17/05/2026
Gudiga ISA working group Hawlaha Horumarinta ee Baraawe ayaa ku guuleystay dhammaystirka kormeer iyo diiwaangelin lagu sameeyay nalalka cadceedda ku shaqeeya ee ku yaalla waddooyinka degmada.
Gudigu wuxuu adeegsaday app casri ah oo loogu talagalay in lagu diiwaangeliyo nal walba goobta uu ku yaallo iyo xaaladdiisa shaqo. Intii uu socday kormeerka, waxaa la ogaaday in 29 kamid ah 36-da nal ee cadceedda ku shaqeeya ay gebi ahaanba shaqeyn waayeen ama ay ku sugnaayeen xaalad u baahan dayactir deg-deg ah.
Waxaan bulshada la wadaagaynaa in Duqa Degmada Baraawe uu ka go’an yahay in si deg-deg ah wax looga qabto arrintan, si dib loogu soo celiyo bilicda iyo ammaanka waddooyinka degmada.
Hawshani waa mid muhiim u ah horumarka degmada, waxaana ay muujineysaa dadaalka joogtada ah ee lagu xoojinayo adeegyada bulshada iyo kaabeyaasha iftiinka magaalada
DHAMAAD