13/10/2023
Waxaa caawa Ilaahay noo suurtogaliyay barnaamij in muddo ah lasoo diyaarinayay oo dhaqaale loogu uruurinayo taageeridda dadkii hantidooda ku waayay dabkii baabi’yay suuqii waynaa ee magaaladda Jigjiga iyo dib-u-dhiska suuqa. Barnaamijka caawa lagu qabtay caasimada Addis Ababa waxaa lagu soo uruuriyay lacag ka badan 500 milyan oo Birr. Waxaa balanqaadyo dheeri ah sameeyay bunuug iyo maalqabeeno ayna u suurtoobin inay ka soo qaybgalaan xafladda caawa kuwaas oo wixii ay bixiyaan shacabka lala wadaagi doono.
Xafladda caawa waxaa kale oo iyana lagu iclaamiyay lacag 600,000 oo dollar ka badan oo ay soo direen qurbajoogta deegaanka ee Maraykanka.
Tan iyo intii masiibadu ku dhacday ganacsatadii suuqa, xukuumadda iyo Shacabku waxay ku dadaaleen inay xal degdeg ah iyo mid waaraba ka gaadho dhibatadii dhacday iyadoo horay gacan-qabasho biloow ah loo siiyay dadkii dhibtu soo gaadhay.
Waa markii ugu horeeysay ee barnaamij lagu taageerayo deegaankeena lagu qabto caasimada dalka. Laakiin Maaha markii ugu horeeysay ee Deegaanada iyo ganacsatadda dalku ay hiil la garab istaagaan shacabka Deegaanka Soomaalidda. Waxaa xusuusin muddan in xiligii abaaraha deeq dhaqaale iyo maal kale isugu jirta oo ka badan 700 oo milyan oo Birr aan ka helnay deegaanada dalka.
Waxaan aad ugu mahadnaqayaa dhamaan deegaanada dalka, maamulka labada magaalo ee Addis Ababa iyo Diridhabe, iyo maalqabeenadda iyo ashqaasta kale ee isxilqaantay kana qaybqaadatay taageeradda shacabkii deegaankeena ee ku tabaaloobay dabkii aafeeyay suuqii Taywanta ee Jigjiga. Waxaa kale oo aan u mahadnaqayaa qurbajoogta Deegaanka ee gacanta wayn ka geeystay gargaarka loo fidinayo walaalahoodii hantidooda ku waayay masiibadii dabka.
Xigasho:- Madaxwayne Mustafe