansada. Sababta arintaa keentayi waxay hubaashii tahay gabayada Dhoodaan oo uu midba midka kale ka khatarsan yahay kana cibaaro iyo cilmi qodan yahay, in la kala hormariyona ay adag tahay. Kolka ninba dookhii iyo danta gaarka ah ee uu ka leeyahay gabayga ayaa kala jeclaysiisa.
Waxaa lagu doodi karaa 100% gabayada Dhoodaan inay wadani yihiin. Waxaa la arkaa in la helo qof Macallinka ku khilaafsan mowqif siyaasi ah oo uu qaatay ama sida uu u cabbiray xaalad siyaasadeed oo xillli gooni ah jirtay. Waxaanse marna la arag ama la maqal qof dhaliila awoodiisa aan dhigga lahayn, aan gunteedu muuqan, awoodiisa la odhan karo waa awood caqli-ka-fooq ah ee gabayaanimo. Ma arkaysid meeris Cabdullaahi Dhoodaan ka sugnaaday oo aad isleedahay allow yaa kaa baddala ama muxuu saa u yidhi oo uu sidaa kale u odhan waayey.
Intaa waxaa dheer inuu leeyahay codad iyo naaxiyado kala jaad jaad ah goonina isaga u ah oo dhagaysigooda Soomaalidu aad ugu xasisho. Sida uu ugu luuqeeyo iyo siiqada gabayadiisa ayaa waxay tahay si aan laga xigan karin oo isaga oo kaliya ahi uu awoodo inuu sidaa keeno. Bal dhagayso: Yaa dirsaday, Salleelo, Garnaqsi,
Salleelo, Gardarro , Xaajadii, ikk . Ku luuqaynta gabaygu, gaar ahaan kolkii ay sida ta Dhoodaan u hufan tahay, waxay leedahay qiime iyo muhiimmad gaar ah maxaa yeelay marar badan ayaa waxaa la arkaa nin gabay fiican oo haddii gabaygiisa la qorro murti laga dhadhansan karro. Laakiin markii uu ku luuqeeyo aanu sidaa dhadhan u lahayn.
Gogol-dhigadka maamaahdu waa gabayadaydaase
Gucunkeeda maansadu halkay gacan-togaalaysay
War guulaanti xididaysatiyo guurti laga yaabay
Goljeex iyo madaba way helaan inay ku goobaane
Ma gartaan gibbaankoo dhan iyo jaale goray-ciile
Dhoodaan waxaa kale oo uu yahay aabihii iyo abuurihii nooca maansada ka midka noqday ee loo yaqaano Jacburka. Lama sheegin Dhoodaan ka hor cid gabay jacbur ah oo sida gabayga caadiga ah u macno badan danaheeda ku gudatay. Jacburku waa xikmad, maad iyo madadaalo yuururta oo ay Soomaalidu aad ugu qoslaan uguna raaxaystaan. Waxaa xusid mudan inay jiraan hal-abuur badan oo Cabdullaahi Dhoodaan kaga dayday samaynta jacburka sida Cabdi Saahid, Yamyam, Hadraawi iyo Shube, ikk.
Badda riinjiyee baa u daran hawlaad qabataaye
Xisaabtana dabayshood qortaa kuugu fara weyne
Nin sigaar cabbaa wuxuu yidhaa anigu waan dayne
Kolkuu dhammaystuu haddana laba midh doontaaye
Gabadh aad jeclayd oo haddana gaadhi kula fuushay
Oo dhinacan kaa soo fadhiyo ruuxay garanayso
Ama aad guri kusoo booqatay lana ciyaarayso
Hooyadeedna ay joogto oo waliba soo jeedo
Adiga iyo inantaasi waad kala xishootaane
Yaabbaa adduunkii ka dhacay wiiga maanta ah
Dhulkii lagaba guuryoo cirkaa loo tartamayaaye
Xiddigaha dushoodaa dhawaan la isku haystyaaye
Aboole kow iyo toban baa kharibay dad aan la koobayne
Suuqaa markii aad u degtaba buuq haddaad maqasho
Dayaxay tageen iyo ma tagin muranku weeyaane
Wadaadadii jiboodiyo casrigu way is dilayaane
Ilkihii rag laga daadiyeey galabta sheegeene
Yurigaa Giriigbaa la yimid hawshan oo idile
Isagaa wareerkaaba baray dunidii fiicnayde
Awal waa la wada diidi jiray oo la beensadaye
Hadda unbay xaqiiqaynayaan waana la hubaaye
Armstaroonba waa kii dayaxa ciid ka soo raraye
Luna iyo Aboolaana dhigay calamadoodiiye
Haddaynaan ina guurin oo meel kasii dayanin
Afrikaanku baashuu lahaa waa la dagayaaye
Haddaba talogalkeenu ma aha inaan taariikhdii Macallinka soo koobno, sifayn badan oo kale oo uu u baahan yahayna ma jirto. Waxaan kaliya doonaynaa in aan hordhac u samayno gabayada Cabdullaahi Dhoodaan ee hoos hadhsan doona boggan. Intaa yar ee gibinka ah ee aan kor kusoo qaadanay masoo koobi karto taariikhdiisa iyo gabayadiisa baahay ee nus qarniga socday.
Mar walba oo aad soo booqato doollo.com waxaa la arkaa inaad ugu timaado gabayo abwaanku leeyahay oo ku cusub boggan. Haddaba biyo sacabadaada ayaa laga dhargaaye joogtee inaad soo gaadho bogga Dhoodaan si aadan u gafin maansadiisa qaaliga ah ee aan uruurinay. Wixii halkan ka maqan ee aad hayso fadlan noo soo tebi. Dhagayso, akhri oo ku xasil, isku maaweeli, taariikhda iyo taxanihii ina soo maray ka baro maansada Cabdullaahi Dhoodaan ee mid loo dhigaana aanay jirin.
Haku guban dheh waa guluc shishiyo goobadaan xidhiye
Hana moodin goof laga bixiyo gaaman laasa ah dheh
Galalaati mool howgu dhicin gawyalaan faraye
Gammuunkaan cirka u riday halkuu dhigan gafuurkiisa
Ha arkeen gulaamadii batiyo uur-ma-gaaxsade e
Onkod galaw ka diday baa odhan geesinimo doone
Markaasay gabrada laacayaan saa gobbay koriye
Amay goosan xabag gawlaliyo maydhax gumareede
prepared by

Af-Soomaaligu waa af caan ku ah murti iyo maahmaaho badan.  Maahmaahda iyo murtiduba waxay ku yimaadaan dhacdo qofka qabsata...

18/09/2015

D alxiis Geyn
Dhoodaan
Gabaygan Dalxiis, abwaanku wuxuu kaga hadlayaa hodanimada iyo qaninimada dhulka loo yaqaano
Ogaadeenya ama Soomaali Galbeed. Wuxuu gabaygu ka mid yahay gabayada naadir ka ah ee Dhoodaan.
Wuxuu yidhi:
1. Dalkayaga dabeecooyinkii, Eebe ugu deeqay
2. Dulwareejis guud baan tilmaan, kugu dawaafsiine
3. Ila daawo gabaygaygan waan, kugu dalxiis gayne
4. Hanfi dab iyo duufaano maleh, ama diraac dheere
5. Madaayaan daruurtiyo cirkuba, waana di-i-taane
6. Daafyahaa saraa noogu badan, karan darroorteed e
7. Umana doollin doog iyo xareed, wali dadkiisuye
8. Mana doosho duunyadu dhul kale, sidan daraadeede
9. Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso
10. Ee daan Galbeed iyo kor baan, kuu dalaandalinne
11. Waana dul iyo diillaha dhixiyo, duudo iyo buure
12. Durdur iyo dad haro uu qotiyo, kali dafoo buuxa
13. Tog durraaba laagaha dixdiyo, wabi kasoo daaca
14. Biyaha daadku dooxiyo hundaba, way dindimayaane
15. Markaasuu qofkii doonayaa, dalaga beertaaye
16. Ma dardugin farsamaday shacbigu, tacab ku doontaane
17. Harqoodkii dushiyo kootar adag, dacal u saaraane
18. Jiqirtidaan dabcayn Nugi durtiyo, kooshi loo dadabye
19. Minaaq daloolay baa marashadii, loo dusinayaane
20. Digiraday dafsiin iyo irfidaa, la isku daabtaaye
22. Xadhko dunniyo suun iyo qoryihii, laysku wada duubye
23. Sango dacayan dagal kaw sudhoo, lagu dabaabeeye
24. Markaasay dullaha qaadannooy, daba istaagaane
25. Alaabtaa carada dooxi bay, dibidu jiidaaye
26. Ciid abuurkii lagu daadinbay, kala dilaacshaane
27. Dhulkuna daahimaayee sidii, lagu dareemaayey
28. Durba midhihii oo doog noqday buu, soo dalacayaaye
29. Dheelidaa dabayluhu lulaaan, maalmo dabadeede
30. Hadana way ka dabargoyn ristiyo, caws dugsiin kara e
31. Doc katuure laamuhu sabuul, firi dahaadhnayde
32. Waliba shay darxumo keeni baa, laga duwaayaaye
33. Waxay ugu dikeeyaan sariir, daakhilkeeda ahe
34. Doofaarraday kaga ceshaan, amase daanyeere
35. Wadhaf bay ku daafici shinbiro, duulayaa jira e
36. Mudday laydh dabaalane kolkay, diir-cadaad noqoto
37. Qof dibjiray haduu soomariyo, socoto diifaysan
38. Looguma darree beerta waa, laga daryeelaaye
39. Wixii deeqi karay baa martida, looga sii dubiye
40. Qofkii oon degmada gaadhin bay, sii dibiriyaane
41. Qodaal darisa waa lagu ogaa, daawo iyo xeere
42. Way ugula dillaamaan mandado, kii dalbada guuse
43. Bakaar duugte xero oodan dayr, oo karoor dade
44. Qofba wixii dorraad kayd u yiil, wuu diqdiqayaaye
45. Dhulkani deeq Allaalehe intuu, naga durduursiiyay
46. Wixii Daa'in naga dheefshay iyo, qaar ku sii dihinba
47. Dibno kuma idlayn karo sadkuu, noogu daabacaye
48. Duuduub ahaan saricii waan, kuu dulleed maraye
49. Dabrocelinta hoos iyo Bari baan, kuula daadagiye
50. Tanna ila day waa daaqsintiyo, geestii duunyada e
51. Inkastoo darraanshihii batay iyo, dacatigii maalku
52. qof daman oo kuwiisii dacniyay, ama darbaynaaya
53. Isba caydh dagaagtiyo fakhribay, dani u gaysaaye
54. Dango malaha duunyadu hadaan, layska daayicine
55. Ma darsaan damiin jaahil iyo, doqontu waa mooge
56. Iga daase hadalkaan damcay, tani duwaysaaye
57. Maansada dariiqii horaan, kuugu daadihine
58. Gu iyo dayr dabaylood xagaa, ama diraac goodle
59. Afarta xilli dacalka Bari, waa isdabajooge
60. Dagmadiyo siday ugu dhaqmaan, ceel-shubkiyo doogga
61. Durdur iyo magaalaba anaa, kugu dalxiis gayne
62. Sheekada aan lagu daalin baa, daawo miidhan ahe
63. Waxba yaanan kuu sii daldalin, sheeko dabadheere
64. Ma daynine dulkaasaan hadhow, daadah kaa odhane
65. Maantana halkaa noogu daa, haysku sii diline
66. Diyaar noqo hadana saadanbaan, daqaqamaynaaye
Cabdi Xiis ayaa gabayga ka qoray cajaladdii uu ku duubnaa. Mahadsanid saaxiib.

prepared by

09/04/2015

waxaan kobtan ka salamayaa dhamaan akhyaarta ku xiran ahna taageerayaasha pagekan

I love you

07/04/2015

waxaan kobtan ka salaamayaa dhamaan dadweynaha somaliyeed kuwada nool daafaha caalamka waxaan idinku salamayaa salanta sharciga ah ee ASC , SALAN KA DIB , walalayaal waxaad ku aoo dhawaataan pagekan:net cusub ee -DHOODAAN ka soo idinka haqab tiri doona gabayadii iyo geeraaradii iyo gabayadiisii ahaa ee aadka bulshadu u xiisayn jirtay ayaad ku arki doontaan kana dhargi doontan gabayadii

Address

Sayidka
Jigjiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abwaan Qaryaan Dhoodaan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category