26/07/2026
Hambalyo horudhac ah Hoggaan Guuleystay – Hambalyo Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein anigoo ugu hambalyeynaya hoggaaminta iyo dadaalka uu geliyay horumarka iyo xasilloonida Hirshabeelle sida muuqatana markale looga maarmi waayay hogaaminta bulshada Hiirshabelle.
Hoggaan guuleystay waa mid ku dhisan aragti fog, go’aan adag, iyo u adeegidda shacabka. Muddooyinkii la soo dhaafay, Hirshabeelle waxaa ka muuqday dadaallo lagu xoojinayo amniga, dib-u-dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, horumarinta adeegyada bulshada, iyo kobcinta wadajirka bulshada.
Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen wuxuu muujiyay dulqaad, karti hoggaamineed, iyo dadaal joogto ah oo lagu hormarinayo dowladnimada iyo adeegga shacabka. Guul kasta oo la gaaro waxay ka dhalataa wadajir, hufnaan, iyo himilo cad oo ku wajahan mustaqbal wanaagsan.
Waxaan Madaxweynaha iyo dhammaan shacabka Hirshabeelle u rajeynayaa guulo sii socda, nabad waarta, iyo horumar ballaaran. Markale iyo guulo kale ayaan urajaynayaa madaxwayne Cali in masuuliyadda culus ee uu ummaddiisa u haayo alle ku asturo.
Hambalyo Hoggaan Guuleystay, Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen. Guushaadu waa guusheena,dadaalkaagane shacabka oo dhan waawada gaaray.