06/16/2026
Balli-Busle, Damal-Canyaale. 16/06/2026.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Guddoomiyaha Degmada Jarriiban, Kuxigeenka Degmada Jarriiban, Guddoomiyaha Degmada Tawfiiq & Odayaasha deegaanka Balli-Busle ayaa maanta shir uga furmay Deegaanka Damal-Canyaale ee Degsiimada Balli-Busle, Deg. Jarriiban Gobolka Mudug. Shirkaan oo ku saabsan Wacyigelinta Nabadda, isu soo dhaweynta & ka hortagga Gacan-ka-hadalada ka dhasha Deegaanka & Daaqsinta Xilliyadaan oo kale dadka isku soo guurtada ah ee Degmada Jarriiban & Tawfiiq ee Deegaanka Kala-kaca Damal-Canyaale, Degsiimada Balli-Busle ee Deg. Jarriiban.
Kulankaan ayaa gogol dhig u ah Shirar maalmahaan uga socon doona Maamulka Gobolka, Maamulada Laba Degmo & Dadka reer guuraaga ah si'wax kasta loogu dhameeyo is faham & Nabadgelyo.
.