Col Mohamed Ali Marduuf

Col Mohamed Ali Marduuf Waxaan u adeegayaa dalka iyo dadkayga

TACSIInnaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun.Garoowe, January 23, 2026 — Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca dhammaa...
23/01/2026

TACSI

Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

Garoowe, January 23, 2026 — Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca dhammaan Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacabka Puntland geerida ku timid Alle ha u naxariistee G/Sare Maxamed Cabdi Axmed (Kismaayo), Hoggaankii Qorsheynta iyo Tababarka Ciidanka Booliska Puntland.

"Allaha u naxariisto G/Sare Maxamed Cabdi Axmed (Kismaayo) waxa uu ahaa sarkaal aqoon iyo waayo-aragnimo sare leh, kanaalin mug leh ku lahaa tayaynta iyo horumarinta Ciidanka Booliska. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskiisa, qaraabadiisa, asxaabtiisa iyo dhammaan shacabka Puntland. Waxaan Alle uga baryayaa inuu dembiyadiisa dhaafo, su’aasha qabriga u fududeeyo, kuna abaalmariyo Jannatul-Firdowsa, ehelkiisana uu ka siiyo samir iyo iimaan.”

Marxuum G/Sare Maxamed Cabdi Axmed waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sannadkii 1964, waxa uuna ku biiray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sannadkii 1985. Intii uu ku jiray waajibaadkiisa shaqo, waxa uu ka soo shaqeeyay qaybo kala duwan oo ka mid ah Ciidanka Booliska, gaar ahaan qaybta Booliska Darwiishta, isaga oo si mug leh uga qayb qaatay sugidda amniga iyo kala dambeynta.

Sannadkii 1986, waxa uu tababar sare ku qaatay Kuliyadda Ciidamada Booliska ee Talyaaniga (Academia Modena). Kadib burburkii hay’adihii dawladda Soomaalya, waxa uu u guuray dalka Denmark.

Sannadkii 2015, Marxuumku waxa uu dib ugu soo laabtay dalka, isaga oo ku biiray Ciidanka Booliska Puntland, halkaas oo uu ka qabtay xilal muhiim ah oo ay ka mid yihiin Hoggaanka Qorsheynta iyo Tababarka. Waxa uu ka mid ahaa saraakiisha ugu aqoonta iyo waayo-aragnimada badan Ciidanka Booliska Puntland, kuna suntanaa anshax, daacadnimo iyo hoggaan wanaagsan.

Waxaan maanta kaqaybgalay munaasibada xarig jarka saldhiga xaafada waabari ee magaalada Garowe oo lagu sameeyey dayactir...
21/01/2026

Waxaan maanta kaqaybgalay munaasibada xarig jarka saldhiga xaafada waabari ee magaalada Garowe oo lagu sameeyey dayactir dhamaystiran.
Taliska ciidanka boliiska dowladda Puntland waxay adkaynayaan muhiimadda ay leedahay horumarinta saldhigyada booliska, tayeynta adeegyada amniga, iyo xoojinta xiriirka Booliska iyo Bulshada,si loo helo adeeg hufan oo dhamaystiran.
Mashruucan ayaa qeyb ka ah Mashruuca JPP2, oo ay maalgelinayso Midowga Yurub (EU), islamarkaana ay fulinayso Hay’adda UNDP, iyadoo ujeedadu tahay horumarinta adeegyada amniga iyo dhisidda nidaam boolis oo ku dhisan la-shaqeynta bulshada.

17/12/2025
22/11/2025

Waad kumahadsantihiin dhiirigalinta,waxaan labo jibaaraynaa inaan shaqada dalkeena u gudano si hufnaan ah.

22/11/2025

Waxaan mahadcelin iyo duco u dirayaa xildhibaan Abdikafi oo katirsan golaha deegaanka degmada Buurtinle dhulka uu ugu deeqay Taliska qaybta booliska Gobolka Nugaal si bulshada loogu adeego,sidoo kale waxaan u mahadcelin gudoomiyaha degmada buurtinle iyo bulsho waynta degmada kaalinta ay ka qaadanayaa xoojinta amniga mandaqada.

Waxaan Maamulka Degmada Buurtinle Kala wareegnay dhul uu Xildhibaan C/kaafi Maxamed Dirir oo kamida Golaha degaanka Degm...
21/11/2025

Waxaan Maamulka Degmada Buurtinle Kala wareegnay dhul uu Xildhibaan C/kaafi Maxamed Dirir oo kamida Golaha degaanka Degmada Buurtinle Cabirkiisuna Yahay 60 /60 oo uu ugu deeqay Ciidanka Booliska Puntland .
Waxaan xildhibaan Abdikafi uga mahadcelin uguna ducayn dhulka uu ugu deeqay si bulshada loogu adeego,Anaguna Waxaan balan qaadaynaa inaan ilaalin doono ugana faaiidayn doono bulshada degmada Buurtinle.

21/11/2025

Waxaan kalmad kooban ka jeediyey kulanka bulshada caasumadda iyo Boliiska.

20/11/2025

Booliis iyo bulsho wadajirta waa horseedka Amni dhaliya hormar dowladeed iyo mid bulsho.

Waxaan caawa Magaalada Garowe kagaqaybgalay  kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen qayb ka mid ah hoggaannada Booliska m...
20/11/2025

Waxaan caawa Magaalada Garowe kagaqaybgalay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen qayb ka mid ah hoggaannada Booliska maamulka gobolka Nugaal, taliska qaybta gobolka, maamulka degmada Garowe iyo bulshada rayidka ah.

Kulanka oo ay soo qabanqaabiyeen Ciidanka Booliska iyo bulshada caasumadda ayaa lagu gorfeeyay arrimo la xiriira xoojinta amniga, wada-shaqaynta bulshada iyo ciidanka, isla markaana la isku dhaafsaday xog ku saabsan xaaladda amniga ee magaalada.
Waxaan bogaadinayaa shaqada ciidanka booliska dowlada Puntland iyo garab istaaga bulshada gobalka,waxaa naga go,an inaan labo jibaarno sugida amniga si dalkeenu hormar ugutalaabsado.

16/11/2025

Dhiirigelin iyo Mahadnaq:

Ganacsade Caynaanshe Cabdullaahi wuxuu Booliska Puntland gaar ahaan qaybta Nugaal ugu Deeqay Labo Gaari,100 jeebo iyo agab kale oo ciidan,waa Tusaale Wanaagsan oo ah in Laga Barto Ka Qaybqaadashada taakulada Amniga.
Waxaan ka mahadcelinaynaa garashadiisa iyo taagerida howlaha xoojinta amniga ee ka qaybgalka bulshada iyo ganacsatada dalka.
Waxaan balanqaadaynaa inaan ugu adeegno bulshada si daacadnimo ah aana ugudano waajibkeena masuuliyadeed.
Waxaan ugu ducaynayaa in eebe ubarakeeyo ganacsigiisa ajarna eebe kasiiyo.

Waxaan ka qayb-galay maanta munaasibad Maamulka Degmada Dangorayo ee Gobolka Nugaal kusoo dhaweynayeen dhiiga cusub ee C...
14/11/2025

Waxaan ka qayb-galay maanta munaasibad Maamulka Degmada Dangorayo ee Gobolka Nugaal kusoo dhaweynayeen dhiiga cusub ee Ciidan Boliiska Puntland oo shaqada degmada aan kuwareejinay .
Waxaan bulshada degmada kuboorinayaa iney si dhow ula shaqeeyaa si loo xaqiijiyo amniga mandaqada.

Address

Nugaal
Nugaal

Telephone

+252907797329

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Col Mohamed Ali Marduuf posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category