08/05/2024
Ma taqaan ciidanka ay dowlada iyo AS isla leeyihiin ee AC milan?
akhristow hadii aad taqaanay in ciidamada kala duwan ee AS ay kala yihiin maktabyada xisbada, amniyaatka, dacwada, zakawaatka maktabka istish-haadiga iwm waxaa sanado kahor kuso biiray ciidan la yiraahdo AC milan oo hoos timaada maktabka amniyaatka balse ka tirsan dawlada. Ciidankani waa askar daacad u ah ururka AS balse aan muujisan, waxay ku jiraan payrolka dowlada waxayna sido kale mushaar kabis ah ka qaataan ururka AS. Waa Mafia fulisa adeegyo kala duwan una fulisa dhinacyo kala duwan sida ganacsato, AS iyo siyayasiyiinba.
Ma xasuustataa dhacdadii ka dhacday isgoyska siinaay ee askar aan dagaalamayn loo adeegsaday rasaasta dhishiikaha? Sanadku waa 2017 Ma xasuusataa dagaalkii ka dhacay isgoyska tiyaatarka ee u dhaxeeyay ciidamadii xasilinta iyo ciidan kale oo isla dowlada ah, 5 ruux ayaa ku dhimatay goobta. Isla maalintaas dhawr isku dhac oo noocaas oo kale ah ayaa dhacay. Dagaaladan waxay dhacayaan iyado ciidamadu leyihin qalabka isgaarsiinta ciidamada.
Isku dhacyada noocan oo kale ah waxay sido kale ka dhacaan gobolada ay joogaan ciidamo kala beel ah. Sida sh. Hoose, hiiraan iyo sh. Dhexe. Ujeedka ugu weyn ee ay AS ka leedahayna waa inay ka hesho fursad ay ku gudbistaan saadkooda & ciidankoda. Bal sawiro akhristow AS oo hiiraan iyo Sh. Dhexe dagaal kaga furan yahay siday ku gudbisatay saadka (cunto, gogol, kabo rasaas iyo qalab kale).
Ciidankan AC milan waxay qandaraaska ka qaataan ciidan maktabka amniyaatka oo ah kuwa ugu miisaaniyad badan maktabyada, hawlaha ay AS u qabtaan na waa 4 nooc oo kala ah:
1. inay shirqool ku dilaan saraakiisha ciidamada dowlada ka tirsan ee daacada ah sida taliyayashii hoay u baxay ee ay kamid ahaayeen farxaan qaroole, xasan tuur, cabdi sheikh (suulnuug), taliye sayid cali cabdi iyo Adan biid oo ugu dambeyay. Badi gacan ku dhiiglayaashi geystay dilalkan lama qaban maadaama si heer sare ah loo qorsheyay dilalka.
2. inay shirqool ku dilaan gudoomiyeyaasha degmoyinka daacada ah, wasiirada, xildhibaanada iyo shaqaalaha ka socda beesha caalamka ee ka tirsan hayádaha gargaarka. Liiskan waxaa so galaya cabdi xakiin dhagajuun iyo maxe’d cabdi axmed oo kala haystay degmooyinka hodan iyo xamar jajab oo labaduba la dilay sanadii 2021 ka. Si gaar ah maalintii uu c/ xakiin dhagajun la wareegay xilka wuxuu yiri: "Waxan ka codsanayaa bulshada Ree Hodan in ay si dhow iila shaqeeyan oo hagar la'aan ah. Aniguna idin k**a shaqeysan doono.
3. Inay gudbiyaan saadka AS leedahay ee ku raran gaadiidka dadweynaha
4. Inay fududeeyaan ganacsiga maandooriyeyaasha sida khamriga, xashiishka iyo tubaakada, ogow macaamiisha ugu badan ee isticmaasha badeecadan waa ciidamada kala duwan ee dowlada. Sido kale waxaa maandooriyaha isticmaala xubnaha AS ee ku qoran isqarxinta iyo hawlaha inqimaasiga qaraxa kadib.
Xashiishku waa il dhaqaale oo muhiimadeeda u leh ururka AS. Waxaa sido kale ku tiirsanaa ururkii Taliban ee hada la wareegay talada dalka Afghanistan, hayáda UN ayaa sheegtay in mudadii u dhaxaysay 2018-2019 ay Taliban ka heshay dakhli dhan $400 million ka heshay cashuurta ay ka qaadaan xashiishka. Halka sarkaal baare sare ka ah ciidanka maraykankuna uu sheegay inay Taliban xashiishka ka hesho 60% dakhliga soo gala sanadkii. AS na sidaas oo kale ayay cashuuraan xashiishka waxaana mararka qaar dhacda inay heshiisyo qarsoodi ah kula jiraan talisyada ciidanka qaarkood.
Beerashada xashiishka Somalia waxay keentay 3 dhibaato oo kala ah: inay ciidamada nuglayso, inay cadawga maalgelin u noqoto iyo inay Meesha ka saaraan beerashadii cuntada daruuriga ahayd sida galeyda, masagada iyo digirta. Waxay tani qaali kasii dhigtay sicirkii cuntada
Maxaa ku qasbay in askarta dawladu la shaqayso AS?
Askari aanan magaciisa baahan Karin sababo la xiriira amnigiisa ayaa ii sheegay “in askarta dawladu mushaar ahaan u qaataan $150-200, waxaa laga yaabaa inu xaasle yahay, marka laga so tago inay jiraan qoys uu caawiyo. Waxay degaan degmoyinka amnigoodu liito, taaso keenaysa inu askarigu AS u noqdo bartilmaamed nugul, hadii la qabtana dilkiisa la dhaafsado inuu la shaqeeyo ama ugu yaraan uu xogaha ciidanka uso gudbiyo lacagna loogu daro mushaarkiisa.
Dabcan markaad intaas ogaato lama yaabaysid inaad maqasho askari askari kale ku dilay xerada scholo policia dhexdeeda kadibna baxsaday. Waxaad si fiican usii fahmaysaa hadii aad yaraantaadii fiirsatay filimaanta Mohra, Indian, Badal iyo kuwo kale oo lamid ah.
sida ay xogo badan sheegayaan, waxaa jira baro control oo ay dawladu maamusho AS na ku leeyihiin saami. barahani wali dagaal k**a dhicin k**ana dhici doono, sida askartu sheegtay waxaa kamid ah barta afgooye oo ay CXD maamulaan.