09/02/2026
Gaalkacyo | 9 Febraayo 2026
Maanta oo ay ku beegan tahay taariikhda 9-ka Febraayo 2026, ayaa magaalada Gaalkacyo lagu qabtay shir maamuus, is-xogwaraysi iyo is-macasalaamayn ah, kaas oo ay isugu yimaadeen isimadii dhaqanka ee ka qaybgalay munaasabaddii caleemo-saarka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali, taas oo si rasmi ah uga dhacday degmada Goldogob.
Shirkaasi waxaa guddoominayay Boqorka Daarood, Boqor Burhaan Boqor Muuse. Intii uu shirka socday, isimada dhaqanku waxay si midaysan u adkeeyeen baaq ku aaddan in dhammaan colaadaha iyo is-afgaranwaaga ka dhex jira beelaha walaalaha ah ee gobolka Mudug lagu dhammeeyo dariiqo nabadeed, iyada oo loo marayo wadahadal miro-dhal ah, wada-tashi iyo is-afgarad waara.
Sidoo kale, isimadu waxay si niyad-sami ah duco iyo hambalyo ugu direen Ugaaska cusub, iyagoo Alle uga baryay inuu ku guuleeyo gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday, una fududeeyo masuuliyadda weyn ee uu ummadda u qaaday.
Ugu dambayn, isimada dhaqanku waxay Alle uga baryeen guud ahaan ummadda Soomaaliyeed inuu ka dulqaado abaarta iyo duruufaha adag ee jira, isla markaana uu ku mannaysto nabad, midnimo, is-faham iyo wada-jir waara.