23/04/2026
Sawiro: Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee gobolka Karkaar ayaa yeeshay shir muhiim ah oo diiradda lagu saarayay xoojinta amniga gobolka, iyadoo si gaar ah looga hadlay arrimo la xiriira dhul-boobka sharci darrada ah, maandooriyaha, dadka hubka shirci-darada ah ku dhex wada magaalooyinka iyo dib u soo laabashada falalka burcad-badeednimada ee ka jira xeebaha gobolka Karkaar.
Shirkan oo ay ka soo qayb galeen odayaasha dhaqanka iyo waxgarad ka ayaa waxaa shir guddoominaayay maamulka gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho, kuwaas oo door muuqda ka qaatay hagidda doodaha iyo isku dubaridka ajandaha shirka.
Intii uu socday shirku, waxaa si qoto dheer loo falanqeeyay xaaladda amni ee gobolka, iyo sidii loo adkeyn lahaa wada shaqeynta bulshada iyo guddiga amniga gobolka. Odayaasha iyo masuuliyiinta ayaa hoosta ka xariiqay saameynta ay arrimahan ku leeyihiin xasilloonida iyo horumarka gobolka.
Qodobada shirka Soo baxay.
1)- Burcad badeeda: in dowladda iyo waxgaradba si wada jir ah looga hortago falalka burcad-badeenimo ee xeebaha gobolka ku Soo badanaayay, gacan bir ahna lagu qabto cid walba oo falalkaas lug ku leh hadaysan degdeg uga waantoobin.
2)- Dhul-boobka: in dhulka ay dowladda hoose masuulka tahay, soodinta magaaladda loo qorsheeyayna aan la dhaafi-karin, dhulka ka baxsanna uu dhul-daaqsimeed yahay. Sidoo kalena qof aan sharci u haysan dhulka uu san qabsan-karin, gadan-karin, dhisan Karin, waxaana laysla qaatay in dadka caadaystay dhul boobka sharciga la horgeeyo.
3)- Waxaa la mamnuucay in hub lagu dhexqaato magaalooyinka gobolka, askari aan shaqo ku jirinna uusan hub iyo darays ciidan u Soo qaadan-karin magaaladda.
4)- In dhammaan dadka ku howlan mukhadaraadka shirciga lahorkeeno, la dagaalanka maardooriyahana meel looga Soo wada jeensado.
Ugu dambeyn, waxaa la isku raacay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya bulshada iyo dowladda, si loo sugo amniga, loona xoojiyo kala dambeynta guud ee ka jirtah gobolka Karkaar.