13/06/2026
𝐖𝐚𝐣𝐢𝐠𝐢𝐢 𝐔𝐠𝐮 𝐃𝐚𝐦𝐛𝐞𝐲𝐞𝐲 𝐄𝐞 𝐊𝐨𝐨𝐫𝐬𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐈𝐬-𝐃𝐡𝐞𝐱𝐠𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐲𝐚𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐢 𝐆𝐮𝐮𝐥 𝐋𝐞𝐡 𝐔 𝐆𝐮 𝐃𝐡𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲
13 June 2026 – Zürich, Switzerland
⸻
Waxaa maanta si guul leh ugu soo gabagaboobay magaalada Zürich barnaamijkii koorsooyinka is-dhexgalka bulshada ee ay muddooyinkii u dambeeyay qabanqaabinaysay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Zürich.
Mawduuca casharka maanta ayaa ahaa:
“Leben in der Schweiz – Rechte und Pflichten”
(Nolosha Switzerland – Xuquuqda iyo Waajibaadka)
Casharka waxaa soo jeediyay Sarkaal Schärli oo ka socday Stadtpolizei Zürich – Fachstelle Brückenbauer, kaas oo bulshada la wadaagay macluumaad muhiim ah oo ku saabsan xuquuqda iyo waajibaadka dadka ku nool Switzerland, doorka hay’adaha dowladda, xiriirka ka dhexeeya bulshada iyo booliiska, iyo habraacyada lagu xoojinayo amniga, wada noolaanshaha iyo is-dhexgalka bulshada.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Zürich, Mudane H.E. Said Ali Hidig , oo uga mahadceliyay Sarkaal Schärli casharka qiimaha badan ee uu bulshada la wadaagay, sidoo kalena uga mahadceliyay bulshada ka soo qaybgalay sida wanaagsan ee ay uga faa’iidaysteen barnaamijka.
Intii uu socday kulanka waxaa si qoto dheer looga dooday arrimo badan oo khuseeya bulshada Soomaaliyeed, waxaana si gaar ah diiradda loo saaray habraacyada iyo wada shaqaynta ka dhexeysa bulshada iyo booliiska, si loo xoojiyo isfahamka, kalsoonida iyo wada noolaanshaha wanaagsan.
Barnaamijkan koorsooyinka is-dhexgalka bulshada ayaa door weyn ka qaatay kor u qaadidda wacyiga bulshada, fahamka nidaamka Switzerland iyo xoojinta ka qaybqaadashada bulshada Soomaaliyeed ee nolosha dalka.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Zürich waxay sii wadi doontaa dadaallada ay bulshada ugu horseedayso aqoon, wacyigelin iyo horumar waara.
⸻
𝐇𝐚𝐥-𝐊𝐮-𝐃𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚:
“𝐁𝐨𝐨𝐥𝐢𝐢𝐬𝐤𝐮 𝐖𝐚𝐚 𝐒𝐚𝐚𝐱𝐢𝐢𝐛𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚.”
⸻
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Zürich
Facebook: SVKZH
TikTok: .ch
YouTube: Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Zürich
Email: [email protected]
Website: svkzh.ch