10/02/2025
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cadaladda Dastuurka Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Dowladda Puntland Marwo Maryan Cisman Ahmed ayaa maanta Booqatay Xafiisyada Garsoorka Bari
sida Xafiiska Gudoomiyaha Rafcaanka Gobolka Bari, Xafiiska Xeer ilaalinta Gobolka Bari iyo Gudoomiyaha Maxkamada Darajadda 1aad ee Degmada Bosaso
Booqashada waxaa qaybka ahaa Isuduwaha Wasaaradda Cadaladda ee Gobolka Bari Maxamud Xidig Maxmed.
Ujeedka Kulamada ayaa waxay Daarnayeen u kuurgelista Hawlaha Shaqo oo ay Maxkamaduhu u hayaan Bulshada iyo kala warqadasho
Wasiirada ayaa uga Mahadcelisay Shaqada ay Garsoorka Bogolka Bari u hayaan Bulshada iyo Dowladdaba. Kuna Boorisay in Kor loo qaado Wada shaqaynta iyo isku Xirka Bahda Cadaalada.
Kulanka ayaa kusoo Dhamaday Si Wanagsan.