Somali Swiss

Somali Swiss Get what you looking here. What ever.

Tirakoobkii Magan galiyo doonka ee September 2025 ee Laanta Sem.Tirada codsiyada magangeliyo doon ee saddexdii bilood ee...
27/11/2025

Tirakoobkii Magan galiyo doonka ee September 2025 ee Laanta Sem.

Tirada codsiyada magangeliyo doon ee saddexdii bilood ee ugu horreeyay ee sanadkan waxay hoos u dhacday ku dhawaad 10% marka loo eego sanadkii h**e. Intii u dhexeysay Janaayo ilaa dhammaadka Sebtembar 2025, Waxay waaxda Federaalka ee Socdaalka (SEM) diiwaangelisay 18,877 codsi, kuwaas oo 2,571 lasoo gudbiyay bishii Sebtembar oo keliya.

Noocyada Codsiyadu kala ahaayeen:

• 2,138 Codsiyo Cusub
• 433 Codsiyo Aan Cusbayn, sida:
• Sida ilmo dhashay.
• Qoysas la isu keenay
• Shaqsiyaad mar kale codsaday.

Dalalka ugu Badan ee dadkani is dhiibay Ka kala yimaadeen:


1. Afgaanistaan – 629 Qof
2. Eritrea – 449 Qof
3. Turkiga – 226 Qof
4. Aljeeriya – 199 Qof
5. Somalia – 184 Qof

Sagaalkii bilood ee ugu horreeyay sanadkan waxaa guud ahaan dalkan iska dhiibtay 18,877 qof, halka isanadkii 2024 ay isdhiibeen 20,962 qof.

•SEM waxay go’aanno ka gaadhay 2,707 codsi, waxaana magangeliyo la siiyay 592 qof kali ah.

•1,047 qof oo codsigoodii la diiday ayaa dalkan ka baxay sanadkan

• 738 qof si iskood ah u laabtay.
• 309 qof oo boolisku la raacay ama celiyay, laguna celiyay waddamadoodii ama dalalkii ay faraha ku lahaayeen

Saadaasha 2025:
SEM waxay filaysaa in sanadkan ay isdhiibi doonaan ku dhowaad 25,000 qof, halka sanadkii 2024 ay isdhiibeen 27,740 qof oo kali.

Haddii dhamaan Qurbajoogta Swiss-ku ay samaysan lahaayeen Canton, Waxay noqon lahaayeen Canton-ka 4aad ee ugu wayn Dalka...
25/01/2024

Haddii dhamaan Qurbajoogta Swiss-ku ay samaysan lahaayeen Canton, Waxay noqon lahaayeen Canton-ka 4aad ee ugu wayn Dalkani Swiss-ka, Kuwaas oo tiro ahaan lagu qiyaaso 800,000 ( Sideed boqol oo kun oo muwaadin).🇨🇭🌎

Isha Xogtan: Bundesamt für Statistik - Office fédéral de la statistique.

Adresse

Niesenstrasse 24
Interlaken
3800

Webseite

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Somali Swiss erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Teilen