Mohamed Midnimo

Mohamed Midnimo Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Mohamed Midnimo, Mogadishu.

WACYIGALIN IYO BARAARUJIN waa waxa Soomaaliya maanta ugu baahi badantahay.Ummaddeenu waxaa ay mareysaa heer xumaan kasta...
24/11/2025

WACYIGALIN IYO BARAARUJIN waa waxa Soomaaliya maanta ugu baahi badantahay.

Ummaddeenu waxaa ay mareysaa heer xumaan kasta oo lagu hor sameeyo ay caadi la noqoto, xataa qof la dilayo oo ah halka ugu dambeysa.

Waxaan is leeyahay waxaa u sabab ah xumaantii oo iska noqotay wax joogto ah, maskaxduna wixii lagu celceliyo waa qabatintaa, jeer ay noqoto caado.

Waxaan soo jeedinayaa kana codsanayaa qof kasta oo aan halkaan saaxiib ku nahay in uu iska saaro mas'uuliyad gaar ah:

♦️ In aad Xumaha reebo, wanaaggana faro inta karaankaaga ah. (Waana arrin diini ah).

♦️ In wacyigelinta iyo baraarujinta bulshada aad si mas'uuliyad wadareed ah u gudatid, oo meesha ay kaa soo gaarto ka sameysid wacyigelin iyo baraarujin joogto ah.

Wanaag samee, ku tali, kuna dhiiri geli.
Xumaanta jooji, ka dig, kana wacyigali bulshada.

"Hadda ama Hadhow"~Idamka Illaaheey.


09/07/2024

Dagaalka ugu adag ee nolosha ku soo mara, waa marka la isku dayayo in lagu iibsado (laaluush), si aad u noqoto qof kale.
HH ~IA.

Dhul boobka, Hayaanka iyo Hammiga Xabashida, iyo Dhoohanaanta, Qabyaaladda iyo Arragti gaabnida Soomaalida. ============...
01/07/2024

Dhul boobka, Hayaanka iyo Hammiga Xabashida, iyo Dhoohanaanta, Qabyaaladda iyo Arragti gaabnida Soomaalida.
========================================
(Fadlan wada akhri)

Harar, Hawaas, Diridhaba, Nageyle, Baabili, iyo Jinacsani oo dhammaan ahaa dhulka Soomaaliyeed ee Xabashidu gumaysato waa la qaatay oo lala wareegay innagoo indhaheenu shanta yihiin, oo arkeyna.

'aashu marka waxay tahay: Sidii lagu qaatay dhulkaas?

1. MABDA' ahaan: Xabashidu (Itooyiyaanka) waxaa ay qaateen Xeeladda (Strategy) ah SIIMOOWGA ama in magaalada laga dhigo magaalo la wada degi karo (Cosmopolitan city) oo ah in LALA D**O Soomaalida, ka dibna LAGA BATO, oo LA MAANSHEEYO, ka dibna XAQUUQ iyo METELAAD loo doodo, ka dibna AFTI DADWEYNE la qaado sidaas ayaa lagula wareegay Harar, Hawaas, Diridhabe, iyo Baabili. Hadde ogow, waa dhulkaagii oo lagula sheeganayo, lagula xukumayo.

Tusaalaha muuqda:

Diridhabe 1992 kii waaxaa deganaa oo lahaa Soomaali 100%, waxaa Dowladda Itoobiya tiri waa magaalo la wada degi karo (Cosmopolitan city) maanta 40% ayey Soomaali gar iyo xeer jajab ku heshaa.

Dagmada Baabili iyo Jinicsan oo ka mid ah dagmooyinka waaweyn ee Soomaal-Galbeed, waxaa hadda la hoos geeyay Ismaamulka Oromiya, waa xusuusta sii muuqata ee DHAXAL-WAREEGGA Dhulka iyo Dadka Soomaaliyeed.

OGOW: Jigjiga iyo Tulli-guuleedba waa la qaadan doonaa sidaas si la mid ah, oo hadda ayeyba sheeganayaan eeg sawirka hoose, haddeynaan baraarugin iyadoo xeeladda ah waa magaalo la wada degi karo (Cosmopolitan city) la adeegsanayo. Waana taas maanta amxaaradu ciidahooda ku dhiganayaan, metelaadna ka rabaan.

2. Qaabka kale waa In Ismaamullada Oromada iyo Canfarta la soo hubeeyo, deetana ay weeraro xooggan ku qabsadaan dhulka Soomaali-Galbeed.

Tusaalaha muuqda:

Bal eeg sida loola wareegay deegaanno badan oo ka mid ah galbeedka Gobolka Sitti ee Soomaali-Galbeed sida Garbo-Ciise, Candhufu iyo Cadeyti.

UJEEDADU: waa in dhulka lala wareegoo la qaato, dadkana la oromeeyo, si markaa marinka Badda Zaylac u fududaado oo ay u helaan bad ay iyagu sheegtaan, lahaadaanna.

'asha_2aad: Maxaa u sahlaya in sidaan fudud dhulkii Soomaaliyeed faraha uga baxo oo loo xalaaleyso, innaga oo arkeyna waliba?

Waxyaabaha u sahlaya waxaa ugu h**eeya uguna weyn waa QABYAALADDA inna dhextaalla iyo in aan innagu isu nahay CADAW IS BOQNO JARAYA.

Tusaalaha muuqda:

Baabili oo ah degmo Soomaaliyeed, waagii h**e na ka tirsaned ismaamulka Soomaalida ayaa la sheegaa dadkii deganaa qaarkood lagu ababiyay oo dhegta loogu sheegay in Qabiilada kale ee dega JigJiga waxba u ogoleyn, sidaas darteedna iney Ismaamulka Soomaalida ka wareegaan oo ay Oromiya u wareegtaan, arrinkaan waxaa aad u riixayay Dowladda dhexe ee Itoobiya, fulinta waxaa lahaa Ismaamulka Oromada oo markii dambe dagaal xasuuq ah ka geysatay dhulka ku hareereysan Baabili iyo Jinacsan, ilaa haddana Ismaamulka Oromadu waa ay wadaan duulaankaas dhul ballaarsiga ah.
Carro ay qabeen ayeey sidaas u yeeleen, iyaga oo aan ka fekerin jiritaankooda dambe iyo sida xaalkoodu noqon doono, iyaga oo fulinaya maahmaahdii aheyd "RAG CIIL BUU KA DOORTAY CADAAB"

Marka waxaas oo dhan dhacayaan dadkii kalee SoomaaliGalbeed qaar baa aamisanaa in ay Oromadda qabbiilo Gaar ah dhulkoodda ku haysato, markaas beey ku daawanayaan cadawga cunaya, berito kuwa ku xiga waa iyaga uun sow maaha?

Soomaaliyada Jamhuuriyadda Xeeladda SIIMOWGU waa laga hir geliyay, oo waxaad eegtaa magaalooyinka Berbera, Hargeysa, Boosaaso, Gerowe iyo kuwo kaloo badan waxaa la soo dejiyay Oromo faro badan, oo sidii AYAXII u dhaleysa, Af-Soomaaligii kula baraneysa, kula sheeganeysa Qabiilkii.

Innaga si arrinkaan nalooga jeediyo waxaa la isku keen diraa, RAG BAA KU SOO LACAG QAATA in ay isku huriyaan DAGAALLADA Beelaha SOomaaliyeed, innaguna ma fekerno e waa isku dhamaanaa.

XALKA:
1. Madaxda Soomaalida ha joogaan Soomaaliyada Jamhuuriyadda ah, ama ha joogaan Soomaali-Galbeed, waa in ay fahmaan Xeeladaha waaweyn ee DHAXAL GUURKA ah ee ka imanaya Cadawga Soomaaliyeed; Wax kasta oo u fududeynaya oo ay ugu horreyso KALA QEYBSANAANTA bulshadana in laga hor tago oo la middeeyo ummadda.

ISKU DUUBNI IYO MIDNIMO ayaan kaga guuleysan karnaa dhagaraha waaweyn ee cadawga. Tusaale waxaa kuugu filan sida markii h**e loogu fiirsaday Qabiilka Ciisaha Dagaalkii Gobolka SItti, iyo sida hadda xaalku isugu beddelay Guullo waaweyn markii Soomaalaalidu u midowday difaaca Gobolka SItti.

2. In Dowladda Soomaaliya sameyso guddiyo si joogto ah ugu xilsaaran darsidda iyo xal u helidda DHAGARAHA Cadawga oo ay ka mid yihiin Dagaallada Qabyaaladeed ee dalka ku baahay meel kastaba.

3. In aan Maamulka Soomaalilland la sii fogeyn, la sii xumeyn, si looga baaqsado in carradooda Xabashidu ka faa'iideysato. Waxa hadda ay dabaqayaan waa "RAG CIIL CADAAB BUU KA DOORTAA"!

4. In bulshada Soomaaliyeed wacyi gelin ballaaran, Qarameysan loo sameeyo si joogto ah.

Gunaanad:

Soomaaliyeey aan u midowna cadawgeenna maalinba daraf naga soo goosanaya.
Soomaaliyeey Qabyaaladdaan inna dillootay, laandheeranimadaan na gummeysay aan iska deyno.
War dadka kuwa wax galka ah yey aamusine bulshada ha la baraarujiyo oo Dalka iyo Dadka ha la badbaadiyo.

Hambalyo 1da Luulyo oo luulmeysan, log go'san, laalaada,

"Hadda ama Hadhow"~ idamka Illaaheey.


16/05/2024

Soomaaliya waxay u baahantahay KALIGII TALIYE wadani ah, Alle ka baqaya, ugu yaraan 10sano .✍️
"Hadda ama Hadhow"~Idamka Ilaaheey.

GAALADII WAA KA WAREERTAY.Gaaladu waxaa ay na leeyihiin Qiyaamaha ayaa dhacaya Sanadka 2135.  Sababtana waxaa ay ku shee...
30/04/2024

GAALADII WAA KA WAREERTAY.

Gaaladu waxaa ay na leeyihiin Qiyaamaha ayaa dhacaya Sanadka 2135. Sababtana waxaa ay ku sheegeen dhaxa ka soo dhacaya meerayaasha gebi ahaana burburinaya iyo wixii ku nool. (Eeg sawirka 1aad).

Mar kale waxay leeyihiin waxaan ogaanay in 250 million sano ee soosocota dhulka la rogayo oo noolaha ku nool baaba'ayo, wuxaana sameysmaya hal qaarad oo kulul, qalalan aadna u weyn (Supercontinent) oo ay ugu magac dareen (Pangea Ultima). Sababta waxaa ay ku sheegeen cimillada sii kululaaneysa taas oo beni'aadamku sababay. (Eeg sawirka 2aad).

Qiyaamaha marka uu dhacayo Alle uun baa og, in kastoo calaamado Nabigeennu NNKH innoo sheegay.

"Hadda ama Hadhow"~Idamka Illaaheey.

28/04/2024

"Nin ku dilay, Har kuuma jiido."
Beesha caalamku Soomaaliya oo Qaran mid ah ma doonayaan.
"Hadda ama Hadhow"~Idamka Illaaheey.✍️

Guulshu waa ay dhowdahay! Idamka Illaaheey.
26/05/2021

Guulshu waa ay dhowdahay! Idamka Illaaheey.

 : (Siduu nidaamka ‘federaalka’ qabyaaladeysani ku yimid Soomaaliya,   iyo   laga lahaa). (QEYBTA 1aad)=================...
16/01/2021

: (Siduu nidaamka ‘federaalka’ qabyaaladeysani ku yimid Soomaaliya, iyo laga lahaa). (QEYBTA 1aad)
==========================================

Si kooban, taariikh ahaan, Soomaaliya waxaa ay ahayd quwad aad u xoog badan lagana tixgeliyo arrimaha mandiqadda Geeska Afrika, taasoo ay ugu wacneyd baratanka quwadaha waaweyn ee reer Bariga iyo Galbeedka ee gacan ku haynta; sidoo kalena saameynta dalka Soomaaliya halka uu ku yaalo qariidad ahaan awgeed.

Tani, waa sababta markii horaba keentay in dhulkii iyo ummaddii Soomaaliyeed loo qaybsado, ka dib markay soo kala dhoweysteen qabaa’ilka Soomaalida. Arrintaan waxay keentay nooc kala sarrayn ah iyo is-colleysi taasoo uu gumeystuhu ugu tala-galay in uu ku sii kala qaybiyo dadka Soomaaliyeed una xukumo(QAYBI OO XUKUN). Waxaa dalka loo kala qaybiyey gobollo, lana kala siiyey dalal; tusaale ahaan Soomaali Galbeed (Itoobiya), NFD (Keenya) iyo xeebta Jabuuti oo uu Faransiisku gumeysanayey ilaa dhamaadkii todobaatameeyadii intaanay xoriyadda qaadan.

Dowladihii Soomaaliya tan iyo 1960kii waxay ka shaqaynayeen si toos ah iyo si qarsoonba sidii loo xoreyn lahaa dhulalkaas maqan, waxana lagu hubeeyey Itoobiya, tusaale ahaan, jabhado ay ka mid ahaayeen tii Tigreega ee madaxda ka ahaa Meles Sanaawi.

Sidaas si la mid ah, waxaa iyana jiray jabhado kale oo uu Mingistaha Itoobiya e ku soo hubeynayay Soomaaliya si ay iyaguna u wiiqaan awoodda xad-dhaafka ahayd ee dalka Soomaaliya, taas oo ku aheyd caqabad iyo wadne-kurkur aad u weyn, jabhadihiina waxay ku guuleysteen in ay burburiyaan xukuumadihii Soomaaliya iyo Itoobiya; nasiib-darrose halka jabhadaha Itoobiya ay muujiyeen wadaniyad iyo dal-jacayl oo ay ilaashadeen dalkooda, jabhadaha Soomaaliya waxay ku dhaqaaqeen burburin hanti-dadweyne, dhac iyo xasuuq shacab iyo weliba isku-jeesasho iyaga dhexdooda ah halkii ay ka unkami lahaayeen dowladnimadii Soomaaliya.

Halkaas waxaa ka bilowday khilaaf sababay dagaal sokeeye; halka Itoobiya uu madax ka noqday Meles Sanaawi horraantii 1991gii. Isla sanadkii 1993dii, Itoobiya wax aka dhacay afti qaran oo loo qaaday in Eriteriya la xoreeyo sidaasna waxay ku noqotay dal madax-bannaan.

Meles waxaa soo tababary oo maal-gashaday dadka iyo dowladda Soomaaliya. Waxa uu ku noolaa guri fillo ah oo ku yaallay dhabarka dambe ee Hotel Towfiiq isaga iyo Isaayas Afwarki; waxayna si fiican u barteen afka iyo dhaqanka Soomaalida.

Isla markii uu Meles la wareegay talada dalkiisa wuxuu bilaabay isaga oo fahmsan meesha ay ku jirto dantiisa iyo danta Itoobiya; halkaasna wuxuu ka bilaabay in uu isku hubeeyo jabhadihii Soomaalida ee xilligaas taasoo aakhirkii sababtay barakac, burbur, halaag iyo kala-firdhad ku dhacay ummaddii Soomaaliyeed.

Haddaba Itoobiya oo iyada lafteeda haysteen caqabado gudaha ah oo ay qowmiyadeheeda kala duwani is-riixriixayeen ayaa waxaa ay jabhadii TPLF-ta ku dhawaaqday in dalka Itoobiya laga dhigay dowlad ‘federaal’ ah sannadkii 1995kii.

Meles oo si fiican u fahansanaa Soomaalida iyo halka ay hannaanka afaara-qabiilka ka joogto, kaashanayana Nayroobi, sidoo kalana ay gadaal ka riixayaan quwado kale oo shisheeye, ayaa wuxuu qaatay in uu dhaqan-geliyo aragtidii laga dhaxlay gumeystaha ee ku dhisnayd ‘Qaybi oo xukun,’ waana halka aragtida Meles ee Soomaaliya in ‘federaal’ laga dhigo ay ka timid; ‘federaal’ ku dhisan laba arrimood oo aad muhiim ugu ah Itoobiya oo ah:
1. In uu xadduud badeed yeesho iyo
2. In uu xadduud dhuleed la wadaago dalka Itoobiya.

Sanadkii 1998dii, saddex (3) sano un ka dib qaadashadii ‘federaalka’ ee Itoobiya waxaa la aas-aasay ‘maamul-goboleedkii’ ugu h**eeyay ee Soomaaliya kaasoo ku dhawaaqay kana dhaqan-galay gobollada Waqooyi-bari ee Soomaaliya.

------------------La soco qeybta xigta).------------------

: Walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan.


QEYBI OO XUKUN:‘Federaalka’ qabyaaladeysan ee Soomaaliya.=====================================Ka dib burburkii dowladdii...
15/01/2021

QEYBI OO XUKUN:‘Federaalka’ qabyaaladeysan ee Soomaaliya.
=====================================

Ka dib burburkii dowladdii Soomaaliya 1991kii, siyaasadda dalku waxaa ay noqotay mid aad u cakiran oo cid kasta oo gobolka iyo aduunka aan ku noolnahay ee dan ka lehba ay u fududaatay in ay dhankeeda ka walaaqato; faro-gelin toos ah iyo mid dadbanba, gaar ahaan quwadaha shisheeye ee Bariga iyo Reer Galbeedka iyagoo kala adeegsanaya gacmaha dowladaha dhaca mandiqadda Geeska Afrika iyo Khaliijka iyo weliba hogaamiyayaasha qabaa’ilka iyo kooxaha calooshood-u-shaqeystayaasha.

Iyaga oo adeegsanaya Soomaalida noocaas ah ayay waxay suuq-geeyeen oo la buun-buuniyay arrimo fara badan sida: waxaa lumaya is-aaminaaddii Soomaalida, ma heshiin kartaan, waad kala-duwan tihiin, wax iskuma darsan kartaan, iwm; ujeedkooduna uu yahay in shacbiga Soomaaliyeed lagu sii kala fogeeyo, laguna kala-dilo si ay ugu suurta-galaan danahooda khaaska, si gaar ah kala-qeybinta dalka iyo dadka.

Arrintaasi waxaa ay sababtay in ay, ku dhowaad rubuc Qarni, Soomaaliya heli weydo xasillooni siyaasadeed iyo mid dhaqan-dhaqaale. Waxaa la adeegsaday nooc kasta oo lagu siyaadin karo is-nacaybka iyo qabyaaladda ummadda Soomaaliyeed la kala dhex-dhigay. Waxaa la soo bandhigay hannanaka qabiil-wax-ku-qaybsiga ee 4.5. Si kastabase, Eebbe weyne mahaddii iyo ummadda Soomaaliyeed oo ah dad is-jecel, waa la kala tegi waayay; haba lakala sad-bursado e. Taas markii ay socon weyday ayaa haddana waxaa markii dambe la soo bandhigay nidaamka ‘federaalka’ si ay halkeedii uga sii socoto kala qoqobka iyo kala irdheynta ummadda.

Haddaba, waxaan maqaalkaan hoos ku lifaaqan kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:

1. Nidaamka ‘federaalka’ iyo noocyadiisa ugu caansan;

2. Waxyaabaha uu la gaar yahay nidaamka ‘federaalka;’

3. Sida uu ku yimaaddo nidaamka ‘federaalka’ iyo ujeeddooyinka loo adeegsado;

4. Sida uu nidaamka ‘federaalka’ qabyaaladeysani ku yimid Soomaaliya, cidda ka dambeysa iyo ujeeddada laga lahaa;

5. Halista nidaamka ‘federaalka’ qabyaaladeysan uu ku yahay dalka iyo dadka; iyo weliba;

6. Nidaamka siyaasadeed ee ku haboon in ay Soomaaliya qaadato si xal waara loo gaaro.

: Waa uu dheeryahay IGA RAALI AHAADA, lkn waa muhiim ee si qoto dheer oo dhugasho leh u akhri, wadaaga arragtidaadu waa u muhiim Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed xiligaan adag.

Mahadsanidiin
Jimco Wanaagsan




Ka dib burburkii dowladdii Soomaaliya 1991kii, siyaasadda dalku waxaa ay noqotay mid aad u cakiran oo cid kasta oo gobolka iyo aduunka aan ku noolnahay ee dan ka lehba ay u fududaatay in ay dhankeeda ka walaaqato;

Dalkeygaan burburka ka soo kabanaya!Dadkeygaan Rajada naawilaaya, una hamuun qaba Dowladnimo!Alle uga yaaba, oo ka xisho...
07/12/2020

Dalkeygaan burburka ka soo kabanaya!
Dadkeygaan Rajada naawilaaya, una hamuun qaba Dowladnimo!

Alle uga yaaba, oo ka xishooda, inta xisaabtan laga gaarayo.

"Hadda ama Haddow"


Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mohamed Midnimo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share