Somali Computer Incident Response Team

Somali Computer Incident Response Team Somalia Computer Incident response Team (SOMCIRT) serves as the trusted focal point of contact and the first line of defense for securing Somalia’s cyberspace.

Its mission and authority is to identify, defend, respond and resolve cybersecurity incidents.

Sawirrada Maalinta Labaad ee Madasha 3aad ee Amniga Saaybarka Qaranka.
23/12/2025

Sawirrada Maalinta Labaad ee Madasha 3aad ee Amniga Saaybarka Qaranka.

23/12/2025

Muuqaal: Sidookale, aqoonyahanno kale oo ka soo qayb galay Madasha Saddexaad ee Amniga Saaybarka Qaranka ayaa ka hadlay aragtidooda ku saabsan Madasha.

23/12/2025

Muuqaal: Qaar kamid ah Aqoonyahanada ka soo qeyb galay Madasha Saddexaad ee Amniga Saaybarka Qaranka oo ka hadlay aragtidooda la xiriirta Madasha.

Mudane Axmed Cali Salaad, Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), ayaa si rasmi ah u soo xiray Madasha...
23/12/2025

Mudane Axmed Cali Salaad, Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), ayaa si rasmi ah u soo xiray Madasha 3aad ee Amniga Saaybarka Qaranka, isaga uga mahadceliyay dhammaan ka-qaybgalayaasha, khudbad-jeediyeyaashii iyo aqoonyahannadii soo bandhigay warqadaha cilmiyeed, iyo Jaamacadda Muqdisho doorkeeda ku aaddan wada-qabsashada iyo hirgelinta madasha.


Mudane Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar, Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Ka Hortagga iyo La-dagaallanka Fikradaha Xag...
23/12/2025

Mudane Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar, Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Ka Hortagga iyo La-dagaallanka Fikradaha Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata (PCVE), ayaa khudbad ka jeediyey xiritaanka Madasha Saddexaad ee Amniga Saaybarka Qaranka, isaga oo adkeeyay muhiimadda iskaashiga iyo xoojinta amniga dhijitaalka ee dalka.


Dr. Ibraahim Maxamed Mursal, Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, ayaa khudbad kooban ka jeediyey xiritaanka Madasha Saddex...
23/12/2025

Dr. Ibraahim Maxamed Mursal, Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, ayaa khudbad kooban ka jeediyey xiritaanka Madasha Saddexaad ee Amniga Saaybarka Qaranka, isaga oo mahadcelin u jeediyey ka-qaybgalayaasha isla markaana bogaadiyey waxqabadkii labadii maalmood ee madasha.


Maalinta labaad ee Madasha Saddexaad ee Amniga Saaybarka Qaranka ayaa  lagu qabtay layli fadhi-ku-shaqayn (Tabletop Exer...
23/12/2025

Maalinta labaad ee Madasha Saddexaad ee Amniga Saaybarka Qaranka ayaa lagu qabtay layli fadhi-ku-shaqayn (Tabletop Exercise) oo ku salaysnaa xaalad tusaale ah (scenario) oo loogu magac baxay “Weerarka Lama Filaan ah” (The Unplanned Attack).

Layligan ayaa diiradda saarayay sida hay’aduhu uga jawaabi karaan hanjabaad amni saaybar oo lama filaan ah, gaar ahaan marka aan si cad loo ogayn nooca weerarka la qorsheynayo.

Ka-qaybgalayaasha ayaa loo qaybiyay afar (4) kooxood, kuwaas oo si wadajir ah uga dooday khataraha suuragalka ah, tallaabooyinka mudnaanta leh ee difaaca, iyo hababka lagu xoojin karo diyaargarowga iyo qorshaha ka-falcelinta dhacdooyinka amniga saaybarka.

, # Cyber , ,

Orhan Osmani, Madaxa Qaybta Amniga Saaybarka ee Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa qaab fogaan-arag uga hadla...
23/12/2025

Orhan Osmani, Madaxa Qaybta Amniga Saaybarka ee Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa qaab fogaan-arag uga hadlay maalinta labaad ee Madasha Saddexaad ee Amniga Saaybarka Qaranka, isaga oo la wadaagay ka-qaybgalayaasha talooyin muhiim ah oo ku saabsan xoojinta amniga saaybarka ee heer qaran.


Zakariye Gurey, Agaasimaha ICT-da iyo Amniga Saaybarka ee Xafiiska Madaxweynaha, oo ka mid ahaa marti-sharafta ka hadash...
23/12/2025

Zakariye Gurey, Agaasimaha ICT-da iyo Amniga Saaybarka ee Xafiiska Madaxweynaha, oo ka mid ahaa marti-sharafta ka hadashay maalinta labaad ee Madasha Saddexaad ee Amniga Saaybarka Qaranka, ayaa diiradda saaray mowduuc cinwaankiisu ahaa:
“Tixgelinta Amniga Saaybarka si la mid ah Amniga Qaranka: Maareynta Khatarta iyo Adkaysiga Kaabeyaasha Dhijitaalka ee Adeegyada Dadweynaha.”


Madasha Amniga Saaybarka Qaranka ayaa maalinta labaad lagu qabtay fadhi-dood cinwaankiisu yahay “Abuuridda Feker iyo Dha...
23/12/2025

Madasha Amniga Saaybarka Qaranka ayaa maalinta labaad lagu qabtay fadhi-dood cinwaankiisu yahay “Abuuridda Feker iyo Dhaqan Qaran oo ku saabsan horumarinta Amniga Dhijitaalka ah.”

Fadhi-doodkan waxaa looga hadli doonaa kor u qaadidda wacyiga, mas’uuliyadda wadajirka ah, iyo sameynta hiigsi mideysan si loo horumariyo kaabayaasha amniga dhijitaalka ee Soomaaliya.

Fadhi-doodka waxaa ka qeybgalay:
1. Dr Maxamed Aadam Isaaq, Barre ka tirsan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
2. Cabdiraxmaan Maxamed Diiriye, Gudoomiyaha shirkadda SOMTAC
3. Dr Yaxye Abuukar Axmed, Agaasimaha Machad ka Garaadka Macmalka ee Jaamacadda SIMAD
4. Maxamed Cadceed Cali, Agaasimaha Midowga Ururada Bulshada Rayidka (SONSA)
5. Cabdqani Maxamed Wehliye, Agaasimaha Diiwangelinta Madaniga, Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka, Dib u Heshiisiinta, DFS
6. Eng. Cabdiraxmaan Cali Xaaji Hormuudka, Kulliyadda Cilmiga Kombiyuutarka iyo Teknoolojiyadda Macluumaadka ee Jaamacadda Hormuud

Fadhi-doodkan waxaa hoggaminayay Eng Cabdisataar Carabow Ibraahim, oo bare sare ka ah Kuliyadda Cilmiga Kombuutarka, Jaamacadda Muqdisho

Eng. Cabdulle Xasan Maxamuud, oo ah Bare Sare iyo Cilmi-baare ku xeel dheer Teknoolojiyadda iyo Amniga Saaybarka, ayaa m...
23/12/2025

Eng. Cabdulle Xasan Maxamuud, oo ah Bare Sare iyo Cilmi-baare ku xeel dheer Teknoolojiyadda iyo Amniga Saaybarka, ayaa maanlinta labaad ee Madasha Saddexaad ee Amniga Saaybarka Qaranka ka soo jeediyey warqad cilmiyeed cinwaankeedu yahay:

“Algorithm-ka Hagaajinta Xisaabta Isku-dhafan ee Ogaanshaha Cilladaha Shabakadaha Isgaarsiinta.”


Mudane Maxamed Cali Cumar, Guddoomiye Ku-xigeenka Xiriirka iyo Horumarinta ee Jaamacadda Muqdisho, ayaa soo dhaweeyay ka...
23/12/2025

Mudane Maxamed Cali Cumar, Guddoomiye Ku-xigeenka Xiriirka iyo Horumarinta ee Jaamacadda Muqdisho, ayaa soo dhaweeyay ka-qaybgalayaasha Maalinta Labaad ee Madasha 3aad ee Amniga Saaybarka Qaranka.


Address

Mogadishu, Banadir
Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Computer Incident Response Team posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share