25/06/2023
Waxaan ummadda Soomaaliyeed la wadaagayaa farxadda iyo dabbaal-degga munaasabadda qiimaha badan ee 26ka Juun oo ah maalintii ugu horraysay ee Calan Soomaaliyeed laga taagay ciiddeena.
Lix iyo laabatanka Juun waxay astaan u tahay jiritaanka dal, dad iyo dhul Soomaaliyeed oo ay Soomaali xukunto. Waxaa duco iyo mahadnaq mug leh naga mudan cid walba oo kaalin ku laheyd guushii la gaaray caawa oo kale 1960kii.