03/06/2026
Waxaa caawa si weyn isha loogu hayaa xaaladda siyaasadeed iyo amni ee ka dhalatay khilaafka u dhexeeya Mucaaradka iyo Dowladda Dhexe ee Soomaaliya. Xiisaddan ayaa abuurtay walaac sii kordhaya, iyadoo shacabka iyo daneeyayaasha siyaasadda ay si dhow ula socdaan
dhacdooyinka socda.
Wararka la helayo waxay muujinayaan in khilaafku uu galay marxalad xasaasi ah, taas oo u baahan in si taxaddar leh loo maareeyo si looga fogaado xaalado saamayn ku yeesha amniga, xasilloonida iyo geeddi-socodka dowladnimada dalka.
xaaladda jirta ayaa tilmaamaysa in wada-hadal iyo is-afgarad siyaasadeed ay yihiin waddada ugu habboon ee lagu xallin karo khilaafaadka taagan. Sidoo kale, waxaa muhiim ah in dhammaan dhinacyadu muujiyaan masuuliyad siyaasadeed, dulqaad iyo ka-hortagga tallaabooyin horseedi kara isku dhac ama sii hurin kara xiisadda.
Shacabka Soomaaliyeed waxay rajeynayaan in hoggaamiyeyaasha siyaasadda ay mudnaanta siiyaan danaha qaranka, ilaalinta nabadda iyo xoojinta midnimada dalka, si loo xaqiijiyo mustaqbal xasilloon oo ku dhisan wadajir iyo
horumar.
Cawaale ibraahim geele