20/04/2025
Wixii Iigu Cajiibsanaa Ee Aan La Kulmo.
Deeganka sababaha wax badan looga qori waxaa adag innaad hesho xog rasmi ah, oo ka madhan: Kooxaysi,qabyaallad, taagere Dowli ah iyo Cadiifad. Waxaa badan dhinacyo arrimo gaara isku eryanaya, oo maalmaha ay is qabtaan mid walba raadiyo meeluu qiiq ka shido.
Arrimaha danta guud ama baahiyaha jira waxay soo baxaan marka loollan gudaha yimaado. In aad xog dheeli-tiran hesho waxay u baahan tahay daddaal badan. Xitaa maamulada dhexe oo aan dheeli-tirba fahansanayn ayaadan helaynin.
Xiligii uu Boggan cusbaa ayaa meel layga soo gudbiyay in Ambalaastii Degmo qaad lagu qaado, dadkii bukaan kuna dhibaataysan yahay. Waxaan dhahay oday dhaqameedka ila hadal siiya, markaasa waxaa lay dhiibay reer madaxa Caafimadka ku kacsanaa Oday ay iiga dhigeen Suldaankii reerkaas: Wuxuu iigu dhaartay in xogtu sidaasi u jirto. Hadhow oo kale mar aan xogtii galay oo aan aaminay unbaan dhinicii kale waraystay, waxaanba ogaaday in odayguba Suldan ahayn. Hadda wuu dhaartay Walaahi.
Berigaas wixii ka dembeeyay waxaan dhaqan ka dhigtay in waxa la tabinayo la dheeli-tiro, hadii maamulku aysan ka gaabsan.Arrimaha culusna in lasoo arko mooye inaan cidna la aaminin, xitaa hadii koox abbaabulan ku soo wacdo.
Arrimaha kale ee aanan ilaawin qof jilayay inuu tabaalaysan yahay oo caawimo rabay ayaa maalmo dhan ka meeraysanayay inaan soo arragno, hadana wuxuu kaaga sheekayn kiis lasoo jilay oo qalbi xannuun ah. Maalintii dembe markaan booqanay ee aan deriskiisa iyo halkuu deganaa soo arragnay wuxuuba noqday qof aad u ladan, oo xitaa isagu deeq bixin kara. Ilaa hadaan is waydiiya waxa ku kalifay arrintaas.
Walow lambarka dadka baahino hadana qof aan dul tagin, oo aan xaalkiisa mudo baadhin ma shaaciyo.
Qisada kalee cajiibka ah waa midii gabadhii wiilkay is jeclaayen markay isku dhaceen sawirkiisa soo dirtay ee dhahday Baafiya waa Dhimirkoo wuu xannuunsan yahaye. Midan iyada way ila gaadhay oo intaan baafiyay unbuu wiilkii isoo caayay; Isma lahayn qofbaa baafin wax ka dhex raadin.😀😀😀
W-Q: Macalinka Soomaaliyed (Ms)
VOSS TV