09/02/2026
Guddiga Hormarinta Degmada Qardho oo ku wareejiyay Guddiga Gurmadka Abaaraha Degmada lacag dhan 10,000 oo Doollar
Qardho, 9 Febraayo 2026: Guddiga Hormarinta Degmada Qardho ayaa maanta ku wareejiyay Guddiga Gurmadka Abaaraha Degmada lacag dhan 10,000 (toban kun) oo doollar, taas oo loogu talagalay taakuleynta dadka ku nool deegaanada miyiga ah ee ay abaartu saameysay.
Lacagtan ayaa laga ururiyay halka doollar (1$) ee saaran adeegyada korontada iyo biyaha, kaddib codsi rasmi ah oo ka yimid Guddiga Gurmadka Abaaraha Degmada, si wax looga qabto xaaladda abaareed ee ka jirta deegaanada hoos yimaada degmada.
Guddiga Gurmadka Abaaraha Degmada ayaa si rasmi ah ula wareegay lacagtan, iyagoo sheegay in si degdeg ah loogu adeegsan doono gurmad biyo-gaarsiin ah iyo caawinta dadka iyo xoolaha ay abaartu saameysay.
Lacagtan 10,000 tobanka kun oo doollar ah ayaa u dhiganta 100 booyadood oo biyo ah, kuwaas oo la gaarsiin doono deegaanadii ay guddigu horay ugu tageen sahminta iyo qiimeynta xaaladda dadka iyo xoolaha.
Munaasabadda wareejinta lacagta waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Qardho, Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada, Guddoomiyeyaasha Guddiga Hormarinta Degmada iyo Guddiga Gurmadka Abaaraha, iyo sidoo kale xubno ka kala socday labada guddi.
Ugu dambeyn, masโuuliyiinta ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga bulshada iyo doorka ay ka qaadaneyso wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah, iyagoo bogaadiyay dadaalka lagu taageerayo dadka ay abaartu saameysay.