Dhirayn Qaran

Dhirayn Qaran ๐™Ž๐™ค๐™ข๐™–๐™ก๐™ž๐™– ๐˜พ๐™–๐™œ๐™–๐™–๐™ง๐™–๐™ฃ ๐™’๐™–๐™– ๐™ƒ๐™–๐™™๐™–๐™› ๐™†๐™š๐™š๐™ฃ๐™– ๐™๐™œ๐™ช ๐™’๐™š๐™ฎ๐™ฃ

27/10/2026

Ururka Dhirayn Qaran wuxuu bulshada Soomaaliyeed uga digayaa khataraha ka dhalan kara roobabka xooggan iyo fatahaadaha la xiriiri kara dhacdada cimilada ee El Niรฑo.

Waxaan bulshada ugu baaqaynaa inay ka feejignaadaan digniinaha cimilada, kana fogaadaan goobaha halista u ah fatahaadaha, si loo ilaaliyo nafta iyo hantida bulshada.

Mss. Salma Abdullahi Hassan, Madaxa Qorsheynta ee Ururka Dhirayn Qaran, ayaa ahayd masuulka ururka uga qayb galay barnaa...
26/10/2026

Mss. Salma Abdullahi Hassan, Madaxa Qorsheynta ee Ururka Dhirayn Qaran, ayaa ahayd masuulka ururka uga qayb galay barnaamijka Haween Leadership Award, oo ay soo qabanqaabisay Women Rise Africa.

Barnaamijkan ayaa diiradda saaraya dhiirrigelinta hoggaaminta haweenka, awood-siintooda iyo xoojinta doorkooda ku aaddan horumarinta bulshada.

Ururka Dhirayn Qaran wuxuu bogaadinayaa dadaallada lagu horumarinayo hoggaaminta haweenka iyo kobcinta doorkooda bulshada.

DIGNIIN: KHATARAHA EL NIร‘OUrurka Dhirayn Qaran wuxuu bulshada Soomaaliyeed uga digayaa khataraha ka dhalan kara dhacdada...
20/10/2026

DIGNIIN: KHATARAHA EL NIร‘O

Ururka Dhirayn Qaran wuxuu bulshada Soomaaliyeed uga digayaa khataraha ka dhalan kara dhacdada El Niรฑo ee nagu soo fool leh, taas oo la filayo inay kordhiso roobabka iyo halista fatahaadaha qaybo ka mid ah dalka. Waxaan bulshada ugu baaqaynaa inay feejignaadaan, la socdaan digniinaha rasmiga ah, isla markaana u diyaar garoobaan xaaladaha cimilo ee daran.

5 TALO OO MUHIIM AH

1. La soco digniinaha rasmiga ah
La soco saadaasha hawada iyo digniinaha hay'adaha ay khusayso, kana fogow xogaha aan la xaqiijin.

2. Ka fogow meelaha fatahaaduhu ka dhacaan
Ha dhex marin biyaha fatahaadaha, kana fogow togagga, webiyada iyo meelaha ay biyuhu ku soo fatahi karaan.

3. Ilaali naftaada iyo qoyskaaga
Diyaarso qorshe badbaado, kana caawi carruurta, dadka waayeelka ah iyo qoysaska nugul inay gaaraan meelo ammaan ah.

4. Ilaali deegaanka
Nadiifi marinnada biyaha, hana ku daadin qashinka togagga iyo bullaacadaha, si loo yareeyo halista fatahaadaha.

5. Diyaarso agabka degdegga ah
Hayso biyo nadiif ah, cunto, toosh, dawooyinka muhiimka ah iyo agabka gargaarka degdegga ah.

Dhirayn Qaran โ€“ Deegaan Cagaaran, Soomaaliya Cagaaran.

15/10/2026

BOOQASHO RASMI AH โ€“ JAAMACADDA SIMAD

Waxaan booqasho ku tagnay xubnaha sare ee Ururka Dhireyn Qaran ee Jaamacadda SIMAD, taas oo qayb ka ah xoojinta xiriirka, is-dhaafsiga fikradaha iyo horumarinta wada-shaqeynta.

Booqashadan waxay fursad u ahayd isbarasho, wadatashi iyo dhiirrigelinta dadaallada lagu horumarinayo dhalinyarada iyo bulshada.

Dhireyn Qaran โ€“ Dhalinyaro, Horumar iyo Isbeddel Bulsho. ๐ŸŒฑ๐Ÿค

MAALINTA BEERALEYDA SOOMAALIYEED๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐ŸŒฑUrurka Dhirayn Qaran wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan beeraleyda Soomaa...
14/10/2026

MAALINTA BEERALEYDA SOOMAALIYEED๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐ŸŒฑ

Ururka Dhirayn Qaran wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan beeraleyda Soomaaliyeed, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata sugnaanta cuntada, horumarinta dhaqaalaha iyo ilaalinta deegaanka.

Beeraleydu waa laf-dhabarta wax-soo-saarka dalka, waana halyeeyada dadaalkoodu dhiso bulsho isku filan, horumar leh, mustaqbalkeeduna cagaar yahay.

Maalintani waxay ina xusuusinaysaa muhiimadda ay leedahay taageeridda beeraleyda, dhiirrigelinta beeraha, dhireynta iyo ilaalinta khayraadka dabiiciga ah.

Aan taageerno beeraleydeenna, aan kobcinno wax-soo-saarkeenna, una wada shaqeyno Soomaaliya cagaaran oo barwaaqo ah. ๐ŸŒณ๐Ÿ’š

Hambalyo Maalinta Calanka Soomaaliyeed โ€“ 12-ka Oktoobar๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ดUrurka Dhirayn Qaran wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dham...
12/10/2026

Hambalyo Maalinta Calanka Soomaaliyeed โ€“ 12-ka Oktoobar๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

Ururka Dhirayn Qaran wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda Maalinta Calanka Soomaaliyeed, oo ku beegan 12-ka Oktoobar, maalin qiimo weyn ku leh taariikhda iyo qarannimada Soomaaliya.

Calanka Soomaaliyeed waa astaanta xorriyadda, gobannimada, midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed. Waa astaan xambaarsan taariikhda halgankii geesiyaashii Soomaaliyeed ee u soo halgamay xorriyadda dalka, iyo himilada ay shacabka Soomaaliyeed u leeyihiin mustaqbal nabdoon oo horumar leh.

Maalintani waxay ina xusuusinaysaa muhiimadda ay leedahay ilaalinta qarannimada, xoojinta midnimada, kobcinta waddaniyadda iyo ka shaqaynta horumarka dalkeenna.

Ururka Dhirayn Qaran wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay xoojiyaan jacaylka dalkooda, ilaaliyaan midnimada qaranka, kana wada shaqeeyaan dhismaha Soomaaliya nabad ah oo horumarsan.

Hambalyo Maalinta Calanka Soomaaliyeed! ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

Shirka Bilaha ah ee Ururka Dhirayn QaranWaxaa maalinnimadii shalay qabsoomay shirka bilaha ah ee Ururka Dhirayn Qaran, k...
09/10/2026

Shirka Bilaha ah ee Ururka Dhirayn Qaran

Waxaa maalinnimadii shalay qabsoomay shirka bilaha ah ee Ururka Dhirayn Qaran, kaas oo looga hadlay warbixinta howlaha ururka, qorshayaasha socda iyo jihooyinka shaqo ee bisha soo socota.

Shirka waxaa shir-guddoomiyay Guddoomiyaha Ururka Dhirayn Qaran, Mudane Abdirizak Hassan Duale, iyadoo xubnaha shirka ay si wadajir ah uga wada hadleen horumarinta howlaha iyo xoojinta shaqada ururka.

Hoggaanka Sare ee Ururka Dhirayn Qaran ayaa si rasmi ah ugu magacaabay Leila Bashiir Mohamed inay noqoto Madaxa Dhiraynt...
08/10/2026

Hoggaanka Sare ee Ururka Dhirayn Qaran ayaa si rasmi ah ugu magacaabay Leila Bashiir Mohamed inay noqoto Madaxa Dhiraynta (Head of Plantation) ee Ururka.

Magacaabistan waxay qayb ka tahay dadaallada Ururka ee lagu xoojinayo dhireynta, ilaalinta deegaanka, wacyigelinta bulshada iyo hirgelinta qorshayaasha la xiriira dhir beerista iyo daryeelka deegaanka, iyadoo Leila Bashiir Mohamed laga filayo inay si hufan, xilkasnimo iyo daacadnimo leh u gudato waajibaadka loo igmaday.

Hoggaanka Ururka Dhirayn Qaran wuxuu Leila Bashiir Mohamed u rajaynayaa guul, horumar iyo masuuliyad wanaagsan gudashada xilkan cusub.

๐—›๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—จ๐—ฟ๐˜‚๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐˜†๐—ป ๐—ค๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป ayaa ka qaybgalay kulan uu Gudoomiyaha Golaha Dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed la yeesha...
03/10/2026

๐—›๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—จ๐—ฟ๐˜‚๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐˜†๐—ป ๐—ค๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป ayaa ka qaybgalay kulan uu Gudoomiyaha Golaha Dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed la yeeshay ururrada dhalinyarada, kaas oo looga hadlay u-diyaargarowga khataraha El Niรฑo, fatahaadaha iyo duufaannada.

Kulanka waxaa lagu adkeeyey doorka dhalinyarada ee ilaalinta deegaanka, wacyigelinta bulshada, diyaar-garowga musiibooyinka iyo gurmadka degdegga ah, iyadoo xoogga la saaray xoojinta iskaashiga Golaha iyo ururrada dhalinyarada.

Ururka Dhirayn Qaran waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madaxda Waaxyaha ee ugu Waxqabadka Fiican Bisha.Madaxa Qors...
30/09/2026

Ururka Dhirayn Qaran waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madaxda Waaxyaha ee ugu Waxqabadka Fiican Bisha.

Madaxa Qorsheynta โ€“ Salma Abdullahi Hassan
Madaxa Warbaahinta โ€“ Eng. Osman Adam Ali

Waxaan ku ammaanaynaa dadaalkooda, hoggaamintooda, qorsheynta wanaagsan iyo sida ay uga goโ€™an tahay horumarinta iyo gaarista himilooyinka Ururka Dhirayn Qaran.

Waxqabad wanaagsan wuxuu ka yimaadaa iskaashi, qorshe cad, hal-abuur iyo masuuliyad.
Waxaan idinku dhiirrigelinaynaa inaad sii waddaan dadaalka iyo adeegga aad u haysaan ururka.

Address

KM4โ€™Mogadishu
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dhirayn Qaran posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category