Dawladda Hoose Degmada Waaciye

Dawladda Hoose Degmada Waaciye Halkan Kala Soco Xoggaha Degmada Waaciye

Waaciye: June. 2, 2026: Isuduwaha  Wasaaradda Arrimaha Gudaha F&D gobolka karkaar Mudane Abdikadir Mohamed Muse Qarwayne...
02/06/2026

Waaciye: June. 2, 2026: Isuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha F&D gobolka karkaar Mudane Abdikadir Mohamed Muse Qarwayne, ayaa kormeer shaqo ku tagay Degmada Waaciye.

Ujeedka safarka ayaa ahaa u kuur gelida Xaaladda Degmada, warbixino ku saabsan Xaaladda Roobabka, shaqada Guud ee Goluhu u hayo bulshadda Degmada Waaciye iyo Deegaanada hoos taga, Caqabadaha taagana, Talaabooyinka hormarineed ee horay loo qaaaday.

Gabagabadii Isuduwahu wuxuu ku bogaadiyay Masuuliyiinta Degmada Waaciye hawlaha ay u hayaan bulshada, isagoo xusay in lagama maarmaan ay tahay dadargelinta shaqadda si bulshadda loogu adeego.

Waaciye: Maanta waxaa si rasmi ah Degmada Waaciye iyo deegaannada hoos yimaada looga daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah...
30/05/2026

Waaciye: Maanta waxaa si rasmi ah Degmada Waaciye iyo deegaannada hoos yimaada looga daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare Fasalka 4-aad iyo Dugsiyada Dhexe Fasalka 8-aad.

Daah-furka imtixaanka waxaa Goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Waaciye, Mudane Axmed Xasan Barre iyo Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Qaasim Qambi Cartan, oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Golaha Deegaanka iyo masuuliyiin kale oo degmada ah.

Masuuliyiinta oo kormeer ku tagay xarumaha imtixaanka ayaa dhiirrigeliyay ardayda si ay u muujiyaan dadaalkii iyo aqoontii ay soo barteen muddadii waxbarashada.

Waxay sidoo kale ardayda kula dardaarmeen inay ilaaliyaan nidaamka iyo anshaxa imtixaanka, kana fogaadaan wax kasta oo saameyn kara hufnaanta imtixaanka.

 : Maamulka Dawladda Hoose Ee Degmada Waaciye ayaa saaka shacabka kula tukaday Salaadda Ciidul Adxa Garoonka Kubadda Cag...
27/05/2026

: Maamulka Dawladda Hoose Ee Degmada Waaciye ayaa saaka shacabka kula tukaday Salaadda Ciidul Adxa Garoonka Kubadda Cagta ee degmada Waaciye.
Maamulka ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan bulshada Muslimiinta ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed, munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxa..

Gudoomiyaha Degmada Waaciye Axmed Xassan Barre.                        Ciid MubaarakMunaasabadda Ciidu-Adxa awgeed waxaa...
26/05/2026

Gudoomiyaha Degmada Waaciye Axmed Xassan Barre.

Ciid Mubaarak

Munaasabadda Ciidu-Adxa awgeed waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada degmada Waaciye Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu ciiddan ciideeda nagu gaarsiiyo nabad, barwaaqo iyo horumar.

16/05/2026

Hadal-jeedinta Nabadoon Siciid Xaaji Ciise Ee Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed Ee 15-may.

16/05/2026

Hadal-jeedinta Abwaanad Falis Cisman Khayr Ee Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed Ee 15-may.

*SHEERBI: Xuska maalinta dhalinyarada soomaaliyeed ee 15-ka-May.Xaflad ay si heer sare ah usoo qaban-qaaabiyeen Gudiga n...
16/05/2026

*SHEERBI: Xuska maalinta dhalinyarada soomaaliyeed ee 15-ka-May.

Xaflad ay si heer sare ah usoo qaban-qaaabiyeen Gudiga nabadda deegaanka (Sheerrbi) oo ay taageereysey hay'ada (PSA) ayaa ka qabsoontay deegaanka sheerbi ee degmada Waaciye.

Xafladaan oo lagu xusaayey taariikhdii dhalinyaradii *SYL* sidoo kalena lagu xoojinaayey nabadda deegaanka ayaa waxaa kasoo qayb galay gudoomiye kuxigeenka deegaanka sheerbi, culimada deegaanka, gudiga nabadda deegaanka sheerbi, xoghayaha degmada waaciye, qaar ka mida xillibaanada golaha deeganka degmada waaciye, odayaasha dhaqanka, ururada haweenka deegaanka, gudoomiyaha dhalinyarada deegaanka, iyo qaybaha kala kuwan ee bulshada reer sheerbi.
........... Dhammaad...............

07/05/2026

Hadal-jeedinta Xildhiban Maxamed Axmed Doqondiid Ee Daah-furka wajigii 1-aad ee iftiiminta Deegaanka sheerbi Ee Degmada Waaciye.

07/05/2026

Hadal-jeedinta Gudoomiye ku xigeenka Deegaanka Sheerbi Ee Daah-furka wajigii 1-aad ee iftiiminta Deegaanka sheerbi Ee Degmada Waaciye.

07/05/2026

Hadal-jeedinta Agasimaha amniga iyo fayadhowrka Mr.galan Ee Daah-furka wajigii 1-aad ee iftiiminta Deegaanka sheerbi Ee Degmada Waaciye.

Address

Waaciye
Waaciye

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dawladda Hoose Degmada Waaciye posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Dawladda Hoose Degmada Waaciye:

Share