Somalisch Augsburg

Somalisch Augsburg Wacyi galinta iyo Dhiiragalinta Bulshada Taariikh ,Tacliin ,shaqo sport iyo wax basharo

wacyi galinta iyo Dhiiragalinta Bulshada Taariikh ,Tacliin ,shaqo sport iyo wax basharo

Ramadan kariim, waxa aan ugu Bushaaraynaynaa dhamaan walaalaha ku dhaqan Augsburg iyo Nawaxigeeda dhalashadda bisha Bara...
01/04/2022

Ramadan kariim, waxa aan ugu Bushaaraynaynaa dhamaan walaalaha ku dhaqan Augsburg iyo Nawaxigeeda dhalashadda bisha Barakaysan ee Ramadaan.

أعاده الله عليكم أعوام عديدة وأزمنة مديدة.

Masaajidku waa goob cibaado, waa meel lagu dhiso ruuxda,lagu fidiyo diinta,lagu daaweeyo quluubta,laguna hanuuniyo bulsh...
15/03/2022

Masaajidku waa goob cibaado, waa meel lagu
dhiso ruuxda,lagu fidiyo diinta,lagu daaweeyo quluubta,laguna hanuuniyo bulshada,
Wuxuu ka mid yahay goobaha Eebbe agtiisa loogu jecelyahay maxaa yeelay waa xarun lagu oogo salaadda,lagu ducaysto,lagu aasaasay Alle ka cabsi,lagana helo xasiloonida quluubta.
wuxuu mudan yahay xurmayn iyo qadarin
Kuwa dhismihiisa adeegiisa iyo ukhidmayntiisa ka qeyb qaata illahay iyo rasuulkiisuba waxay
Uyabooheen wanaag ,ajar ,khayr iyo janno
taas badalkeeda kuwa ka shaqeeya burburkiisa
Iyo hagardaamadiisa Eebbe wuxuu ku timaamay "Daallimiin "aysan jirin cid ka waxyeelo badan,wuxuu uballan qaaday
Aduunka inay ku mudanayaan" Dulli" aakhirana Cadaab wayn.
Waxaa reeban in laga jeediyo ama lagu dhex faafiyo hadalo qabyaalad ah amaba waxyaabo umadda kala fogayn kara.

Nebigaﷺ wuxu yiri: "Fitnadu way hurudaa, nacalada Alle haku dhacdo qofkii kiciya"

Ciid Mubaarak Walaalaha Sharafta leh Ilaahay waxaan Waydiisanaynaa  inuu naga aqbalo annaga iyo adinkaba  Acmaasha wanaa...
13/05/2021

Ciid Mubaarak Walaalaha Sharafta leh

Ilaahay waxaan Waydiisanaynaa inuu naga aqbalo annaga iyo adinkaba Acmaasha wanaagsan
Sannadkan Sannadkiisana ina gaarsiiyo ,isagoo inaga raaliya ,innagana yeelo kuwii Anfaca Adoomadiisa.

Farxad Ku Ciida idil ahaantiinba

12/05/2021

Augsburg Ogaysiis Ku Saabsan Ciida

11/05/2021

Guud Ahaan Wadamada Ayaa caawa la Xaqiijiyey inay Barri oo Arbaca ah ay tahay #30 bisha

W/Q Imaamkii h**e Ee Xarunta jaaliyadda Mahadnaq iyo MacsalaamaynWaxaa soo idlaaday Muddo Ku dhawaad 3sanno ah oo aan im...
16/01/2021

W/Q Imaamkii h**e Ee Xarunta jaaliyadda

Mahadnaq iyo Macsalaamayn

Waxaa soo idlaaday Muddo Ku dhawaad 3sanno ah oo aan imaam ,khadiib iyo Macalinba ka ahaa Xarunta jaaliyadda Soomaalida ee Augsburg
( Somalischer Kulturverein e.V)
Waxaan bartay saaxiibo badan waxaan wada shaqaynay Akhyaar aanan ilaawi doonin waxaa ii kordhay Cilmi iyo waayo Aragnimo illahay ayey mahad idil ahaanteed usugnaatay.
waxa aanan hilmaami doonin inaan umahadceliyo Saaxiibo igu qaaliya oo La,aantood aan dareemi lahaa Culays fara badan oo hormuud ay uyihiin
Sheikh Jaamac cali xayd
Sheikh Cumar C/rxmn farah barre.
Ahmed saleebaan

Waxaan sidoo kaloo umahadcelinayaa Maxamed shufeer oo sabab u ahaa imaatinkaygii 1/3/2018
iyo inaan fursadaasn ka faaiidaysto, Bulshada ugu faaiideeyo.

ugu danbayn waxaan umahadcelinayaa Guud ahaan Bulshada Augsburg gaar ahaan Gudiyadii Kala danbeeyey ee jaaliyadda ,iyo sidoo kale Gudiga waalidiinta.

waxaan leeyahay aan ka wada qeyb qaadano hormarka bulshada ,aan muujino Isku duubni iyo midnimo aan ka fogaano kuwo wanaaga caqabada ku ah sharkana furaha u ah
taas ayaan wax ku noqon karnaa.

Augsburg iyo Bulshadeedaba waan uxiisi doonaa marar kalana waan imaan doonaa ma noqon doonto tani markii iigu danbaysay sidaan ku rajo waynahay tan alle se waa meesheeda.

Wabilaahi Tawfiiq Asc

Cafi alle iyo Masaamax

Muhamed Burhanudiin Ahmed

Saaka iyo Augsburg  Durba waxaa bilaamay in lagu yaaco Tukaamadii si looga gato wixii loo baahan Karo inta bandawga lagu...
14/12/2020

Saaka iyo Augsburg

Durba waxaa bilaamay in lagu yaaco Tukaamadii si looga gato wixii loo baahan Karo inta bandawga lagu jiro.

Maanta Tukaamo badan iyo gooba ganacsi oo badan ayaa saf loo galay, sidoo kale Tukaamadu Dad badan ayaa lagu arkayay gudaha ugu Jira iyo Dad banaanka saf galay.

SAWIRKAN hoose waa Tukaanka Qalabka guryaha siibiya ee IKEA ee ku Yaal magaalada Augsburg oo saaka lagu soo yaacay saf dheer oo saacado badan qaatayna la galay.

KA WARAN MAANTA MAGAALADAADA IYO TUKAAMADA WAA SIDEE XAALKU?

Photo@Alles aus Augsburg

SNG

Xaflad Arday Dhiira galin ah Shalay oo ahayd Maalin Sabti ah Taariikhduna ku beegnayd 3/10/2020, ayaa Xaflad dhiiragalin...
04/10/2020

Xaflad Arday Dhiira galin ah


Shalay oo ahayd Maalin Sabti ah Taariikhduna ku beegnayd 3/10/2020, ayaa Xaflad dhiiragalin ah loogu qabtay Ardayda wax ka barta Xarunta jaaliyada Soomaalida Augsburg (somaliche kulture Verein Augsburg)

Waxaa xafladda kasoo qayb galay
Waalidiinta ,Macalimiinta iyo marti sharaf kale.

Xaflada ayaa Ujeedkeedu ahaa dhiira galinta ardayda ,iyo Gudoonsiinta kuwa kaalimaha ka galay imtixaanaadkii laga qaaday

Ugu dambayntii waxaa Kulanka Erayo qiimo leh
ka jeediyay isla mar ahaantaasina Ardayda bogaadiyay sheikh Cumar c/rixmaan Farah



Somali Augsburg

Ma Tahay Qof leh  Hibadda Orodka , Lakiin fursad u la meel uu ka bilaabo ama ka galo, dagana Augsburg iyo Nawaaxigeedda,...
03/10/2020

Ma Tahay Qof leh Hibadda Orodka , Lakiin fursad u la meel uu ka bilaabo ama ka galo, dagana Augsburg iyo Nawaaxigeedda, haddii jawaabtu Haa Tahay fadlan nala soo xidhiidh, insha allah waxaanu ku haynaa fursad aad Mo Farah oo kale ku noqon doontid.

Augsburg Axad 6/9/2020 Waxaa Maanta ka qabsoomay Xarunta Somalischer Kulturverein Augsburg ev.shir ay isugu yimaadeen Cu...
06/09/2020

Augsburg Axad 6/9/2020

Waxaa Maanta ka qabsoomay Xarunta
Somalischer Kulturverein Augsburg ev.
shir ay isugu yimaadeen Culimada,Odayasha iyo Dhalinyarda Magaalada
shirkaas oo lagu gorfaynayey su aalana la isaga weydiinayey sidii loo hor marin lahaa geedi socodka Jaaliyadda loona dardar galin lahaa arrimihii h**ey usocday sida cimiraada masjidka ,Madarasada iyo guud ahaanba wixii keenaya midnimada iyo hormarka Bulshada .shirka ayaa kusoo idlaaday is fahan iyo wada shaqayn

Somali Augsburg

Adresse

Augsburg
786154

Webseite

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Somalisch Augsburg erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Teilen