Xafiiska Caafimaadka Degmada Goorobaqaqsa Ee Gobalka Liiban

Xafiiska Caafimaadka Degmada Goorobaqaqsa Ee Gobalka Liiban Make Health service quality & Affordable

08/04/2026
Degmada Gorobaqaqsa ee  gobolka Liiban waxaa saaka lagu daahfuray wareega 5aad ee ololaha talaalka kahortaga cudurka Boo...
29/03/2026

Degmada Gorobaqaqsa ee gobolka Liiban waxaa saaka lagu daahfuray wareega 5aad ee ololaha talaalka kahortaga cudurka Booliyada.

Munaasabadii daahfurka ayaa waxaa kasooqaybgalay Hogaaminta gobolka, kuwa degmada Gooro, xubno kasocday Xafiiska caafimaadka heer degma iyo hay’adaha bahwadaagta ah.

Masuuliyiindtii munaasabada kasoo qaybgalay ayaa hadala kooban oo kusaabsan ahmida talaalkan kasoojeediyay goobta, waxayna sidoo kale kubooriyeen waalidka caruurta da'doodu 5ta sano kahoosayso haysta inay uga faa'iideeyaan talaalka muhiimka u ah bad'qabka caruurtooda.

Xafiiska Caafimadka Deg.Gorobaqaqsa March 29

10/12/2025

Waxaa bilaaban doona ololaha talalka booliyada wareegiisa 4ªªð tahsas 3-6 2018.

Wasaaradda Caafimaadka Federaalka ItoobiyaXafiiska Wacyigelinta iyo Xakamaynta Cudurrada QarankaWar-saxaafadeed ku saabs...
12/11/2025

Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Itoobiya

Xafiiska Wacyigelinta iyo Xakamaynta Cudurrada Qaranka

War-saxaafadeed ku saabsan feejignaanta cudurrada dhiig-baxa (Hemorrhagic Fever)

iyo tallaabooyinka lagu xoojinayo kormeerka iyo ka hortagga cudurradaas

Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adda Ka Hortagga iyo Xakamaynta Cudurrada Itoobiya waxay ku wargelinayaan shacabka in si taxadar leh looga hortago cudurrada dhiig-baxa (Hemorrhagic Fever) oo laga helay degaanno gaar ah oo dalka ka mid ah.

Warbixin rasmi ah oo kasoo baxday wasaarada ayaa sheegaysa in dhowaan la xaqiijiyay cudur dhiig-bax ah oo ka dilaacay degaanka koonfurta Ethiopia gaar ahaan magaalada jinka , halkaas oo 8 qof lagu arkay calaamadaha cudurka, lana xaqiijiyay dhowr kiis.

Cudurkan dhiig-baxa ah (Hemorrhagic Fever) waxaa lagu gartaa qandho, madax-xanuun, murqo-xanuun, matag, iyo dhiig bax ku dhaca sanka, ciridka ama caloosha. Cudurku wuxuu ku fidaa xoolaha (lo’da, ari, iyo ido) iyo cayayaanka sida kaneecada ama shilinta, wuxuuna sidoo kale ku faa'i karaa qof ilaa qof taabasho dhiig ama dheecaan jirka ah.

Wasaaraddu waxay dadweynaha ugu baaqaysaa inay feejignaadaan oo ay raacaan talooyinka soo socda:

In la iska ilaaliyo taabashada dhiigga ama dheecaanka qof cudurka qaba ama xoolo cudurka qaba.

In qof kasta oo yeesha calaamado la mid ah qandho, matag, iyo dhiig bax degdeg loola cararo xarunta caafimaadka ugu dhow.

In la ilaaliyo nadaafadda deegaanka iyo jirka.

Haddii qof uu u dhinto cudurka dhiig-baxa (Viral Hemorrhagic Fever), waa in si taxadar leh loo aaso iyadoo la raacayo talooyinka caafimaad.

Faahfaahin dheeraad ah iyo warbixin degdeg ah, fadlan la xiriir lambarradan: 8335 ama 952, ama la xiriir xarunta caafimaadka deegaankaaga.

---

Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Itoobiya
Hay’adda Ka Hortagga iyo Xakamaynta Cudurrada
Maarso 2011 (EC) / November 2025 (GC)
Addis Ababa, Itoobiya

04/11/2025
Waxaan maanta degmada ka bilownay mashruuca Drive initiative oo loogu talagalay in talaalada iyo agabka kale ee caafimad...
26/10/2025

Waxaan maanta degmada ka bilownay mashruuca Drive initiative oo loogu talagalay in talaalada iyo agabka kale ee caafimadka lagu gaadhsiiyo goobaha fogfog ee ay adagtahay in lagaaro mashruucan oo ay iska kashaden xafiiska caafimada, xafiiska shaqa abuurka & xirfadaha, xafiiska ganacsiga iyo gadiidka & haayada unicef islamarkana dhalinyaro loso tababaray motoyinka shaqa abuur looga sameeyay.

Mashruucan ayana wax badan kabadeli doona adeega talalka caruurta ee goobaha fogfog oo ay adagtahay in lagaadho, dhalinyaradana shaqa abuur u noqon doonta in xiliyada adeega ka baxsan ay ku shaqeeystaan motooyinka.

Address

Jigjiga

Telephone

+251915053770

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiiska Caafimaadka Degmada Goorobaqaqsa Ee Gobalka Liiban posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Xafiiska Caafimaadka Degmada Goorobaqaqsa Ee Gobalka Liiban:

Share