06/26/2024
Hargaysa-26 JUNE (WDH&C) Khudbad taariikhii ah isla-markaana dhaxal-gal noqon doonta ayuu Habeenkii xalay ahaa wasiirka wasaaradda dhallinyaradda iyo ciyaaraha JSL Xurmadle wasiir Abdirisaaq muuse faarax ka jeediyay xuska 26 june oo ku astaysan maalinta ay somaliland xoriyada ka qaadatay guumaystihii ingiriiska.
Xafladan Qiimaha wayn ugu fadhida umada somaliland, ayaa ka qabsoontay qasriga madaxtooyada JSL.
"Wasiirka ayaa waxa uu ku dheeraaday taariikhda iyo bud dhigyadii maamuleed ee ay ku noolaayeen soomalida waqooyi ka hor guumaystaha kaas oo ahaa qaabka loo yaqaano dhaqan qoyseed' oo iyagu isku maamuli jiray xeerar dhaqameed' dhinaca kalena qaarkood ay xoog isku muquunin jireen.
Waxa kale oo uu xusay wasiirku in guumaytuhu somaliland kula dhaqmay qaabka loo yaqaan maamulka dadban. Sanado badan ka bacdi halgan gobonimo doon ah oo fikrado xagjir ah wata loogana faa'idaysanayo dano gaar ah ayaa ka bilaabmay gudaha somaliland kaas oo markii danbe fashilmay,
wixii ka danbeeyay taas waxa ay umada reer somaliland ay si salmi ah ku dooneen helitaanka ictiraaf ama gobonimo buuxda, kaas oo ay guusha geediga hor kaceen AHUN madaxwaynihii h**e ee somaliland Maxamed xaaji ibraahim cigaal iyo AHUN Garaad cali, waxaanu kusoo dhamaaday is afgarad buuxa islamarkaana ictiraaf lagu siinayo jamhuuriyada somaliland. Iyadoo heshiiskaasi uu ka dhacay kana qabsoomay cariga ingiriiska.
Somaliland waxa ay noqotay wadamadii ugu h**eeyay afrika ee xoriyada ka qaata guumaystaha iyadoo ay hanbalyeeyeen wadamo badan oo caalamka ah, wadamadaas waxa kamid ahaa shanta wadan ee maanta laysku yidhaahdo golaha amaanka ee qaramada midoobay.
Waxa uu wasiirku xusay in umada reer somaliland ay abuureen jawi ujeedadiisu ay tahay in midnimo la abuuro iyagoo markaasi ku taamayay in wixii la odhan jiray soomaali wayn la helo, riyadaasina markii danbe waxa ay noqotay hal bacaad lagu lisay. Iyadoo lagu dulmiyay reer somaliland midnimadaa ay iyagu ka danbeeyeen, waxaana xusud mudan in sad-bursiimada siyaasadeed, maamul iyo dhaqaalaba ay qaateen koonfurta somaaliya.
Ismariwaa siyaasadeed oo hor leh ayaa
bilaabmay oo u dhaxeeya waqooyi iyo koonfur. Iyadoo taas lala daalaa dhaayo ayaa waxa dabka kusii shiday kadib markii uu inqilaab militari xukunka kula wareegay siyaad bare oo isaguna cunsuriyad gaar ah iyo xad gudub xaga xuquuqul insaanka ah kula kacay dadkii reer somaliland, isagoo xasuuq ba'an u gaystay bulshadii ku noolayd waqooyiga qaarna baro kiciyay.
Wakhtigaas waxa si toos ah u bilaabmay dhaqdhaqaaqii jabhada SNM' Iyadoo wakhtiga kaasina ka maarmi wayday in dhiig loo daadiyo si dawladnimadii somaliland dib loola soo laabto. Halgankaasina wuxuu noqday mid midho dhala oo guulaytay. Halka taas bedelkeeda ay koonfurtu burburtay foodana la gashay dagaalo sokeeye oo diiday inay lugaheeda dib ugu istaagto ilaa maalinka kan.
Aqoonyahanka, odayaasha iyo culumada iyo sidoo kale mujaahidiintii dalka usoo halgantay waxay isla tageen geed hoostii oo ay kaga tashadeen masiirka umada tani ilaa maanta ay ku naaloonayso. Iyadoo yool mid ah loogu heshiiyay axdi qarameed ay wada yeesheen beelaha somaliland, taasina waxay abuurtay isku duubni iyo himilo qaran oo ay yeelatay somaliland,
Waxa loosoo gudbay nidaamka doorashooyinka oo kursiga lagu yimaado hal qof iyo cod. Somaliland waxay bilawday halgan kale oo ah inay beesha caalamka la macaamisho kana dhaadhiciso in ay aqoonsi siiyaan dalkooda. Dedaaladaa badan ee isdaba jooga ahi waxay dhaliyeen in dawlada aynu jaarka nahay, walaalaha nahay ee itoobiya oo awalba ku sifaysnayd taageerada ay xiligii halganka jabhadii SNM siin jirtay' in wakhtiga kana ay is afgarad aqoonsi siin doonto somaliland. Tanina waa bar bilaw guuleed iyo waa cusub oo u dilaacay umada reer somaliland.
Ugu danbayn wasiirka ayaa madaxwànaha guusha ee qaranka Xurmadle muuse biixi cabdi uga mahadnaqay kalsoonida iyo aaminaada uu siiyay dhalinyarta ee ku aadan doorka hogaaminta xilalka qaranka"
Author-Af-Hayeenka wasaarada dhallinyaradda iyo Ciyaaraha JSL
MOHAMED YOUSUF OMER