02/06/2026
Geneva waxaan kulan wax-ku-ool ah kula yeeshay Mudane Naser Alhayen, Safiirka Dowladda Kuwait ee Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha Kale ee Caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Geneva.
Intii uu kulanku socday, waxaan is dhaafsanay aragtiyo ku saabsan sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Kuwait, gaar ahaan arrimaha shaqada, horumarinta xirfadaha iyo abuurista fursado shaqo oo dheeraad ah.
Waxaan aad u qadarinayaa doorka Dowladda Kuwait ay ka qaadato taageerada Soomaaliya iyo dadaallada horumarineed ee ka socda dalkeenna. Waxaa naga go’an inaan sii xoojinno wada-shaqeynta ku dhisan is-ixtiraam, dan wadaag iyo xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.
Waxaan kalsooni ku qabaa in wada-hadalladan iyo xiriirrada noocan oo kale ahi ay door muhiim ah ka qaadan doonaan horumarinta iskaashiga labada dal iyo kor u qaadista fursadaha ay ka faa’iideysanayaan shacabkeenna.