17/02/2026
Ramadaan Mubaarak dhammaan Ummadda Muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan.
Waxaan umadda soomaaliyed ugu hambalyeyna curashda bisha fadliga badan ee Ramadan ,waxan alle kabaryaya in uu naga dhigo kuwo ka faaideysta bishan fadliga badan.
Waxaan ku baaqayaa in bishan barakeysan laga dhigo mid lagu muujiyo sadaqo, isu naxariisasho iyo is-caawin, gaar ahaan garab istaagga dadka danyarta ah iyo kuwa ay saameeyeen abaaraha.
Sidoo kale, waxaa muhiim ah in si wadajir ah looga shaqeeyo nabad waarta, wadajir bulsho iyo horumar guud oo dalkeenna gaara.
Alle ha inaga aqbalo soonka, salaadda iyo dhammaan acmaasha kheyrka ah.
Ramadaan Mubaarak.