๐™ณ๐™ท๐™ฐ๐š€๐™ฐ๐™ฐ๐™ป๐™ฐ๐™ท๐™ฐ ๐™ธ๐šˆ๐™พ ๐™ถ๐™ฐ๐š๐™ฐ๐™ฐ๐™ณ๐™บ๐™ฐ ๐š„๐™ผ๐™ฐ๐™ณ๐™ณ๐™ฐ ๐š‚๐™พ๐™พ๐™ผ๐™ฐ๐™ฐ๐™ป๐™ธ

  • Home
  • Ethiopia
  • Dire Dawa
  • ๐™ณ๐™ท๐™ฐ๐š€๐™ฐ๐™ฐ๐™ป๐™ฐ๐™ท๐™ฐ ๐™ธ๐šˆ๐™พ ๐™ถ๐™ฐ๐š๐™ฐ๐™ฐ๐™ณ๐™บ๐™ฐ ๐š„๐™ผ๐™ฐ๐™ณ๐™ณ๐™ฐ ๐š‚๐™พ๐™พ๐™ผ๐™ฐ๐™ฐ๐™ป๐™ธ

๐™ณ๐™ท๐™ฐ๐š€๐™ฐ๐™ฐ๐™ป๐™ฐ๐™ท๐™ฐ ๐™ธ๐šˆ๐™พ ๐™ถ๐™ฐ๐š๐™ฐ๐™ฐ๐™ณ๐™บ๐™ฐ ๐š„๐™ผ๐™ฐ๐™ณ๐™ณ๐™ฐ ๐š‚๐™พ๐™พ๐™ผ๐™ฐ๐™ฐ๐™ป๐™ธ Waxaynu kashaqayn kordhinta garaadka iyo wacyiga jooga ee ku aadan nolosha aasaasiga ah iyo Dhaqaalah

public awareness more about daily economically concepts and how countries are contributing

Wasaarada Maaliyadda Ee Dalku waxa ay goโ€™aan ku gaadhay in muddo aan la cayimin lafuran karin ama lafasixi karin dukumen...
14/10/2022

Wasaarada Maaliyadda Ee Dalku waxa ay goโ€™aan ku gaadhay in muddo aan la cayimin lafuran karin ama lafasixi karin dukumentiga kalsoonida ee bangiyada (LC) 38 nooc oo badeecado ah oo ay ku jiraan baabuurta Xaragada.

Badeecadaha la soo xulay ayaa lagu soo dejiyaa lacag yar oo LC ah, ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka ahna madaxa dhaqaalaha ee bangiga qaranka Ato Faqadu Dgafe.

Waxa uu sheegay in isha ugu weyn ee ay ka helaan sarifka lacagaha qalaad ay tahay suuqa madaw iyo xawaaladaha. Sidaa darteed, waxayna rajo ka muujiyeen in mamnuucida badeecadahan ay hoos u dhigi doonto suuqa lacagta sharci darrada ah.

โœ…Dhibaatoyinka Dhaqaale Ee Dalkan Itoobiya Haysta Ma Waxay Katimid Sahay Yarida Mise Baahida oo Sii Kordheysa? แ‹จแŠขแ‰ตแ‹ฎแŒฒแ‹ซ แŠขแŠฎ...
05/10/2022

โœ…Dhibaatoyinka Dhaqaale Ee Dalkan Itoobiya Haysta Ma Waxay Katimid Sahay Yarida Mise Baahida oo Sii Kordheysa?
แ‹จแŠขแ‰ตแ‹ฎแŒฒแ‹ซ แŠขแŠฎแŠ–แˆš แ‰ฝแŒแˆญ แŠจแŠ แ‰…แˆญแ‰ฆแ‰ต แˆ›แАแˆต แ‹ˆแ‹ญแˆต แŠจแแˆ‹แŒŽแ‰ต แˆ›แ‹ฐแŒ แ‹จแˆ˜แАแŒจ แАแ‹?

โœ…Maxay ka dhigan tahay BAAHIDA(แแˆ‹แŒŽแ‰ต) Iyo SAHAYDU(แŠ แ‰…แˆญแ‰ฆแ‰ต),
Dhibta dhaqaale ee aasaasiga U Ah Itobiya Manoqon Kartaa kororka joogtada ah ee kuyimaada SAADKA Mise waa koror la'aanta BAAHIDA?
!!

12/09/2022

Maalmahan Dhexdooda Insha Allah Waxynu Gudagali Cashiro Video Ah kuna Saabsan Dhaqaalaha

Inaad Hesho Sarif Badan oo Lacagaha Qalaad Ah Shuruud Uma Noqon Karto Dhoofinta Badeeco Tiro Badan,Balse Waxa Sabab Unoq...
10/09/2022

Inaad Hesho Sarif Badan oo Lacagaha Qalaad Ah Shuruud Uma Noqon Karto Dhoofinta Badeeco Tiro Badan,Balse Waxa Sabab Unoqon Kara Kor Ukaca Ku Yimaada Qiimaha Wax Kala Iibsiga Ee Suuqyada Caalamka!

Warbixinta 2014 Wadarta Guud Ee Ganacsiga Dibadda Dhoofinta iyo Soo Dejinta {Import&Export} Ee Dalka ๐Ÿ‡ช๐Ÿ‡น Ethiopia Dhoofin...
10/09/2022

Warbixinta 2014 Wadarta Guud Ee Ganacsiga Dibadda Dhoofinta iyo Soo Dejinta {Import&Export} Ee Dalka ๐Ÿ‡ช๐Ÿ‡น Ethiopia

Dhoofinta{Export] Ganacsiga dibadda Loo dhoofiyay ee Itoobiya waxa uu gaadhay 4.1 bilyan dollar, waxaa kukordhay 600 milyan oo dollar marka loo eego sannadkii h**e ee 2013. Qorshaha Abuurista Dakhli ganacsi oo cusub ayaa la filayay inuu kordho 20%, balse 14% ayuu gaadhay.

Marka la eego saamiga dalalka loo dhoofiyay agabyada aynu soosaarno,
Switzerland 13%; Netherland 9%; Ameerika 9% Soomaaliya 8%; Sacuudi Carabiya 7% iyo Jarmalka 7% ayaa ah dalalka ugu horreeya ee wax iibsada. waxayna guud ahaan Itoobiya wax soo saarkeeda u dirtay in ka badan 30 waddan oo daafaha caalamka ah.

Sababta keentay kororka 600 milyan oo dolar Sm.2014 marka la barbardhigo 2013 ee ganacsiga dibadda loo dhoofiyo waxay tahay.
โ–ช๏ธŽKororka baahida qaadka ee dalka deriska ah ee Soomaaliya (27%)
โ–ช๏ธŽDalabka kafeega Ama Bunka ee Jarmalka ayaa kordhay (24%) iyo
โ–ช๏ธŽNederlaan oo baahida ubaxu Kordhay (19%) ayaa sababtay (kobaca dalabaadka saddexdan dal waxayna Qayb wayn ka qayb qaateen 70% kobaca dhoofinta Itoobiya).

Saamiga Agabyada Dhoofinta waxaa ka mid ah bunka ($ 1.4 bilyan); Dahab ($ 546 milyan) iyo ubax ($ 544 milyan) iyadoo saddexda badeecadood oo keliya ay yihiin 60% wadarta guud Ee dakhliga.

Marka la eego xaddiga badeecadaha la dhoofiyo, kafeega ama bunka ayaa 57% ka ahaa dhoofinta; hilibka 45%; khudaarta 27% iyo dunta cutubka 19% ayaa la dhoofiyay.marka la barbar dhigo 2013, waxa kaduwan, miraha saliidda iyo digirta 26%; Dahabka waxa la dhoofiyay 16% iyo wax soo saarka hargaha 9% marka loo eego 2013kii. Wadarta saadka 10 ka mid ah 18 badeeco ee diyaarka u ah dhoofinta ayaa hoos u dhacay 2014kii.

Itoobiya ma joojin kartaa (Kamaarmi) soo dejinta qamadiga taas badalkeedna Dibadda ma u dhoofin kartaa? Sida ay shegayso...
30/06/2022

Itoobiya ma joojin kartaa (Kamaarmi) soo dejinta qamadiga taas badalkeedna Dibadda ma u dhoofin kartaa?

Sida ay shegayso warbixin laga soo xigtay Xafiiska Beeraha ee Maraykanka, wax soo saarka Qamadiga ee Itoobiya ayaa ku socda horumar weyn, wax soo saarkuna wuu kordhayaa.

Sida laga soo xigtay Xafiiska Beeraha ee Maraykanka, Itoobiya ayaa la filayaa inay soo saarto 5.7 milyan oo tan oo Qamadin ah inta udhexaysa sanadka 2022/2023.

Tani waxay boqolkiiba 3.26 ka sarreysaa sannadkii h**e ee wax-soo-saarka.

Warbixintu waxay xustay in dowladda Itoobiya ay gacan ka geysaneysay kororka wax soo saarka Qamadiga saddexdii sano ee la soo dhaafay. Waxa kale oo ay bixinaysay taakulaynta fidinta, horumarinta waraabka, agabka beeraha oo casri ah iyo agabyo kale.

Markii h**e, Itoobiya waxay soo saari jirtay wax-soosaar qiyaastii 70 boqolkiiba dalabkeeda gudaha waxayna soo dejisan jirtay ilaa 30 boqolkiiba.

Waxaa jira cilmi la yidhaahdo "Business intellegence" oo dhamaan shirkadaha dalkeenu sanadaha soo socda ay baahi u qabi ...
23/06/2022

Waxaa jira cilmi la yidhaahdo "Business intellegence" oo dhamaan shirkadaha dalkeenu sanadaha soo socda ay baahi u qabi doonaan, waan ogahay shirkadaha waaweyn ee dalka imika dad ajaanib ah ayaa u qabta hawlahaa (Soomaalidana nin cadaan ah iyo kuwa kaleba lagu kari maayo eeย 

Muxuu yahay barnaamijkan??

waa qeyb kamid ah qeybaha ganacsiga casriga ah kaas oo loo adeegsado in xogta macaamiisha laga soo saaro information micno leh oo waxyaabo badan loo isticmaali karo.

Barnaamijyadda ugu h**eeya imika ee laga baran waxaa kamid ah

1. Power BI oo ay leedahay microsoft
2. Tableau.

Marka hadii aad tahay qof ku wanaagsan data-da iyo business anlayticska barnaamijkas waqti gali waxaadna ka bilaabi kartaa.

waxyaabaha aad u baahantahay inad waxyar ka taqano waxa kamid ah

A. Microsoft Excell

WQ:- A.R ina Omer

Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide Ayaa Yiri Sidan:"Sicir-bararka ayaa hoos u dhici doona 11% 2015"T.I Anigana waxaan qabaa...
09/06/2022

Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide Ayaa Yiri Sidan:"Sicir-bararka ayaa hoos u dhici doona 11% 2015"T.I

Anigana waxaan qabaa inay adag tahay in la yiraahdo waxaa jirta saadaal dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo Sicir-bararka si fudud hoos loogu dhigi karo boqolkiiba 25% hal sano gudaheed,

Hoos u dhigista sicir-bararka 25% Iyadoo uu hadda joogo From 36% ilaa To 11% sanadkii Ma aha oo kaliya mid adag ee waaba waxan dhici karin lamana filan karo.
Dabcan horayba waa loo awoodi waayay in hadal iyo mahmaah sicir-bararka lagu dhimo hal lambarna hanoqotee!

Sababaha ugu waa weyn ee sicir-bararka dalkeenu waa
1-Kor ukaca kharashaadka loo isticmaalo wax soo saarka Ama (Cost push inflation)
2-Hoos u dhaca Awoodda wax iibsiga ee dhaqaalaha iyo
3-Sicir bararka shixnadaha dibadda laga keeno Ama (Imported Inflation) oo si tartiib tartiib ah u daciifay!
"Adiga Maxay Kula Tahay Asxapey"

Address

Gayiga Somalyeed Dirir-Dhaba&DDS
Dire Dawa

Opening Hours

Monday 06:00 - 06:00
Tuesday 06:00 - 18:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+251937221437

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when ๐™ณ๐™ท๐™ฐ๐š€๐™ฐ๐™ฐ๐™ป๐™ฐ๐™ท๐™ฐ ๐™ธ๐šˆ๐™พ ๐™ถ๐™ฐ๐š๐™ฐ๐™ฐ๐™ณ๐™บ๐™ฐ ๐š„๐™ผ๐™ฐ๐™ณ๐™ณ๐™ฐ ๐š‚๐™พ๐™พ๐™ผ๐™ฐ๐™ฐ๐™ป๐™ธ posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category