13/05/2026
Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga DDS & Hay’adda NIRAS GIZ Oo Ka Hirgelinaya Awbarre iyo Qabribayax Mashruuc Casri ah oo Kor u Qaadaya Barbaarinta Dhirta iyo Shaqo Abuurka Bulshada,
Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga Dowladda Deegaanka Soomaalida (DDS), oo kaashanaya Hay’adda NIRAS GIZ, ayaa si rasmi ah uga hirgelinaya degmooyinka Awbarre iyo Qabribayax ee gobolka Fafan mashruuc muhiim ah oo lagu dhisayo xarumo casri ah oo loogu talagalay barbaarinta dhirta, isla markaana lagu tayeynayo xarumihii h**e ee ka jiray labadaasi degmo.
Mashruucan oo ah mid istiraatiiji ah ayaa diiradda saaraya xoojinta ilaalinta deegaanka, dib-u-cagaaraynta dhulka iyo horumarinta nolosha bulshada deegaanka.
Waxaa sidoo kale mashruucu bixinayaa taageero dhinaca farsamada, qalabka casriga ah iyo kobcinta aqoonta shaqaalaha ka hawlgala xarumaha barbaarinta dhirta labadaasi degmo, Awbarre iyo Qabribayax ee gobalka faafaan.
Ujeeddada ugu weyn ee mashruucan ayaa ah in sare loo qaado heer daboolka deegaanka cagaaran, lana dardar-geliyo hirgelinta qorshaha qaran ee “Dhaxal-Reebka Cagaaran,”
kaas oo muhiim u ah ilaalinta deegaanka, yaraynta saameynta isbeddelka cimilada iyo dib-u-soo nooleynta dhulka xaalufay.
Mashruucan oo noociisu yahay “Community Seedling and Marketing” ayaa bulshada deegaanka u horseedaya fursado shaqo abuur oo waara, gaar ahaan dhalinyarada iyo haweenka, iyada oo loo marayo soo saarista geedaha, suuq-geyntooda iyo hawlaha la xiriira ilaalinta deegaanka.
Bulshada ku dhaqan Awbarre iyo Qabribayax ayaa mashruucan ka faa’iideysan doona dhinacyada:
Shaqo abuur iyo kobcinta dakhliga qoysaska
Helitaanka aqoon iyo xirfado cusub
Kor u qaadista deegaanka cagaaran
Yaraynta xaalufka dhirta iyo nabaad guurka
Kobcinta ka qaybgalka bulshada ee ilaalinta deegaanka,
Mas’uuliyiinta mashruuca ayaa sheegay in dhismaha xarumaha casriga ahi uu qeyb weyn ka qaadan doono sidii loo heli lahaa deegaan caafimaad qaba iyo bulsho dhaqaale ahaan is taageeri karta, iyagoo xusay in iskaashiga dowladda iyo hay’adaha horumarintu yahay mid muhiim u ah xaqiijinta horumar waara.
Mashruucan wuxuu tusaale u yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ilaalinayo deegaanka, laguna kobcinayo horumarka bulshada deegaanka , gaar ahaan gobolka Fafan.
“Deegaan cagaaran waa nolol waarta iyo mustaqbal ifaya.”