Xisbiga KAAH Laanta Minnesota USA

Xisbiga KAAH Laanta Minnesota USA π™Ίπšž 𝚜𝚘𝚘 πšπš‘πšŠπš πš˜πš πš˜
πš‡πš’πšœπš‹πš’πšπšŠ πš”πšŠπšŠπš‘ πš•πšŠπš—πšπš’πš’πšœπšŠ πš›πšŠπšœπš–πš’πšπšŠ πšŠπš‘ 𝚎𝚎 π™Όπš’πš—πš—πšŽπšœπš˜πšπšŠ,πš„πš‚π™°πŸ‡ΊπŸ‡Έ

12/25/2025

β€œ Xisbiga KAAH, Wuxuu hakiyey la shaqayntii komishanka, Ilaa Inta ay kusoo noqonayaan xaqa iyo waddada sharciga ah β€œ Gudoomiye ku-xigeenka Xisbiga KAAH, Md Cabdilaahi Ibraahim Habane..

Xisbiga KAAH Laanta Minnesota USA πŸ‡ΊπŸ‡Έ

11/15/2025

πŸŸ₯βœ‹οΈ

Gudomiyaha Xisbiga KAAH Ee Gobolka Minnesota USA Mahamud Yousuf Hassan Gudoomiye Ku-Xigeenka Xisbiga KAAH Ee Gobolka Min...
11/15/2025

Gudomiyaha Xisbiga KAAH
Ee Gobolka Minnesota USA
Mahamud Yousuf Hassan

Gudoomiye Ku-Xigeenka Xisbiga KAAH
Ee Gobolka Minnesota USA
Abdifatah A Ahmed

Xisbiga KAAH - Somaliland πŸŸ₯

πŸ“’ OGAYSIIS MUHIIM AH – Xisbiga KAAH Laanta Minnesota USA πŸ‡ΊπŸ‡Έ Xisbiga KAAH - Somaliland
11/08/2025

πŸ“’ OGAYSIIS MUHIIM AH – Xisbiga KAAH Laanta Minnesota USA πŸ‡ΊπŸ‡Έ

Xisbiga KAAH - Somaliland

11/07/2025
11/05/2025

TACSI
Ψ₯ΩΩ†ΩŽΩ‘Ψ§ لِلّهِ وَΨ₯ΩΩ†ΩŽΩ‘Ω€Ψ§ Ψ₯ΩΩ„ΩŽΩŠΩ’Ω‡Ω Ψ±ΩŽΨ§Ψ¬ΩΨΉΩˆΩ†

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska, ehelada, waayeelka, waxgaradka, iyo asxaabta, uu ka baxay ALLE ha u naxariistee, Marxuum Fadxi Cali Cabdi, oo ku geeriyooday cariga Maraykanka.

Waxa aan si gaar ah uga tacsiyeynayaa geerida marxuumka, Aabo Cali Cabdi iyo Hooyo Kawsar Maxamed Cabdilaahi, oo ah Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga KAAH ee Dalka Maraykanka.

Marxuumku waxa uu ahaa nin dhalinyaro ah oo kacaakufka nolosha kaga gudbay kuf iyo kasmo sarreysa, kana xaqiijiyey guullo waaweyn. Waxa uu ahaa aqoonyahan shaqo yaqaan ah oo hirgeliyey goobo waxtar iyo waxgal ba u lahaa bulshada uu ku dhex noollaa.

Dhammaan qoyskiisii, qaraabadiisii iyo waalidiintii ku soo tabcay, waxbaray, islamarkaana barbaariyey shakhsi anfacay naftiisa, dadkiisa iyo bulshadiisaba, waxaan Eebbe weyne uga baryeyaa sabir iyo inuu laabaha u qaboojiyo. Si kasta oo geerida marxuumku u tahay mid kedis ah, waxaan leeyahay haddana waa qaddar iyo qoraal Eebbe, oo dhamaanteen innoo qoran. Aabbo Cali iyo Hooyo Kawsar waxaan xasuusinayaa inaanay marnaba kelidood ku ahayn tiiraanyada geerida Fadxi, balse ay tahay mid aannu dhab ahaan idinla wadaagno, dhamaantayo.

Ugu danbeyn, marxuumka waxa aan ILAAHAY uga baryeyaa inuu dambigiisa dhaafo, kitaabkiisa MIDIGTA ka siiyo, Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, innagana dhammaanteen samir iyo iimaan sugan inaga wada siiyo.

Aamiin… Aamiin.

11/05/2025

TACSI..

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Hogaanka xisbiga kaah lantisa Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka waxa ay tacsi tiranyo leh u diraya Gudoomiye ku-xigeenka xisbiga kaah ee dalka Maraykanka Kawasar Maxamed Cabdilaahi oo wiil keede ku geeriyoday magalada Minneapolis ee Minnesota

alla ha u naxariisto wiilka qabrigana alla ha u nuuro dhamanteena alla samir iyo imaan ha inaga wada siyo khasatan qoyski uu ka geeriyoday oo ay ugu horayso Kawsar Maxamed Cabdillahi samir iyo iiman 🀲

Aamin Aamin 🀲

Xisbiga KAAH - Somaliland.
KAAH Minnesota USA. πŸŸ₯

11/02/2025

Minneapolis, Minnesota πŸŸ₯

Hogaanka sare ee xisbiga kaah ee state of Minnesota, United States of America iyo North America.

Ayaa iclamiyey Munasibada soo dhawaynta hogaanka sare ee xisbiga kaah ee ku soo aadan North America.

Munaasabadda Soo Dhawaynta Hoggaanka Sare ee Xisbiga KAAH

πŸ—“ Taariikh: November 8, 2025

πŸ•” Waqti: 5:00 PM – 12:00 AM

πŸ“ Goobta:
Minneapolis Convention Center
1301 2nd Ave S, Minneapolis, Minnesota 55403

Xisbiga KAAH - Somaliland Maxamuud Xaashi Maxamed Ibraahin Aadan Qabyo-tire

Kulanki manta ee ay isugu yimaadeen hogaanka Xisbiga Kaah ee State of Minnesota,  United States of America and North Ame...
11/02/2025

Kulanki manta ee ay isugu yimaadeen hogaanka Xisbiga Kaah ee State of Minnesota, United States of America and North America.

Kaas oo lagu der der galinayey qabsomida Munasibada soo dhawaynta hogaanka sare ee xisbiga KAAH-Somaliland ee ku soo adan United States of America.

Munasibada oo qabsomi doonta
November-8-2025 hadi alla idmo.
Kana dhici doonta Minneapolis Minnesota USA, πŸŸ₯

Munaasabadda Soo Dhawaynta Hoggaanka Sare ee Xisbiga KAAH πŸŸ₯

πŸ—“ Taariikh: November 8, 2025

πŸ•” Waqti: 5:00 PM–12:00 AM

πŸ“ Goobta:
Minneapolis Convention Center
1301 2nd Ave S, Minneapolis, Minnesota 55403

Xisbiga KAAH - Somaliland Maxamuud Xaashi Maxamed Ibraahin Aadan Qabyo-tire Abdifatah A Ahmed.

Address

Minneapolis, MN

Opening Hours

Monday 9am - 5pm
Tuesday 9am - 5pm
Wednesday 9am - 5pm
Thursday 9am - 5pm
Friday 9am - 5pm

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xisbiga KAAH Laanta Minnesota USA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share