18/04/2025
Xil-doon Mar Kale: Miyaa La Ilaaway Ballanqaadyadii Sahra Cabdullaahi Cigaal (Bundubte)?
Hordhac:
Muddo ku dhow saddex sano iyo badh, Sahra Cabdullaahi Cigaal (Bundubte) waxay ka tirsanayd Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo matalaysa shacabka reer SSC-Khaatumo, gaar ahaan shacabka Dharkayn-Geenyo. Inkasta oo ay xilka haysay muddo dheer, haddana dadweynaha ay matasho waxay weli su’aalo badan ka qabaan waxqabadkeeda iyo sababta ay markale ugu taagan tahay olole doorasho.
Ballanqaadyadii H**e iyo Waxqabadka Dhabta Ah:
Markii ay ku guuleysatay kursiga baarlamaanka, Sahra waxay la timid ballanqaadyo rajo geliyey dadkeeda — horumarin deegaan, cod muuqda oo ay ka yeelato golaha, iyo difaacida danaha reer SSC-Khaatumo.
Laakiin:
Ma jiraan wax mashaariic horumarineed ah oo laga fuliyey deegaanka.
Codkeedii laguma arag doodaha muhiimka ah ee Golaha Shacabka.
Dadkii ay matalaysay waxay weli la daalaa dhacayaan baahiyo nololeed, adeeg la’aan iyo matalaad la’aan.
Maxaa Keenay Imaatinkeeda Maanta ee Dharkayn-Geenyo?
Sahra waxay maanta dib ugu soo laabatay magaalada Dharkayn-Geenyo, hase yeeshee tagiddeedu ma aha waxqabad, balse waa kacsanaan doorasho oo salka ku haysa baahi ay u qabto inay markale kursiga ku soo laabato.
Socdaalkeedu wuxuu yimid xilli ay wajahayso loollan adag oo ka dhan ah kursiga baarlamaanka, waxaana muuqata in ujeeddada ugu weyn tahay:
Cabsi laga qabo in kursiga la waayo: Ayada oo aysan jirin waxqabad muuqda, codka shacabka lama hubo.
Ka falcelin ololeyaasha musharrixiin cusub: Musharrixiin firfircoon oo deegaanka kasoo jeeda ayaa bilaabay olole xooggan.
Ilaalinta taageerayaashii h**e: Si ay u muujiso weli taageero ay ku leedahay deegaanka.
Tagidda Dharkayn-Geenyo waa mid siyaasadeed, oo aysan ka muuqan wax barnaamij horumarineed ah, waxaana loo arkaa inay tahay raadin kalsooni ee aan ahayn gudashada waajibkii h**e.
Dareenka Shacabka:
Shacabka SSC-Khaatumo, gaar ahaan reer Dharkayn-Geenyo, waxay maanta isweydiinayaan:
Maxay noo qabatay muddo ku dhow 4 sano?
Sidee bay deegaanka uga faa’iideystay kursigaas?
Maxay tahay sababta ay markale ugu istaagtay olole doorasho iyadoo aan laga dareemin waxqabad muuqda?
Codka shacabka ma aha amar fudud oo la qaato, waa kalsooni la kasbado oo leh masuuliyad.
Ololaha Cusub:
Sahra Cabdullaahi Cigaal (Bundubte) waxay markale ololaha doorashada ku jirtaa, iyadoo shacabka u ballanqaadaysa horumar cusub. Balse dadka reer SSC-Khaatumo gaar ahaa beel-want c/garaad waxay leeyihiin: “Maxaa dammaanad ah in ballanqaadyada cusub aysan noqon kuwii h**e oo kale?”
Maanta shacabka waxa ay u baahan yihiin matalaad firfircoon, mid u taagan danahooda, kana muuqata go’aanada siyaasadeed ee heer qaran.
Gunaanad: Codkaagu Waa Mas’uuliyad
Waxaa la joogaa waqtigii shacabka reer SSC-Khaatumo gaar ahaan /garaad ay si dhab ah u qiimeyn lahaayeen cidda mataleysa. Xilka Qaranka waa masuuliyad, codkuna waa aaminnimo. Waxaa muhiim ah in codkaaga aad siisid qof leh karti, hufnaan iyo damiir dadnimo oo dhab ah.
Xildhibaanimo waa waxqabad, mana aha magaca oo kaliya.
Py :Eg khadar cabdirooble