26/06/2024
Waxaa Safaaradda Somaliya ee Jarmalka Berlin sharaf u ah inay kala qeyb qaadato Xuska Maalmaha Xoriyadda Soomaaliyeed ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo iyo soo dhaweynta Masuuliyiinta Cusub ee safaaradda Jarmalka kana dhacaya Magaalada Kassel maalinta Sabtida 6-da July 2024 saacada 14:00pm
Soomaaliya Hanoolaato
Sabti, 06/07/2024 saacadda marka ay tahay 14:00 insha Allah magaalada Kassel waxaa ka jira kulan aad u ballaaran.
- Waxaa xus loo sameynayaa maalinta qarran ee koowda Luulyo (July) 🇸🇴
- Waxaa lasoo dhaweynayaa Safiirka iyo Safiir ku xigeenka cusub ee Soomaaliya ee dalkan Jarmalka goordhow loosoo magacaabay
(Waa isbarasho & iswareysi dhankaas ah)
Kulankana waa mid akhiyaareed, ma ahan nooca Party-ga Music keliya ah.
Waxaa kulanka soo qabanqaabiyay dallada guud ee ururada Soomaaliyeed ee dalkan Jarmalka, oo ah dallada keliya ee Soomaali ah ay dowladda Jarmalka aqoonsan tahay.
Waxaa gacan weyn ka geysanaya kulankan Madasha SIID Forum & Ururka Somali Plus e.V.
Kulanka qof walba wuu ku casuuman yahay, mid qarash ama lacag lagu galayana ma ahan.
Wuxuu ka dhacayaa xarunta
Bürgerhaus Philipp-Scheidemann-Haus
Adreeska:
Holländische Str. 74,
34127 Kassel
Taariikhda: 06/07/2024
Saacadda: 14:00 (Labada duhurnimo)
Wixii su'aalo iyo faahfaahin intaasi dheer la xariir
Guddoomiye Ibraahim Isxaaq
+49 176 63472883
Mahadsanidiin