13/08/2026
Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka waxa ay billowday Wadatashi dadweyne oo ku saabsan laba qabyo-qoraal oo muhiim u ah horumarinta adeegyada isgaarsiinta iyo ilaalinta xuquuqda macaamiisha.
๐ Xeernidaamiyaha Tayada Adeegyada Isgaarsiinta โ waxa uu dejinayaa halbeegyada lagu cabbirayo, lagula soconayo laguna kormeerayo tayada adeegyada isgaarsiinta iyo tiknoolojiyadda.
Somali: https://short.nca.gov.so/pcuy8
English: https://short.nca.gov.so/NaXR8
๐ Xeernidaamiyaha Ilaalinta Xuquuqda Macaamiisha Isgaarsiinta โ waxa uu xoojinayaa ilaalinta xuquuqda iyo danaha macaamiisha, isaga oo kor u qaadaya daahfurnaanta, isla xisaabtanka iyo adeeg-bixin tayo leh.
Somali: https://short.nca.gov.so/2HvMZ
English: https://short.nca.gov.so/CmBDI
Waxa ay Hayโaddu ka codsanaysaa Shirkadaha isgaarsiinta, shirkadaha bixiya adeegyada internet-ka (ISPs), macaamiisha, khubarada iyo dhammaan daneeyayaasha in ay akhriyaan qabyo-qoraalladan, kana soo gudbiyaan talooyinkooda iyo aragtidooda ugu dambayn 31/08/2026 iyaga oo u ku soo diraya emaylkan: [email protected]
Talo-bixintaadu waxa ay gacan ka geysanaysaa dhismaha nidaam isgaarsiineed oo tayo leh, caddaalad ah, isla markaana ilaalinaya xuquuqda dhammaan isticmaaleyaasha.
Mahadsanidiin