30/04/2026
﴿ إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ ﴾
Maamulka Degmada Xudur ee Gobolka Bakool, oo uu hoggaamiyo Mudane Maxamed Axmed Miiris, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya, geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee taliyihii ciidankii xaq-u-dirirka ahaa ee RRA, Marxuum Colonel Axmedey Umurow Usmaan, oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Marxuum Axmedey waxa uu ahaa halyey si weyn uga dhex muuqday halgankii lagu xoreeyey deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya, isagoo door muuqda ka qaatay difaaca shacabka iyo la dagaallanka cadowgii dhibaateeyey bulshada. Wuxuu ahaa nin geesi ah oo naftiisa iyo maalkiisaba u huray dib u soo celinta dowladnimada, kana tegay taariikh sharaf iyo halgan lagu daydo.
Sidoo kale, marxuumku waxa uu caan ku ahaa akhlaaq wanaagsan, edeb iyo anshax sare, isagoo ahaa shaqsi af-gaaban oo lagu yaqaanay dulqaad, daacadnimo iyo u adeegidda bulshadiisa. Geeridiisu waa khasaare weyn oo ku yimid ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Koonfur galbeed soomaaliya.
Maamulka Degmada Xudur waxa uu Alle uga baryayaa marxuumka in uu ka waraabiyo jannatul firdowsa, samir iyo iimaan ka siiyo ehelkii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.