22/06/2026
Maanta waxaa noo qabsoomay kulankii ugu horreeyay ee Kooxda farsamo ee Xargaha Badda Hoosteeda Mara (Submarine Cable Landing Technical Working Group), iyada oo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ay kaashanayso Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah (IFC).
Aqoon-isweydaarsigan laba-maalmoodka ah waxaa isugu yimid shirkadaha isgaarsiinta, shirkadaha bixiya adeegga internet-ka (ISPs), iyo khubaro farsamo, si hab wadajir looga doodo sida loo xoojinayo adkeysiga iyo isku-halaynta kaabayaasha xargaha badda hoosteeda mara ee dalkeenna.