21/08/2023
Gunaanadka Dunida (30) |
Tusmooyinka Waaweyn (4–10)
Mahdiga (cs)
Mahdigu (cs) waa nin wanaagsan oo ka mid ah tafiirta Nebiga (scw) gaar ahaan dirka Xasan binu Cali (rc). Eebbe ayaa soo saaraya aakhirusamaanka, marka uu dulmigu dhulka ku baaho. Diinta ayuu Eebbe ku cusboonaysiinayaa, xilligiisana wuxuu ka buuxinayaa dhulka caddaalad iyo xaqsoor. Wuxu xilka haynaa toddoba ama sagaal sanno.
Mahdigu (cs) k**a mid aha tusmooyinka waaweyn, balse qaybtooda h**e ayuu ku beegan yahay, sidaas ayaa keentay inaynu raacinno.
Uma Salama (rc) waxay tidhi: Waxaan maqlay Rasuulka Ilaahay (scw) oo leh, "Mahdigu waa tafiirtayda, waa ubadka Faadumo."¹
Cali (rc) waxa laga weriyay inuu yidhi: Rasuulka Ilaahay (scw) ayaa yidhi, "Mahdigu waa annaga -Aala Baydka, Ilaahay ayaa habeen ku hagaajinaya."²
Cabdillaahi binu Mascuud (rc) wuxu yidhi: Rasuulka Ilaahay (scw) ayaa yidhi, "Haddii ay adduunka ka hadnay maalin keliyi, Eebbe wuu dheerayn maalintaas —kadib way heshiin —si uu u soo saaro nin iga mid ah ama ehlu baydkayga ka mid ah; kaas oo uu magaciisu magacayga waafaqsan yahay, magaca aabbihiina magaca aabbahay. Wuxuu ka buuxinayaa dhulka caddaalad iyo xaqsoor, sidii looga buuxiyay dulmi iyo duudsi."³
Abi Saciid al-Khudari (rc) waxa laga weriyay inuu yidhi: Rasuulka Ilaahay (scw) ayaa yidhi, "Mahdigu aniga ayuu iga soo jeedaa; waa mid salxamo faydan, oo sandheer oo dhuuban leh. Wuxuu ka buuxinayaa dhulka caddaalad iyo xaqsoor, sidii looga buuxiyay dulmi iyo duudsi; waxaanu haysanayaa toddoba sanno."⁴
Marka ay dulmiga, fidnooyinka iyo dagaalladu ku baahaan dhulka Islaamka dadku waxay raadinayaan inuu Ilaahay f***j u furo.
Cabdillaahi ibnu Mascuud (rc) wuxuu yidhi, "Hadii ay kala go'aan ganacsiyada iyo jidadku, oo ay fidnooyinkuna bataan; waxa soo baxaya toddoba nin oo culimo ah, oo ka kala yimi cidhifyo kala duwan, oo aan wax ballan ahna ku socon. Mid kasta oo iyaga ka mid ah waxa baycada soo siinaya saddex boqol iyo dhawr nin, waxaanay ku kulmayaan magaalada Maka. Marka ay kulmaan ayay is weydiinayaan waxa ay u socdaan. Waxay odhonayaan, waxaanu u nimi raadinta ninka ay gacmihiisa ku degayaan fidnooyinkani."⁵
Thawbaan (rc) wuxu yidhi: Rasuulka Ilaahay (scw) wuxu yidhi, "Waxa isku dagaalaya kinsigiina agtiisa saddex dhammaantood ah ilmo khaliif, kadibna midkoodna ma hantiyayo. Kadibna calamada madow ayaa ka soo baxaya dhanka bari, waxaanay idiin laynayaan si aan duul loo layn. Kadib wuxuu sheegay wax aan hilmaamay. Kadib wuxu yidhi: Haddii aad aragtaan baycada siiya, xataa idinka oo baraf gurguuranaya, isagu waa khaliifkii Ilaahay ee Mahdiga e."⁶
• Kinsigiinna = Kacbada.
Umu Salama (rc) waxay tidhi: Nebigu (scw) wuxu yidhi, "Waxa dhacaya khilaaf marka uu nin khaliif ahi dhinto; kadib waxa soo baxaya nin reer Madiina ah oo u soo kacaya dhanka Maka. Waxa u tegaya dad reer Maka ah, waanay soo saarayaan isaga oo necbaysanaya; waxaanay baycada ku siinayaan Rugniga iyo Maqaamka kacbada dhexdooda. Kadib waxa ku soo baxaya guluf reer Shaam ah, waxaana lala jarayaa dhulka banka u dhexeeya Maka iyo Madiina. Marka ay dadku taas arkaan, waxa u imanaya (abdaasha) Shaam iyo casaa'ibta reer Ciraaq, waxaanay baycada ku siinayaan rugniga iyo maqaamka dhexdooda [...] Kadib maalka ayuu qaybinayaa, waxaanu ku dhaqmayaa sunnadii Nebigooda (scw) markaas ayuu Islaamku salka dhiganayaa dhulka. Kadib wuu dhimanayaa, waxaana ku tukanaya muslimiinta."⁷
Mahdigu marka baycada la siiyo, oo cudud helo wuxuu saldhig ka dhigan doonaa Shaam; halkaasna waxa ka dhici doona dagaallo waaweyn oo dhexmari doona muslimiinta iyo reer Ruum.
La soco...
_______
1. Waxa soosaaray Abu Daa'uud, lanbarka 4264 iyo Ibnu Maajah, lanbarka 4086. (قال البستوي: اسناده حسن)
2. Waxa soosaaray ibnu Maaja, lanbarka 4085 iyo Axmed, lanbarka 647. (وقال عنه احمد شاكر: اسناده صحيح)
3. Waxa soosaaray Abu Daa'uud, lanbarka 4262 iyo Tirmid, lanbarka 2332. (وقال: هذا حديث حسن صحيح)
4. Waxa soosaaray Abu Daa'uud, lanbarka 4265. (وقال البستوي: حسن لشواهده)
5. Waxa soosaaray Naciim binu Xamaad, lanbarka 949.
6. Waxa soosaaray Ibnu Maaja iyo Xaakim
7. Waxa soosaaray Abu Daa'uud, lanbarka 4366, iyo Axmed, lanbarka 26745 iyo Xaakim, lanbarka 8323 iyo 8324. ( وصحح احد الإسنادين).
Cali Ileeye