03/10/2023
Doorashadii Golleyaasha Degmooyinka ee Puntland ka socday waxay marayaan heer gabo gabo ah, waana Guul tisqaaday ee horay loogu durkay in Muwaadinku suureeyo oo uu codkiisa ku doorto qofka uu bedaayo in uu uroonyahay Dalka iyo Dadka.
Urruradda Siyaasadda ee Puntland waxaan ugu baaqaynaa in ay danaha gaarka ah ee Siyaasadaysan reebaan oo tan guud iyo hayaanka shacabka ay u weel toshaan.
Ugu dambayn waxaan bogaadinaynaa Ururuka ku meelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland, iyo Xukuumadda Dowladda Puntland oo shaqadaan dhabar adayg weyn ka muujiyey ilaa haarkaan ay maanta joogtana gaarsiiyey.