02/06/2026
Xog Muhiim ah:
Doorashooyinkii Qaran ee 7-aad k**a aysan dhicin goobihii lagu muransanaa ee u dhexeeya Deegaanka Soomaalida iyo Deegaanka Canfarta, oo ay ku jiraan magaalooyinka Garbaciise, Cadaytu iyo Cundhufo. Arrintan waxaa si cad u xaqiijiyay go’aankii dhawaan kasoo baxay Guddiga Qaranka Doorashooyinka.
Sidaa darteed, sheegasho kasta oo ka hor imaanaysa go’aankaas ma laha aasaas sharci, waana mala-awaal aan xaqiiqo ku dhisnayn.
Waxaan shacabka la socodsiinaynaa inay ka taxadaraan xoggaha aan la hubin ee la xidhiidha doorashooyinka ee baraha bulshadda lagu daabaco, ayna qaataan oo keliya xoggaha rasmiga ah ee kasoo baxa hay’ada dawliga ah ee sharciga u leh arimaha doorashooyinka, oo ah Guddiga Doorashooyinka Qaranka.
Mahadsanidiin.