Ibrahim Ishaq Hussein

Ibrahim Ishaq Hussein Hogaanka wanaagsan umadiisa wuxuu u horseedaa midnimo iyo hormar waara.

Sitaasi loo helo waxaa muhiim ah qofka aad codkaaga siineeso in uu noqdo qof uqalma codka aad siineeso.

06/11/2024

Warbixin muhiim ah oo kusaabsan safarka madaxweye Hassan Sheekh uu kusoo gaaray dalka jarmalka.

Sida aad kawada war qabteyn dowlada hada jirto waxay go’aan ku gaartay in ay fududeeso qaadashada sharciga jarmalka, san...
20/05/2023

Sida aad kawada war qabteyn dowlada hada jirto waxay go’aan ku gaartay in ay fududeeso qaadashada sharciga jarmalka, sanadkii lasoo dhaafay xisbiyada ku mideesan dowladaan waxay isla qaateyn arinkaas walow xisbi kamid ah uu kasoo horjeestay qaabkii loo soo diyaariyay kiiskaan.

Xisbiyada SPD iyo Grun ayaa aad xooga usaaray in ay arintaan hirgasho maadaama lajoogo waqtigii wax laga badali lahaa qaadashada dalka dhalashada dalka jarmalka.

Ugu danbeyn xisbiga FDP Waa lagu qanciyay walow ay weli wax saluugsanyihiin.

Hadii uu dhaqan galo sharcigaan sumerkaan dhexdiisa ayaa ka dhigan Sidaan:-

1. Dhalashada jarmalka oo aad ku xareesan karto ugu badnaan 5 sano ugu yaraan 3 sano hadii aad shuruudahaan soo buuxiso.

-in aad tahay qof noloshiisa ku filan oo aan dowlada wax ceyr ah la qaadan.
- in aadan dalkaan wax danbi ah aadan ka galin
- in aad taqaano luuqada jarmalka ugu yaraana aad heesato B1, hadii aad rabto 3 sano in aad ku qaadato Waa in aan dadaal intaasi kabadan aad la imaado.

2. Qaadashada dhalashada ilmaha yar, lawada waalid mid kamid ah hadii uu joogo dalka jarmalka waqtigaas a heestay sharciga caadiga ah, cunugaaga waxaad xaq uleedahay in aad uxareeso dhalashada dalka jarmalka.

3. Qofkii ka weyn 67 sano jir waxaa laga rabaa oo kaliya in uu ku hadli karo oo kaliya luuqada jarmalka lkn lagama rabo qaab qoraal ayaan ah, walow waxbadan laga fududeeyay.

Sida uu hada qorshaha yahay sharcigaan waxaa la meel marin doonaa mar alla marka xilibaanada fasaxa kasoo laabtaan.

Waxaan shalay ka qeyb galay meel laga furaayay xarun dadka lagu caawiyo, taasoo waxbadan kabadali doonaa xafada (Nordsta...
20/05/2023

Waxaan shalay ka qeyb galay meel laga furaayay xarun dadka lagu caawiyo, taasoo waxbadan kabadali doonaa xafada (Nordstadt) ama buula xuubey hadba sida ay asxaabta reer Kassel utaqaano.

Xaruntaan ayaa lagaaga caawin doonaa wax alla wixii baahi ah aad qabto, haday noqon kahaayeen wax ku saabsan Sozial ama waxbarashada.
Fadlan isku day in aad kafaa,ideesato jaaniskaas.

Maxaa kasoo cusboonaaday Xaalada doorashadii kadhacday dalka jarmalka! Tan iyo markii ay dalkaan jarmalka doorasho kadha...
13/10/2021

Maxaa kasoo cusboonaaday Xaalada doorashadii kadhacday dalka jarmalka!

Tan iyo markii ay dalkaan jarmalka doorasho kadhacday waxaa socota is uruursi xaga xisbiyada kaasoo lagu loo lamaayo cida talada kala wareegi laheyd Frau Merkel oo ah Raysalwasaaraha dalkaan jarmalka.

Labada xisbi ee sida gaarka ah ugu loo lamaayo hanashada dalka jarmalka ayaa kala ah SPD (Schulz) iyo CDU(Laschet) (CDU und CSU) (Union)

Labadaas xisbi ayaa ola lahooda sii xoojiyay mar alla marka ay dhacday doorashada dalka jarmalka.

Sida ay xisbiyada ugu kala soo baxeyn kaalmaha ugu h**eeyay.

SPD
Union (CDU,CSU)
Grün
FDP

Marka laga soo tago labada xisbi ee isku haysta hanashada dalka Jarmalka waxaa jira laba xisbi oo marwaliba go’aamin kara cida ay guusha raaci karto waana xisbiyada kala ah Grün iyo FDP.

Labada xisbi ee furaha u ah ama ay raaceeso meesha ay isku raacaan guusha ayaa isku dhaarsaday in ay marka h**e mideeyaan awoodooda taaso ah in ay kala qortaan heshiisyo ay isla ogolyihiin.

Labadaas xisbi oo wada jira ayaa kulamo gooni gooni ah laqaatay labada xisbi ee isku heesta talada dalka jarmalka.

Marka ay soo dhamaadeyn kulamadaas ayaa waxaa kasoo baxday in ay Labadaan xisbi rabaan in ay Koalition lasaameeyaan Xisbiga SPD (Herr Schulz)
Maanta oo ay taariikhda kubeeganeed 11.10.2021 waxaa shir uu dhexmaray Grün iyo FDP oo garab ah iyo SPD.

Weli warbixin badan lagama haayo wixi kasoo baxay kulankooda lkn waxaa muuqata in ay dar dar galinayaan qaabka ay usameyn lahaayeen awood qeybsiga taaso dhexmari doonta sadaxdaas xisbi.

Xisbiga CDU ayaa sii galayaa xaalad aad umurugsan kadib doorashadii dalkaan kadhacday.

Xisbiga ayaa ku fashilmay in uu laheshiiyo labada xisbi ee furaha u ah halka guusha raaci karto sidoo kale waxaa mugdi soo kala dhaxgalay labada xisbi ee marwaliba wada shaqeyn jiray ee kala ah CDU iyo CSU.

Madaxweynaha gobolka Bayer Herr Söder ahna gudoomiyaha xisbiga CSU ayaa kadalbaday Herr laschet in uu asiga kuwareejiyo booskiisa si uu wada xaajoodka meesha uga sii wado lkn arintaas ayaa ku gacan seeray Herr Laschet.

Sacado kahor waxaa hadlay xoghayaha xisbiga CDU Herr Paul Ziemiak asiga oo sheegay in ay talada xisbiga ku wareejiyeen xubnaha xisbiga taasoo kadhigan in uu xisbiga sameyn doono doorasho ku aadan cida noqon laheyd gudoomiyaha xisbiga CDU.

Dorashadaas ayaana lafikayaa ugu danbeyn bilawga sanadka cusub in ay noqoto.

Wax alla wixii kusoo kordha arimahaas dib ayaan idinkala soo wadaagi doonaa Inshaa allah.

Fadlan sii share gareey oo gaarsii dhamaan asxaabtaada, waxaana qoraalkaan ugu tala galay walaalaha xiiseeya siyaasada dalka jarmalka lkn aanan fahmeyn luuqada afka Jarmalka in ay helaan macluumaad kooban oo weliba xaqiiqo ah.

Barnaamijada noocaani ah ayaad marwaliba kala socon doontaan pagekeyga iwm.

Isdhaxgalka arimaha bulshada Waa mid marwaliba muhiim ah guud ahaan bulshada wada nool, marka aan noqono dad sameeya isd...
31/12/2020

Isdhaxgalka arimaha bulshada Waa mid marwaliba muhiim ah guud ahaan bulshada wada nool, marka aan noqono dad sameeya isdhaxgal bulshadeyd, waxaan noqoneena dad wada guuleesta Inshaa allah.

Waxaan rabaa halkaan in aan kusoo bandhigo waxqabadkeyga sanadkii 2020 waxyaabihii ugu muhiimsanaa.

Waxaan sameeyay dhowr seminaaro walow sanadkaan uu jiray xanuunka covid 19.

Seminaarada aan sameeyay dhamaan tooda waxay kuqotamaan sida aan marwaliba unoqon laheyn bulsho dhan waliba kadhisan iskuna kalsoon.

Waxaan kaloo sanadkaan sameeyay in aan dumar badan ukeenay waxbarasho xaga luuqada ah si’ay kusii hormar siiyaan luuqadooda afka jarmalka ah.

Intaas iyo kabadan ayaan sanadkaan qabtay walow daruufo adag ay jireyn lkn Inshaa allah sanadka soo socdo Waxaan rabaa in aan laba jibaaro howlaha aan uhaayo bulshadeyda magaalada Kassel iyo nawaaxigeeda kunool Inshaa allah.

Balanteena Waa kashaqeynta hormarka bulshadeyn iyada oo ay tahay in dhan waliba laga dhiso.

Subax wanaagsan dhamaan bulshadeyda soomaliyeed dunida dacaldeyda meel waliba aad kajoogtaan.
31/12/2020

Subax wanaagsan dhamaan bulshadeyda soomaliyeed dunida dacaldeyda meel waliba aad kajoogtaan.

28/10/2020

War deg deg ah, Maxaa kasoo baxay kulankii ay maanta yeeshteen dhamaan madaxwaynayaasha maamul goboleedyada iyo Raysalwasaaraha wadanka jarmalka Frau Angela Merkel.

Videogaan waxaad kaga bogan doontaan warbixintaas oo faah faahsan.

Daawasho wacan, Fadlan hala sii share gareeyo si’ay dad badan usii arkaan oo ay uga faa,ideestaan Inshaa allah.

Sharciyada cusub ayaa wadanka jarmalka kadhaqan gali doono laga bilaabo 02.11.2020-30.11.2020 .

War deg deg ah oo cawada kasoo baxay magaalada Kassel kaasoo kusaabsan xanuunka COVID 19, magaalada Kassel ayaa noqotay ...
26/10/2020

War deg deg ah oo cawada kasoo baxay magaalada Kassel kaasoo kusaabsan xanuunka COVID 19, magaalada Kassel ayaa noqotay meelaha uu aadka usaameeyay xanuunkaan maadaama magaalada lagu daray magaalooyinka Jarmalka kuwooda ugu qatarta badan maadaama uu xanuunka si xad dhaaf ah uu usaameeyay.

Maxaa kasoo kordhay magaalada Kassel ? Waa su’aal aan rabo jawaabteyda in aan fahamsiiiyo dadkeyga ama bulshadeyda kunool magaalada Kassel.

Isbuuc gudihiisa magaalada Kassel waxaa uu haleelay xanuunka tiro gaareysa ilaa 89.7 lkn isku darka guud Waa 321 qofood taasoo ay tahay micnaheeda magaaladii isbuuc gudaheeda uu kudhaco 50 kabadan xanuunka Corona magaaladaasna ay kunool yihiin dad kabadan 100.000 qofood waxaa qasab ah in magaaladaas dib loogu soo rogaayo sharciyo cusub si magaalada xaaladeyda dib loogu soo celiyo.

Ab 27.10.2020.

1. Goobaha cibaadada waxaa qasab ah in laxirto Maskaha.
2. Jidadka saxmada badan sida Konigsplatz, Friedrich Ebert Straße, Jägerstraße, Am Stern, Mauerstraße, Standplatz, unter Königsstraße,fünffensterstraße, ab 9 Uhr bis 21:00 Uhr waxaa qasab ah Marka aad mareeso jidadkaas in aad xirato Mund Schutz ama afxirka hadii kale Waa lagu ganaaxi doonaa.

Sidoo kale jidadka kala ah, Hoffman-Fallersleben Straße schillerstraße ilaa Sickingenstraße waxaa qasab ah in aad xirato afxirka inta udhaxeeso 7 bis 21 Uhr.

3. Hadii aad xaflad ama Seminar aad qabsaneeso waxaa qasab ah ugu badnaan 100 qofood hadii ay intaas kabadan tahayna waxaa qasab ah in aad laxariirto hay’adaha kushaqada leh si’ay kuu siiyaan ogolaansho lkn waxaa qasab ah inta arintaas lagu guda jiro in ay dadka xirtaan afxirka ama Mund Schutz.

4. Meelaha la iskugu imaado 5 qofood kabadan mawada fadhiisan karto, haday noqon laheed maqaayad iwm.

Baaris lasameeyay magaalada Kassel waxa kor uqaaday faafida xanuunkaan ayaa lagu sheegay in ay tahay xafladaha gaarka loo sameesto iyo isku imaatinada gaarka ah.

Duqa magaalada Kassel Herr Oberbürgermeister Herr Gessele ayaa faray shacabka magaalada kunool in ay amaradaas u hogaan samaan.

Magaalada Kassel ayaa ahaan jirtay magaalooyinka uusan aadka ugu faafin xanuunkaan corona Virus walow hada xaaladeyda aad loogu deerinaayo.

Waxaan alle karajeenena in uu xanuunkaas shartiisa nadhaafiyo inta la il darana uu caafimaad taam ah siiyo.

25/10/2020

Waxaan lasocod siinayaa bulshadeeda kunool wadanka jarmalka in aan mardhow barnaamijo dhaxal gal ah aan idin soo gudbin doono oo aad waxbadan kafaa,ideesan doontaan Inshaa allah.

Barnaamijadaas ayaa iskugu jira kuwa aan uga hadli doono xaaladaha guud ee Jarmalka iyo kuwa aan si gaar ah aan uga hadli dooono oo aad weliba su’aalo iga soo weediin kartaan waxyaabaha kusaabsan arinta aan markaas kahadlaayo Inshaa allah.

Barnaamijada ayaa noqon doona kuwa isbuucla ah lkn markaad laqabsataan Waan kasii badin doonaa Inshaa allah.

Waxaan kaloo sameyn doonaa, hadii ay jiraan mowduucyo aad rabtaan in aan sigaar ah aan uga hadlo Waad iisoo gudbin doontaan kadibna Waan soo diyaarin doonaa sida ugu dhaqsiyaha badana Waan idinla soo wadaagi doonaa Inshaa allah.

Nolosha samir badan ayay ubaahantahay.
25/10/2020

Nolosha samir badan ayay ubaahantahay.

Adresse

Treppenstr 4
Kassel

Webseite

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Ibrahim Ishaq Hussein erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Die Organisation Kontaktieren

Nachricht an Ibrahim Ishaq Hussein senden:

Hervorgehoben

Teilen