10/02/2026
Bismilaah:-
----------------------
Maanta oo ay taariikhdu tahay 03/06/2018 E.C, Waxaa nasoo gaadhay calafka xoolaha oo dhan 1,820 bale (45,500 kg) oo naga soo gaadhay xafiiska horumarinta xoolo-dhaqatada dds.
Calafkan ayaa qaybka ah dadaalada xukumadu ay ka gaysanayso ka jawaabista saamaynta isbadalka cimiladu ay sababtay oo guud ahaan ka jirta gobolka erer.
Sida la ogyahay roobashii labada xilli ee u dambeeyay(gu'ga iyo dayrta) ayaan sidii loo baahnaa ooga curanin(di'in) degmada waangey iyo nawaaxigeeda, taas oo saamayn ku yeelatay guud ahaan waxsoosaarka ay xoolo-dhaqatadu ka heli jireen xoolaha nool.
Hadaba iyada oo laga duulayo ka jawaabida baahiyahaas xoolodhaqatada ayaa xukumadu nasoo gaadhsiisay calaf, kaas oo kusoo beegmay xilli baahi badan loo qabo, kuna rajo waynahay in ay ka faa'iidaysandoonaan xoolodhaqato badan.
~Mahad-sanidin